Xaalufka saameeyey meelo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa ,wuxuu saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyadaba, gaar ahaan noocooda u nugul xaalufka. Meelaha naabdguurka ugu darani saameeyey waxaa ka mid ah, deeganno aad ugu wanaagsanaa daaqsinta sedexda miisi ee Somalidu dhaqato, sida geela lo’da iyo ariga kuwaas oo u kala nugul marka abaar iyo xalufba dhacaan,
Lo’dii lagu yaqiin deegaamo badan oo kamida gobolka Mudug ayaa waxay hadda u muuqataa mid sii dabargo’aysa, inkasta oo aan cilmibaaris rasmiya lagu sameyn waxa sababay arrintaas haddana waxa la rumaysan yahay inay sabab u tahay xaalufka saameeyey deegaanka.
Mustaf Casiis Aw yusuf oo kamida masuuliyiinta urur waddaniya oo ka shaqeeya ilaalinta deegaanka ee gobolka Mudug ayaa idaacadda Ergo u sheegay inay sii dabargo’ayso lo`dii Mudug lagu dhaqan jiray, taaso ay sabatay xaalufka ka dhacay deegaamadii ay daaqi jirtay.
“Lo’dii way dabargoday waliba xeebtay ugu dabeysay iyadana way ka dhamaatay waxana u sababa Lo`du wax nuggul bay ahayd oo cows iyo biyo bay haysatay cowskiina waa weyday, meelmeel dhifa ayaad ku arkeysa neefaf aan badnayn oo ah dhinaca Eyl”ayuu yiri Mustaf
Farax Muuse Cali waxa uu dhaqan jiray Lo’da lakiin hadda taasi way dhaaftay, idaacada Ergo ayaa waxa uu uga warramay waxa ay sababsatay lo’dii Mudug joogi jirtay,
“Lo’lay baan ahaa ilaa fac ka fac jiray markii u dabaysana waxay gaartay 200 oo sacaad in ka badan maantana hal neef kama noola sacii u dambeeyey wuxuu dhintay Diraacdii dhaweyd ee 2012, waxaana ku dhacay nabaadguur dhulkii ay daaqi jirtay baa nabaadguuray ,Cows iyo markay wayday waxay daaqdo bay baaba`day, anniga waxay ila tahay abaaraha dabada dheeraaday ee soo noqnoqday, roobabkii aan hore u heli jirnay oo yaraaday iyo daagsiimooyinkoo batay ay yihiin waxyaalaha ugu badan ee keenay xaalufka sababay in lo’du daaq weydo”
Maxamed Muuse Calikoor oo isna kamida dadka dhaqan jiray lo’da lakiin hadda aan hal sacna haysan ayaa Ergo u sheegay inay sababtu tahay xaaluf si weyn u saameeyey nolosha dadka iyo duunyadaba.
“Wax badan baan lo’lay ahaa oo waan dhaqan jiray lakiin maanta waxba kama noola , waxay ku noolaataa lo’du bur, dooxo cawseed iyo biyo burku waa cowska lo’du cumto oo aysan ka maarmi karin , maanta waa weyday cowskii, qashkii iyo yiristii ay cuni jirtay dhulkiina waa xaalufay meel kastana waxa laga dhigay baraag iyo tuulo, waxay noo daaqi jirtay lo’du Cadduun,dooxa Mudug iyo Ceelcad, waxaana ku yaalay bur cows ah, waa durreemi iyo yara,
meel kasta oo ay tagtana waxay kaheli jirtay biyo iyo baad, waxana dhameeyey lo’dii Mudug waa xaaluf iyo abaar ee maahan cudur,”sidaas waxa Ergo u sheegay Maxamed Muuse oo ahaan jiray lo’lay.
Xoolo raacatada Soomaalida ayaa si isku mid ah kuugu sheegayo niyad jab ka haysta dhaqista xoolaha, xaalufka jira dartiis, mase haystaan waqtigaan talo ay ku wajihi karaan arrintaan
Burhan Cadeysay/MH/MRS









