
Ku dhawaad 200 oo carruur ah ayaa fursad u helay iney ka mid noqdaan ilmo ay haweeney Soomaaliya oo bannaanka ka timid u bilowday iney ku xanaaneeyso xarun ay ka furtay magaalada Muqdisho.
Carruurta xanaaneeyntaas helay waxay u badan yihiin kuwa maandooayaha isticmaali jiray, sida Koolada, Sigaarka, ilmo darbiyo jiif ahaa iyo caruur kale oo ay kamid ahaayeen kuwa kasoo jeeda qoysaska aadka u danta yar.
Xarunta lagu xannaaneeyo caruurtaas, oo lagu magacaabo “Xarunta Daryeelka Caruurta Agoonta, Naafada iyo Bannaan yaalka, ayaa ilmaha hadda ku dhex nool waxay helaan waxbarasho bilow ah oo ay kamid tahay akhris-qoraalka afka Soomaaliga, tarbiyo, barshada Diinta, farsamo iyo farshaxan.
Quudin, arrad-tirid iyo barbaarin kale ayaa kamida waxyaabaha ay ilmahaas u heleen iney kaga bogsoodeen dhibtii bannaan-yaalnimada iyo isugu jirtay isticmaalka maandooriyaha oo ay usii dheereed nolosha adag ee dhinaca amaanka iyo kasoo wajaheeysay helista cunada.
Inkasta oo aysan u heli karrin wax walba si u dhaw xitaa sidii la rabay waxay hadda wax ku bartaan dhulka oo ay fariistaan, waxa ay ka xigsadaan carradana waa gogol yar oo kalyah, waxayna agabka waxbarasho ee kale ee ay adeegsadaan yahay sabuurad yar iyo buugaag aan sidaas u tiro badneyn.
Xaliima Maxamed, aasaasaha xarunta waxay u sheegtay Ergo iney sameeyeen bilow wacan, hase ahaatee Soomaalida looga baahan yahay iney dhinacyada ka istaagaan carruurtaas dhibban, si loo sii hormariyo noloshooda, kuwo kalena looga soo ururiyo dariiqyda oo ay hadda ku dacdarreeysan yihiin.
Bile, oo kamida ilmihii ay Ergo kula hadashay xaruntaas, ayaa sheegay in muddo sanado ah oo ay xaalad adag ku jireen kadib ay aad ugu faraxsan yihiin iney hadda galeen nolol cusub oo mustaqbalkooda lagu dhisayo.
Meesha, dadka wax loogu qabto waxaa kamida naafo dhimirka iyo adimahaba la’, waxaana qaarkood oo loo arkay inaaney waxba baran karin lagu madadaaliya cayaar iyo heeso, hase ahaatee maamulka xarunta ayaa sheegay in xitaa ilmaha kale la siiyo waqti ay ku cayaaraan oo ay bannaankana kusoo damaashaadaan.
Carruurtan helay waxay da’ ahaan isugu jiraan 4 ilaa iyo 17 sano jir, waxaana sida ay Xaliimo Maxamed, aasaasaha xarunta u sheegtay Ergo iney 2dii toddobaadba qaabilaan ugu yaraan 10 carruur ah, taasoo ka dhigeeysa iney xaruntu buux dhaafi doonto goordhaw.
Nuur Cali Faarax-Raadiyo Ergo/MRS









