
Khasaarahaasi ay geysteen biyaha fatahaada waxey isugu jiraan dhimasho dad, duunyo, dalagyo ku abuurnaa iyo kuwa loo diyaarinayay
dhul deegaan ahaan loo deggaana .
Biyahan Khasaaraha intaa l`eg geystay waxey ilaa haatan ka socdaan tuulada Baarreey meel uu webiga jiiro ama leexo ku leeyahay waxaana go’an 53 mitir oo ballac ah halka aan si sax ah loo ogeyn dhumucda hoose ee mitir. Waxeyna jowhar u jirtaa qiyaastii 12km dhinaca waqooyi.
Inta la xaqiijiyay Waxaa ku geeriyooday saddex ruux oo midi gabar yar tahay oo 16 jir ah oo lagu magacaabi jiray Dahabo Xasan Geeddi.
Sagaalkii bishan ayey Dahabo iyada iyo koox kale oo dumar caanooley ah oo dhiilahoodii dusha u saaran yihiin ayayDahabo is tiri ka gudub meel biyo ka socdeen ha yeeshee ay biyaha xowligoodii tuureen, Dahabona meysan helin cid caawisa oo badbaadisa ilaa ugu dambeyntiina ay ku geeriyootay dumarkii la socdayna ay dib uga noqdeen.
Intaasi kuma eka khasaaraha biyaha waxaana jira xayawaanno kale oo halis ah oo dadka u geysta dhibaato, waxaana ka mid ah yaxaaska oo ku dhex jiro biyaha kuna cuna dadka marka ay biyaha dhex socdaan iyo marka ay biyaha ka cabayaan sidoo kale waxaa ka mid ah masaska habawga ah ee dhex yaacaya biyaha.
Naleey Maxamed Maxamuud waa afar iyo toban sano jir waa reer guuraa waxay deggan yihiin degaanka koongo ee duleedka Jowhar waana dhanka koonfureed halka jidka uu ka go`an yahay waxaa gacanta midig ka cunay mas xilli ay cows ka gureysay afaafka hore ee biyaha, waxaa caawiyay dad u soo gurmaday ee halkaas ka dhowaa. Waxaa la kulamay Naleey aabbaheed Maxamed Maxamuud oo gabadha dhalay oo ku sugnaa isbitaal gobaleedka Jawhar oo ay haatan ku jirto si loogu dabiibo.
Guddoomiye ku xigeenka maamulka Jawhar dhanka maaliyadda Cali Ciileey ayaa ka warramay dhibaatada fatahaaduhu ay ku hayaan Jawhar, wkuxuuna si gaar ah u taabtay dadaalkii hay`yadda ICRS ee xiridda buqda, hase ahaateen ku tilmaamay taas iney noqotay mid lagu guurldarreysatay ka dib markii ay ha`yaddaas ku guuleysan weyday iney xirto buqda.
ICRC ayaa mudo bil iyo bar ah ku hawlnayd xiridda buqda hase ahaatee 13km bay haddana dib uga go`day, wuxuuna sheegay
Walaaca ay qabaan dadweynaha reer Jawhar waxaa u sii dheer cabsi ay ka qabaan curashada xilliga Deyrta oo haatan bilwo ah, dad badanina aaminsan yihiin in Khasaaraha uu intaa ka sii badan karo.
Maryan Cabdi/MRS










