
Xilligan waxaa xarumaha caafimaadka ee lagu daweeyo dadka qaba xanuunka dhimirka ku soo badanaya bukaannada la ildaran xanuunkaasi sida uu sheegayo Dr Cabdiraxmaan Cali Cawaale oo ah madaxa xarunta lagu daryeelo dadka ka xanuunsan dhimirka. Marka laga yimaado kuwa bannaan jooga ah ee xauunkan hayo waxaa xilligan xarunta caafimaadka ee Xabeeb ku jira 300 oo bukaanno ah kuwaasoo qaadanaya dawooyinka xanuunka dhimirka.
Dr xabeeeb ayaa sheegay inay jiraan arrimo dhowr ah oo xilligan isbiirsaday “Dadka qaar waxan xusuusanayaa 4 sano ka hor wixii ku dhacay sida dhacdooyin xanuun badan oo iyaga iyo ehelkooda kala soo gudboonaatay dagaalladii dhacayey.”
Bishii August waxaa xarunta ku jiray 233, halka bishii Septemberna 270, toddobadii maalmood ee ugu horreysayna waxaa xarunta soo gaaray 30 qof oo ka buka miskaxda, waana inta la keeno goobta isbitaalka ah, waxaase badan boqollaal bukaan ah oo tiradooda aan la ogeyn oo ku dhex filiqsan magaalada.
Markaad dhex socoto Muqdisho wadooyinka, goobaha dadku ku badanyihiin iyo xaafadaha ayaad ku arakaysaa dadkan qaba xanuunka, waxayna bulshada ku wajahaan dhaqamo kala duwan sida qaar kood oo dagaallamaya qaar aamusan iyo kuwa isla hadlaya.
Daraasaad ay samaysay hay’adda caafimaadka adduunka WHO Sanadkii 2009 ayaa lagu sheegay in xanuunka dhimirka Soomaaliya uu xilligan ku badan yahay uuna jiro koror seddexdii qofna uu hal qof qabo xanuunkan sida uu sheegayo Dr Xabeeb.
Ma ahan oo keliya dadka qaba xanuunkan kuwa uu ka halleelay Soomaaliya ee qaarkood waxay ku soo xanuunsadeen dibadaha. Maxamed Axmed sheekh waa bukaan hadda ay ka soo raanayso xaaladdiisa caafimaad waxaana xanuunkan uu ku soo haleelay dalka Jarmalka sida uu u sheegay raadiyaha Ergo.
Dadka la xanuunsanaya dhimirka magaalada Muqdisho waxaa kamida ah haween wuxuuna ku billowday xanuunkooda hinaanso ama maseyr sida ay sheegayso Nimco Xuseen oo xilligan lagu dawaynayo xarunta dhimirka Xabeeb Mental Hospital xaruntiisa degmada Waaberi “Xanuunkeyga wuxuu ku bilowday maseyr oo ninkayga ayaa ila guursaday naag kale oo weliba wuxuu iga baxiyay aqlkii oo alaabtayda ayuu naagtii kale kula aqal galay.” ayay tiri Nimco.
Kororka xanuunka dhimirka waxaa kaalin weyn ku leh isticmaalka muqaadaraadka sida uu ii sheegay Maxamed Cumar Kadiil oo aaminsan in xanuunkiisa ay balwadda sabab u tahay kana soo raynaya xilligan”Balwad ayuu ku billowday xanuunkayga oo waxaan isticmaali jiray balwadda welina waxaa ii muuqata balwadda laakiin waan fiicanahay caafimaad ahaan”ayuu sheegay Cumar Kaadil.
Qaar kamid ah ehellada dadkooda xilligan uu hayo xanuunka dhimirka ayaa u sheegay raadiyaha Ergo inay jirto soo kabasho xanuunkan ah sida uu sheegayo Xasan Xuseen Nuur “Xanuunka walaalkay wuxuu ku billowday madax xanuun waxaana dareemaynaa inuu ku yimid kadib markii ganacsi uu ku lahaa magaalada Kampala si farsamo ah looga qaatay kadibna maskaxda si ka noqday”ayuu yiri Xasan.
Dr Xabeeb ayaa qiray in arrinta koowaad ay tahay balwadda sida qaadka ayna u badan yihiin dadka dhalinyarada ah kuwa la keenayo xarumaha caafimaadka.”Haa waxaa u badan cunidda qaadka ayaa ugu badan waana kuwa dhalinyarada ah iyaga ayaan dhihi karnaa kuwa muqaadaraadka cuna.”
Xilligan si buuxda uma sahqeeyo ispitaalka xanuunka dhimirka ee Forlaliine ee magaalada Muqdisho dowladda Soomaaliyana si buuxda adeegga caafimaadka gacanta uguma hayso.
Ugu dambeyntii Dr Cabdiraxmaan Cali Cawaale Dr Xabeeb ayaa talo ku soo jeediyay inay muhiim tahay in loo istaago sidii loo dawayn lahaa xanuunkan si la mid ah la dagaallanka nafaqa darrada asaga wuxuuna sheegay in aan ahmiyad gaar ah aan la siinin xanuunka dhimirka.
Cabdulqadir/MH/FM









