Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

DHIBAATOOYINKA HAYSTA XOOGSATA SOOMAALIYEED

Radio Ergo by Radio Ergo
September 12, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Muruq maalka ayaa dhibaatooyinka ugu badan ku qaba shaqoyinkay qabtaan/Sawir/Maxamed Xasan/Ergo

Shaqaalaha Soomaaliya waxay xilligan ka kooban yhiin kuwa u shaqeeya dowladda Soomaaliya Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa aan caalami ahayn, waxaa kaloo jira shaqaalaha muruqmaalka sida maqaaxiyaha, hoteellada, halka kuwa kale ay ka shaqeeyaan xoogsiyo kale, waxayna dhamaantood ka siman yihiin dhibaato badan oo haysta taasi oo saldhig u ah in marka horaba aysan jrin heshiis ay wada gaaraan xoogsadaha iyo kan loo shaqeeyo taasoo sal dhig u noqotay maqnaanshaha xuquuqeed ee dhamaan shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha.

Xassan Maxamed Rooble waa shaqaale ka gaabsaday hay’adda uu u shaqeeyo balse wuxuu hoosta ka xarriiqay in aysan jirin awooddii shaqaalaha Soomaaliyeed taasina ay ka dhigantahay in wax walba ay xeer ja-jab ay noqotay.”Waxay shaqada soo galaan xilli hore waxa ayna shaqeeyaan muddo ka badan 8 Saacadood” ayuu sheegay.

Cali Sheekh oo la shaqeeya hay’ad NGO gudaha ka hawl gala ayaa Ergo u sheegay “ ma jirto sharci shaqo oo sax ah oo la hayo, taasina waxay keentay in xuquuqda shaqaalannimada ay lunto. “Shaqaalaha Soomaaliyeed dhibka haysta aad ayuu u badan yahay waxaa laga yaabaa in meesha ay soo mari lahaayeen ay xiran tahay waayo meelaha loo shaqeeyo malaha gaadiid, amaanko liita, waxaa kaloo ka sii daran qofkoo soo shaqo taga ayaa gacanta loo saaraa warqad ruqso, haddii uu hadal ka sii keenana dhib ka weyn ayaa loo geystaa”..

Cali Caarad waa milkile leh maqaaxi wayn oo la yiraahdo( Dooxa Restaurant) waxaa kale oo uu leeyahay gadiid waxaana u shaqeeya dad u badan dhallinyaro waana qabiir oo muddo ka badan 50 sano shaqaale soo ahaa waxaana waydiiyay hannaanka Shaqada sida uu ahaan jiray ‘Dhibaatada jirtaa ma ahan keliya dagaalladda, maqnaanshaha sharciga iyo kala dambaynta, waxaa maqan qayb muhiim ah oo saamaynteeda leh markay timaado hab xisaabtan dhex mara loo shaqeeye iyo shaqaale, waxaa kaloo yar hab raac muuqda oo dadku ku macaamilaan taasoo adkaysan dhamaan fursadihii isfaham ee dadka dhex yaalay’

“Waxaa la waayay kaalintii Dowladda tusaale haddii aan ku siiyo haddii qofka Shaqaalaha dhib ku dhaco waxaa u gurmada saaxibada laakiin ma jiro caymis caafimaad, hadduu shaqada wax ku noqda ma jirto sharci ay ku kala gar qaadan karaan”

Cali Caraad oo ganacsi oo gaar loo leeyahay lana yiraahdo ayaa sheegay isagu in dadka uu shaqalaysanaya uu ku xiri inuu cuno qaadka iyo kale, waayo “haddii qofka aad shaqalaysato qaad cuno waxaa hubaal ah inaad is qabsanaysaan, waayo shaqada waqtigeedii ilaalin maayo, mana jirto meel aad ku kala baxaysaan oo intaysan taasi dhicin waa inaad marka horeba ka digtoonaataa”

Shaqaalaha Soomaaliyeed xilligan waxa ay shaqada ku waayaan si fudud oo mararka qaar aan sababaha aan caddayn taasi oo la aaminsan yahay in ay tahay kaalintii dowladnimada oo meesha ka maqan waxaa arintan markale aan waydiiyay Cali Caarad sida Qofka uu shaqada ku wayn jiray

Maxamed Cusmaan waa guddoomiyaha iskutaga ururwaynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed waxaana xilligan ay wadaan wacyegelinta in Dadku ay bartaan xuquuqda dadku ay ku leeyihiin marka loo gaysto xadgudubyo si loo difaaco, sidoo kale waxaan barnaa shaqaalaha xiliga shaqada ee xaqa loogu leeyahay, sidoo kalena ay ku dhiiri geliyaan wakhtigaan in qofkii shaqaale ah ee loo geysto dhib uu urur weynaha la soo socodsiiyo si looga caawiyo wixii awood ah, shaqaalaha muruq maalka ah ayaana ah buu yiri kuwa ugu badan ee wakhtigaan qaba xad gudubyada.

Maxamuud Macalin Yaxya oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda adeegga bulshada ayaa Ergo u sheegay inay waqtigaan xoogga saarayaan inay hagaajiyaan sharciyada iyo xoojinta hanaanka shaqada iyo shaqaalaha ee dawladda, markay kaas saxaan ay u gudbi doonaan shaqaalaha kalee Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya xilligan si rasmi ah gacanta uguma hayso hannaanka shaqaalaynta waxaana taasi ay sii wadaysaa in weli aan la helin xuquuqda uu leeyahay qofka shaqeeyaha ah.

Cali Sheikh oo u shaqeeya hay’addaha NGOyada gudaha “dhibka aan qarsoodi ahayn ee ama hay’adda ama goob kale oo laga shaqeeyo ka jiro waa adigoo soo shaqo tegay oo warqaddii ruqsada gacanta lagaa saarayo,, haddii aad su’aal ka keentana waxaa dhacda in dhib ka weyn oo naftaada ah laguu geysto”
Abdulkadir/MRS/MH

Previous Post

GOOBTII CAAFIMAAD EE UGU HORREYSAY OO LAGA FURAY DEEGAANKA GOD AALO

Next Post

CIYAARTA KABDHOODKA EE JAWHAR

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

CIYAARTA KABDHOODKA EE JAWHAR

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo