
Haweenka Somalida ayaa la kulma tacaddiyo kala duwan haba ugu darraatee kufsiga, Kaas oo ka dhaca deegamo kala duwan.
Dhibaatooyinkaas loo geysto haweenka iyo dadka kale ee nugul, inta badan ma dhacdo in sharciga la mariyo dadka dhibaatada geysta taaso sababta inay soo noqnoqdaan xadgudubyadaas, waxayna taasi sababtaa inay haween u badan kuwa barakacayaasha ay ku dhiirran waayaan sheegista kuwa dambiga ka gala.
Cabdulaitaax Cismaan waxa uu ka tirsan yahay ururrada bulshada rayidkaa ee Beledweyne wuxuuna idaacadda Ergo usheegay inaysan helin xaquuqdooda dhibbanayaasha haweenkah ee loogeysto xadgudubyada, “xaqiiqatan ma jirto dhibbane xaquuqdiisa hela, meesha aan ka imid ee Beledweyne ma jirto xaquuq ay helan dhibanayasha dhibka loo geysto, mana helaan caddaalad u xukumta xaqiisa, meel aysan kajirin maxakamad xukumi karta gabadh loo geystay kufsi xaquuqdeeda.”
Cismaan Geelle waxa uu ka tirsanyahay bulshada rayidka ah ee degmada Guraceel ee gobolka galguduud wuxuna Idaacadda Ergo u sheegay inaysan helin haweenka dhibban xuquuqdooda , “dhibane helaa majiro xaqiisa iska daa inuu xaq helee waaba la sii dhibaa waxadna maqlaysaa gabadhaas dhawaan baa la kufsiday, waxad og tahay in dalkeenna aysan ka jirin awood soo qabata cid awooda inay soo qabato dabiile oo xaqa dhibanaha kaqaado wadankana kamajirto cid awoodaasleh xataa dowlada Somaliya.’’
Xamdi Maxamed waxay ka tirsan tahay ururrada bulshada rayidka ah ee Caabudwaaq waxayna Idaacadda Ergo usheegtay inaysan helin wax xaquuqah haweenka loo geysto kufsiga, ma jirto wax xaquuqa oo ay helaan haweenka loo geysto xadgudubyada waana wax mar kasta kadhaca meelo badan, melaha ay sida weyn loogu geysto kufsiga waxa ka mid ah meelaha ay deggan yihiin barakacayaasha iyo meelaha miyiga ahba.”
Fadumo Xasan Cabdulle oo joogta galkacyo ayaa Ergo iyadana u sheegtay iney dhibban yihiin haweenka oo dhab ahaantii lagula kaco gabood fallo, isla markaana ayan jirn wax xuquuq ah ay helaan, waxana sabab u ah iydoon aan waxba laga qaban kuwa geysta xadgudubyad.
Waxaana nasiib darro ah in bulshada Soomaaliyeed ay maanta maaro u la`dahay waxyaabo badan oo ku ceeb ahaa dhaqaankeeda sida gaboodfallada dumarka oo ay ugu horreeyo kufisiga, waxaana taasi ka sii daran iney waayaan dumarkii sharci iyo xoog ka ilaaliya taas iyado aad arkeysid dadka dambiyada ka gala dumarka una xoogsheegta iney si tamashlo iyo raaxo ah dhulkooda isaga maraan.
Burhan Cadeysay/MR









