
Tirada qoysaskaan ka soo laabtay xeryaha qaxootiyada Kenya oo gaareya inka badan 300 oo qoys ayaa u badan qoysas ka kooban haween, carruur iyo dad da’a ah, kuwaasoo isugu jira qoysas ka kala yimid xeryaha, IFO, Xagardheer iyo Dhagaxley, waxayna qoysaskaan ay sheegeen in xeryahaasi ay isaga soo laabteen kadib markii ay la kulmeen dhibaatooyina dhanka nolasha iyo amniga ah.
Mama Xaliimo iyo toddobo carruur ah oo ay dhashay waxay kamid yihiin qoysas maalmihii ugu dambeeyay ka yimid xeryaha qaxootiyada Dhabaab oo dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, waxaana iyada oo ku suggan aqala cooshado ka sameysay oo ay ka dhisatay Kismaayo ay wariyaha Ergo u sheegtay in intii ay u soo socdaaleysay Kismaayo iyo xeryaha aysan wax dhibaato ah la soo kulmin, marka laga reebo, dhibaatooyin ka heysta dhanka cunnooyinka quutul daruuga ah iyo biyaha nadiifta ah ee la cabo.
“Aniga waxaan ka soo laabtay oon ka imid Xerada IFO, Kismaayo gaari ayaan ku imid, labo maalin ayaan jidka ku soo jiray, toddobo cunug ayaan wataa, waddada wax rafaad ah kalama soo kulmin, laakiin waxay dhibaato naga heysataa dhanka raashinka, Dhadhaab waxaa naga soo celiyay waxa xumaatay nolasheenii, dheeftii aan heli jirnay ayaa yaraatay, ammankana ma fiincneyn, ayay tiri mama Xaliimo oo kamid ah dadka ka soo laabtay Xeryaha Dhadhaab ee Kismaayo gaaray.
Dadkaan xeryaha ka soo laabanaya waxaa waheliya qoysas iyaguna ay dhibaateysay abaarihii dalka ku dhuftay kuwaasoo iyaguna dadkaan ka soo raacay xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.
Maxamuud Muuse Cali oo kamid h horjoogayaasha xeryaha Kaamamka ee magaalada Kismaayo oo aan kula kulanay xerada ay dadka soo laabanaya ka dhisteen duleedka galbeed ee Kismaayo ayaa Ergo u sheegay in tirada dadka ka soo laabanaya xeryaha Dhabaab oo si xowli ah ku socda ay haddana jiraan caqabado dhanka gargaarka iyo nolasha ka heysta dadka soo laabanaya.
“Dadka xeryaha Kenya ka imaanaya waa qul-qul, waxaana jirta dhibaato badan oo dadkaan ay qabaan, hoy ma heystaan, meel ay ku soo degaan ma heystaan, nolol fiican ma heystaan, dadku waxay u baahan yihiin gargaar iyo gacan qabasho,” ayuu yiri Maxamuud Muuse Cali.
Khadar/MRS









