
Tababaar xirfadeed kalluumeysi ayaa uga furmay Hobyo kalluumeysatada degaankaas. Tababarkan oo ay fulineyso hay`ad ka mid ah kuwa maxalliga ee deegaankaas laguna magacaabo Deh Relif ayaa lagu barnayaa hab sare loogu qaadi karo farsamda kalluumeysiga ee deegaanka.
Tababarkan ayaa wax ka tari doona xirfad la’aanta wax soo saarka badda oo liita iyo dhibaatooyinka waaweyn ee haysta kalluumaysatada Soomaalida.
Tababarkan oo ka koobnaa laba qaybood oo kala ah in kalluumaysatada la baro macluumaadka lagama maarmaanka u ah waqtiga badda lagu jiro iyo in la hagaajiyo hab maamulka waxa ay soo helaan ayaa waxaa ka faa’iidaystay ku dhawaad boqol kalluumeysato ah oo ku nool dagmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxayna isug jiraan kuwo horay hawlaha kaluumaysiga uga shaqeyn jiray iyo dad ku cusub jalaabashada kaluunka, shaqo la’aanna ahaa.
Axmed Cusmaan Gaabe oo ah 45 jir xaas leh kuna nool dagmada Hobyo shaqo la`aanna ahaa ayaa ka hadlayaa halka uu higsanayo ka dib tababarkan uu qaatay.
“Waxaa nala baray sida loo kalluumaysto, hadda waxaan joogaa xeebta Hobyo waanigaas kalluunka gacanta ku sita oo soo dabtay, horay uma aqoon hawshan maanta xirfadayda waa ku kalsoonahay oo qoyskayga inaan ugu shaqeeyo ayaan rabaa in kastoo qalab aanan haysan” ayuu yiri
Daahir Maxamed Cilmi waa xildhibaan ka tirsan maamul deegaanka ah oo la yiraahdo Ximan iyo Xeeb degmada Hobyo, wuxuu sheegayaa in tababarkan uu deegaanka ahmiyad wayn u leeyahay ayna soo dhawaynayaan, fursadna u tahay in la nooleeyo hab kaluumaysi oo ku dhisan xirfad.
“Dadka halkan ku nool qaar badan oo ka mid ah noloshoodu waxay ku xirantahay badda, tababarkaana aadbuu muhiim ugu ahaa, waxaana codsanaynaa in la caawiyo kalluumaysatada Hobyo oo duruufo badan ay haystaan oo qalab la’aantu ka mid tahay” ayuu yiri xildhibaan Daahir.
Xiriiriyaha hawlaha samafalka NGO-ga tababarkan fuliyay Farxaan Maxamuud Carab ayaa ka hadlaya qaabka tababarka uu ahaa iyo casharada la bixiyay muhiimadda ay kaluumaysatada u lahaayeen.
“Waxaanu barnay kalluumaysatada waxyaabaha lagama maarmaanka u ah marka ay Badda ku jiraan sida meelaha laga kaluumaysan karo, goobaha ku haboon, ilaalinta ugaxanta iyo haddii ay wax soo helaan sidii ay u maamulan lahaayeen, waana ka warqabi doonaa sida ay shaqadooda ugu dabaqaan iyo waxyaabaha kale ee dib kaga soo kordha ee shaqadooda la xiriira” sidaas ayuu yiri Farxaan.
Kaluumaysatada gobolka Mudug ayaa waxaa haysta dhibaatooyin ay ka mid yihiin qalab la’aan sida inaanu haysan shamaagado iyo doonyo, iyadoo ay intaasi sii dheertahay caqabadaha ay kala kulmaan maraakiibta shisheeye ee xeebaha ku soo dhawaata.
Diirshe/MRS









