
Weriyaha Ergo ee Gaalkacayo oo booqdey kaamka ayaa wuxuu sheegay inay halkas ka muuqday dhooqadii roobku reebay, iyo qashinkii kale oo is dhex daadsan, guryaha cooshadaha ka samaysan oo hawanaya dadkii degganaana ay kuwo kale dulsaar ku noqdeen markii ay ku xumaatay saxadii.
Xaliimo Caynab Maxamed oo ah hooyo waayeel ah isla markaasna xubin kah guddiga kaamka Mustaqbal ayaa Ergo u sheegtay inay jiraan baahiyo isbiirsaday oo ay qabaan barakacashisi , “ Roobkii waa naqaaday anigaas waa layga soo dhexjiiday, hooy mahaysano, cooshadiina roobkaa gadiyey, wixi yaalayna waa qoyeen” Asli Diiriye ayaa iyana Ergo u sheegtay inay bacihii kadhamadeen, laguna jiro xiligii roobka kii hada da’ayna uu daad ahaan uqaaday. “hooy mahaysano, musqulo mahaysano oo waa xirmeen waxan codsanaynaa in nala caawiyo”
Sacdiya Isaaq Aaden oo haysata 8 ilmood oo midi curyaanyahay iyadoo lahadlaysay Ergo ayey sheegtay in aaabaha dhalay carruurtaasi uu yahay nin curyaanaha isla markaasna ay hooyadasi kashaqeyso qashinka oo ay xaafadaha kaqaado isla markaasna xoogaaga ay kahesho ku biisho qoyskaas kakooban 10 qof oo odeyga reerka iyo midkamida carruurtu yihiin curyaan.
“Anigu waxan haystaa 8 Carruura oo midi curyaan yahay odayguna waa curyaan ,xalay oo dhan biyihii roobka ayaan dhuraynay teendho mahaysanno, bacna mahaysanno markii roob yimado biyaa nala taga, nadaafaduna waa xun tahay mararka qaar banaankaan ku saxaroona ,ilamuhuna waa naga qandhan yihiin waxana mahaysano”
Canab Shire oo iyana ka mida guddiga xerada Mustaqbal ayaa Ergo u sheegtay inay 250 qoys inka badan ay wadaagaan isticmaalka laba musqulood oo kaliya, “roobka Allah baa noo keenay lakiin daad baa naqaaday oo dad badan oo aan lahayn meel ay kajirsadaanbaa jira”
Asli Abukar oo ka mid ah barakacayaasha ayaa iyana Ergo u sheegtay inay ku nool yihiin cooshado markii roob yimaado darrooraya oo aan roobka kacelineyn, “markii roob yimaado waxa naqaadaya daad iyo darroor, xilliga uusan roob jirinna qoraxda kaama celinayo”
Dr. Maxamed Xuseen Aden Agaasimaha isbitaalka Jaamacadda Gaalkacyo ayaa Ergo u sheegay inay muhiim tahay in xiligan oo kale dadku ku dadaalaan nadaafada si looga hortago cudurro faafa, dhibaatada marka biyaha roobku ay fariistaan magaalada waxa ka dhalan kara caafimaad darro, gaar ahaan goobaha aysan saxadoodu wanaagsanayn sida xeryaha barakacayaasha, waxaynu ognahay xilligaan oo kale waa inaynu iska ilaalina wax yaalaha inoo keeni kara nadaafad xumada, faraha oo layskaga dhaqo dabas, ama saabuun, iyo inaynu cuntada ilaalinno nadaafaddeeda, sidoo kale qashinka iyo wasakhda kale ku dadaalno inaan aasno ama iska fogayn, ayaa ah waxyaalaha dadku qabsan karaan”
Burhan Maxamed Cabdi/MH/MRS









