Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Soomaalida ka soo noqonaysa Koofur Afrika oo ay tiradoodu sii kordhayso

Radio Ergo by Radio Ergo
October 9, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWaxaa aad usoo kordhay dadka Soomaaliyeed ee dib ugu laabanaya Soomaaliya kuwaasoo muddo ku noolaa dalka Koofur Afrika, kadib markii dalka Soomaaliya qeybo ka mid ah nabad lagu soo dabaalay, islamarkaasina nidaam dowladeed oo curdun ah uu ka dhashay. Sababaha kale ee dadka u laabanayaan ayaa waxaa ka mid ah dhibaatooyinka ay kala kulmaan Koofur Afrika oo gaaray heer aanan loo adkaysan karin.

Dib u laabashada dadka ayaa bilaabatay bishii Febraayo ee sanadkaan kadib markii la furey safaaraddii ugu horreysey oo Soomaaliya ku yeelato Pretoria, taasi oo sahashay waraaqaha guryo ku laabashada ama Go Home loo yaqaanno, iyada oo laga kaashanayo wasaaradda arrimaha gudaha ee Koofur Afrika.

Siduu radio Ergo u sheegey Idris Maxamed oo madax ka ah shirkadda Kelker oo iyadu ka shaqaysa arrimaha duulimaadka iyo shatiyadda dayuuradaha, ahna tan dadka ugu badan ay shatiyada ka jartaan, toddobaadkii waxaa dalkoodii ku laabata ilaa 40 qof.

Idris wuxuu Ergo u sheegey in dhaqaalaha Koofur Afrika oo hoos u dhacay iyo rabshado soo galooti nacayb, rabshada macdan qodayaasha oo iyana saamayn ammaan ku yeelatay yihiin arrimaha ugu badan ee Soomaalida dhigay rajo la’aanta inay sii joogaan waddanka.

Xasan Maxamed Cali iyo Cabdinaasir Caano waxay ka mid yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkooda dib ugu laabanaya, waxay Ergo u sheegeen in halkii lagu dili lahaa Koonfur Afrika ay u dhaanto in dalkooda ay ku dhintaan. Waxay sheegeen in ay dhiirri gelin ka heleen nabadda iyo dowladnimada laga soo sheegayo Soomaaliya, doonayaanna in mar uun dalkoodii ku laabtaan dhibaato kasta oo halkaasi ku qabsanatana ay dulqaad u leeyihiin.

Ma ahan oo kaliya in dadka lafahooda ay ku laabanayaan Soomaaliya , ee waxaa jira nacfi iyo faa’iidooyin ay kula laabanayaan Soomaalida sida uu qabo qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika Maxamed Cali Shire.

Qunsulka waxa uu sheegey in dadka laabanaya ay la laabanayaan xirfado ganacsi, dhaqaale haba yaraadee ay ganacsi iyo maalgashi ku samayn karaan, iyo waliba ilbaxnimo ay ka kororsadeen waddanka ay ku noolaayeen sanadaha ee Koonfur Afrika.

Sanadkani oo kaliya dadka dib ugu laabtay Soomaaliya ee koonfur Afrika ka tagay waxaa lagu qiyaasaa ilaa shan kun oo qof siduu shegay qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Koofur Afrika Maxamed Cali, inkastoo ay tiradaasi tahay mid aad u yar marka laga hadlayo dadka Soomaaliya kasoo haajirey ee halkani ku nool, haddana waa tiradii ugu badeyd ee dalka ku laabata.

Dib u noqoshada dadka tirada badan ee qurbaha usoo haajirey waa waxa ugu weyn ee ay dowladda Soomaaliya ku rajo weyntahay in dalka ay wax ka badasho.

Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir/FM

Previous Post

CUDURO XOOLAHA KU DILAYA GOBOLADA MUDUG, GALGADUD IYO GEDO

Next Post

DADKA KA XANUUNSAN DHIMIRKA OO XARUMAHA LAGU DAAWEEYO KU SOO BADANAYA

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

DADKA KA XANUUNSAN DHIMIRKA OO XARUMAHA LAGU DAAWEEYO KU SOO BADANAYA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-MAY-2026

IDAACADDA 17-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo