
Dadkii daganaa deegaanka Ceel-huur ayaa waxaa soo wajahay dhibaato dhinaca nolosha ah, waxaana ay isugu tageen duleedka galbeed ee magaalada oo xoogaa biyaha ka saraysa, mana haystaan hoy iyo cunno toona, sidoo kale waxaa jirta qasaaro daadadku ay gayteen waxaana ay qaateen xoolo ka badan sedex boqol oo neef oo Ari ubadan, raashinkii dadku isticmaalayay iyo hanti kale.
Axmed Maxamed Geedi oo ah Aabe sedex Carruur ah oo uu dhalay iyo xaaskiisa kala soo cararay biyaha ayaa sheegay in xaaladooda ay aad u liidato.
“Barakac ayaan nahay dad iyo duunyaba, gurigeenii iyo raashinkii biyo ayaa qaaday, meel cidla ah ayaan fadhinaa hoy iyo cunno ma haysano roobkuna wali waa da’ayaa caawinaad ayaan u baahanahay” ayuu yiri Axmed
Dhibaatada kale ee jirta ayaa ah in waddadii ugu muhiimsanayd ee dadkaas barakacay loo mari lahaa inay go’antahay oo boholo ay ka qodeen roobabka mahiigaanka ah ee asbuucanba ka da’ay deegaanka Ceel-huur iyo deegaano badan oo ku xeeran.
Gaadiidka xamuulka ah ayaa ka go’ay waddadaas, waxa kaliya ee la isticmaalayaana waa gawaarida yar yar oo si dirqi ah wadadaas ku maraya. Fiidow Maxamuud Muxumad oo ka mid ah darawallada waddadaas isticmaala ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in waddada ay go’day ka dib roobab mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay.
Dadkii waa kala go’ay baabuurtii xamuulka halkan ayay ku xayiranyihiin tuulooyin badan oo Ceel-huur ay ka mid tahayna wax u gudbay ma jiraan, hadii ay xaaladu sidan sii ahaatana aadbaa dadkaas loogu cabsanayaa” ayuu yiri Fiidow.
Wasiirka arrimaha gudaha Ximan iyo Xeeb Xasan Cabdullaahi Maxamed ayaa baaq qaylo dhaan ah ka soo saaray kanaallada ku fatahay deegaanka Ceel-huur iyo wadadii loo marijiray oo iyana go’day, waxaana uu sheegay inay awoodda maamulka ka wayntahay xaaladda hadda jirtaa loona baahanyahay in hay’adaha samafalka, dawlada Soomaaliya iyo jaaliyaduba ay si deg deg ah uga soo jawabaan baahida jirta.
Dhawr mar oo hore ayaa dhibaato caynkan ah deegaanka Ceel-huur ka soo gaareen roobabka mahiigaanka ah, waxaase sanadkan ay u muuqataa in arrintu ka culustahay sanadihi hore, walina ma jirto cid qiimaysay baaxadda dhibaatada gaartay dadka deegaankaas iyo gargaar ay heleen.
Maxamuud Abdi Diirshe/ MRS









