Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Abaalmarinta saxaafadda Soomaalida ee 2013 oo daaha laga rogey 23 Oktoobar 2013

Radio Ergo by Radio Ergo
October 24, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQaramada Midoobey oo ay wada-hawlgalayaan Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) ayaa suxufiyiinta ku martiqaadaya in ay soo gudbiyaan sheekooyin (barnaamijyo iyo maqaallo) bidhaaminaya oo sharxaya arrimaha horumarinta iyo bani’aadamnimada si ay uga qaybgalaan
tartanka Abaalmarinta Saxaafadda Soomaalida ee 2013.

Abaalmarinta ayaa loogu talagalay in lagu bixiyo tayo-sarreynta, raacidda mabaa’diida saxaafadda wanaagsan iyo xaalad u habboonaanshaha waxyaabaha saxaafaddu baahiso. Waxaa abaalmarintan looga danleeyahay in lagu aqoonsado gacantii ay suxufiyiinta Soomaaliyeed ka geysteen kor u qaadidda wacyiga dadweynaha ee ku aaddan arrimaha horumarinta iyo bani’aadamnimada waxaana la guddoonsiinayaa suxufiyinta Soomaaliyeed ee ku shaqeeya Af- Soomaaliga iyada oo danta laga leeyahayna ay tahay in lagu dhiirrigeliyo saxaafad xooggan, firfircoon oo mas’uul ah si ay uga faa’iideystaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in Abaalmarinta Saxaafadda Soomaalida ee 2013ka maantadan daaha looga rogayo Muqdisho, Garoowe iyo Hargeysa,” ayaa uu yiri Madaxa QM iyo Xiriiriyaha Bani’aadamnimada, Philippe Lazzarini. “Suxufiyiin tababar wanaagsan qaba oo maskax wax falanqeysa leh ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed siin kara macluumaadka ay ugu baahan yihiin u ololeynta kobcinta dhaqaalaha, xisaabtanka iyo daah-furnaanta.”
Waxyaabaha looga qaybgelayo tartanka waa in la soo gudbiyaa ugu dambeyn 6da Nofembar 2013. Kuwa abaalmarinta ku guuleysta ayaa lagu dhawaaqi doonaa oo abaalmarintana la siin doonaa maalinta Xuquuqda Aadanaha ee 10ka Disembar 2013.

Sheekooyinka/barnaamijyada guuleysanaya waxaa soo xulaya guddi xeer-beegti ah oo ay ka mid yihiin suxufiyiin waayo-arag ah, wakiillo ka socda saxaafadda iyo khubarro dhinaca war-isgaarsiinta ah oo ka socda QM. Kuwa ku guuleysta qayb/nooc kasta oo abaalmarin lagu bixinnayo waxaa ay heli doonaan abaalmarin ka kooban qalab saxaafadeed iyo shahaaddo sharaf.

Sidee looga qaybgeli karaa tartanka?
Dhammaan suxufiyiinta u qalma/xaqa u leh ayaa lagu martiqaadayaa in ay soo gudbiyaan sheekooyinka ama barnaamijyada ay kaga-qaybgalayaan ee ku saabsan mid ka mid ah qaybahan
abaalmarinta lagu bixinayo:
– Arrimaha dheddiga iyo labka (Gender)
– Carruurta iyo dhallinyarada
– Helidda adeegyada aasaasiga ah
– Saxaafadda baarista/dabagalka la xiriirta

Waxyaabaha tartanka looga qaybgelayo waa in e-mail loogu soo diraa cinwaanka e-mail-ka
ee somalimediaawards@gmail.com ugu dambeyn 6 Nofembar 2013 habeen-barka (GMT + 3).

Shuruudo guud:
• Waxyaabaha tartanka looga qaybgelayo ee la soo gudbinayo waa in ay ahaadaa Af-
Soomaali; ka-qaybgalka (barnaamijyada iyo sheekooyinka) lagu soo gudbiyo Af-Ingiriisi
lama aqbali doono.

Guddiga xeer-beegtida ayaa qayb kasta ka soo xuli doona qofka guuleysta iyaga oo u eegaya: habboonnaanta iyo muhiimadda mowduuca la qaatey; tayada iyo asalnimada hab-saxaafadeedka la adeegsadey; saxnaanta hawsha baaritaanka/dabagalka ah; dadaalka la geliyey soo gudbinta sheekada/sheekooyinka; dhex-dhexaadnimada iyo eex-la’aaanta; dheelli-tirnaanta iyo raadka wanaagsan ee ay reebi karto/karaan sheekada/sheekooyinka.
Xeer-beegtidu waxaa ay mudnaan siin doontaa barnaamijyada/qoraallada xal-raadinta u janjeera. Waxyaabaha la soo gudbinayo waa in ay ahaadaan kuwo ka baxay idaacad ku taalla Puntland ama Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, ama lagu daabacay wargeys ama bar internet oo ka soo baxda Somaliland, intii u dhaxaysey 1dii Oktoobar 2012kii
ilaa 30kii Sebtember 2013ka.

Keliya suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeynaya gudaha dalka ayaa ka qaybgeli kara.
Dhabbe-tusayaasha Soo-gubbinta:

Waxyaabaha looga qaybgalayo tartanka waxaa lagu soo diri karaa emailka
somalimediaawards@gmail.com inta u dhaxaysa 23ka Oktoobar ilaa 6da
Nofembar 2013 wixii loo gaaro 00.00 GMT+3.

Waxyaabaha looga qaybgelayo tartanka waa in ay qaabkan u sameysan yihiin:

Puntland iyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya; barnaamijyada idaacadeed; nuqul elektaroonik ah oo ku diyaarsan MP3 ama qaab kale oo lagu dhegeysan karo windows media player. maqaal: qoraal loo diyaariyey qaab Word ama Pdf iyo sawir/daabacaadda shaashadda (picture/screen print) ee maqaalka waqtigii la baahinayey.

Ka-qaybgal kasta waa in uu la socdaa Foomka Soo-gudbinta oo ay buuxiyeen suxufiga iyo cidda baahisey/publisher. Marka ay soo gudbiyaan foomkan, suxufiga iyo baahiyaha/daabacaha waxaa ay oggolaanayaan in Abaalmarinta Saxaafadda Soomaaliyeed ay dib u soo saari karto ayna baahin karto hawsha/maqaalka loo soo gudbiyey haddii danta laga leeyahay ay la xiriirto Abaalmarinta Saxaafadda Soomaaliyeed. Abaalmarinta Saxaafadda Soomaaliyeed xuquuq uma laha in ay hawsha loo soo gudbiyey ay ka iibiso cid saddexaad.

Haddii koox ay ka wada-qaybqaadatey qoraalka, magacyo kale ayaa lagu dari karaa dhammaanka foomka soo gudbinta.

Cinwaannada
Macluumaadka ka eeg halkaan.
UNDP: Ane Birk-Kamara, Gender Programme Analyst;
Email: ane.birk@undp.org, Mobile: +254 7 1801 6529
UNFPA: Fitsum Habtemariam, Communications/Media officer
Email: habtemariam@unfpa.org, Mobile: +254 733 400 334
NUSOJ: Mohamed Ibrahim, Xog-hayaha guud ee NUSOJ (Secretary-General),
Email: mohamed.ibrahim@nusoj.org.so Moble: +252 615 889 930
SOLJA: Mohamed-Rashid Muhumed, Xog-hayaha Guud ee SOLJA (Secretary-General)
Email: slsolja@yahoo.com, Cell phone: +252 634000277

Previous Post

SARE U QAADIDDA XIRFADDA KALLUUMAYSI EE XEEBAHA HOBYO

Next Post

Waraaqaha been abuurka ee barkacayaasha laga iibinayo

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Waraaqaha been abuurka ee barkacayaasha laga iibinayo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo