
Cayaartan waxaa lagu magacaabaa Kabdhood, waxaana lagu tartamaa shiishka falladhta amaba gammunka. Jawharna waxay ka mid tahay meelaha dalka Soonaaliya ka mid ah ee ciyaartan aad looga xiiseeyo.ee magaalada jowhar Ciyaaratan oo lagu soo bandhigay xaafadda Horseed, waxaana caado ahaan ka qaybgalaya rag isugu jira dhallinyaro, meel dhaxaad iyo odayaal da` ah oo ilaa toddobaatan jir ah, waxayna soo jirtay muddo waqti fog ah ku tartankeed. Ciyaatan Kabdhoodka ee lagu barto shiishka ayaa badanaa waxaa looga jeedaa inuu qofku isaga difaaco cadawgiisa, haddii ay noqon lahaayeen dad iyo dugaagba.
Ciyaarta waxaa loo ciyaaraa laba kooxood oo isla eg waxayna ku loollamaan sida loo shiisho kab tilmaan u ah meeshii la toogan lahaa, oo labada kooxood midda badisa waxay adeegsadaan kooxda kale sida in ay soo ururiyaan fallaarahii lagu tartamayay toogashada oo meelo fog-fog oo kala duwan daadsan, iyagoo keenaya halka ay fadhiyaan kooxda badisay.
Ciyaartan waxaa la ciyaaraa galab kasta marka laga soo baxo salaadda casar waxayna ku eg tahay wax yar inta aan la tukan salaada maqrib, waxaana mararka qaar loo aadaa meelo ka baxsan degmada jowhar sida uu radio Ergo u sheegay Maxamuud Cabdi Gurey oo ah raga sida weyn ugu taxan kana ciyaara khadka hore ayaa u aada ciyaartan degaannada Wardhagax, Mahadaay iyo Aqabduco mana jiraan wax lacag ah oo laga qaato dadka lagu tababaraayo gamuuntuurka (Kabdhoodka) .
Waxaa ciyaarta u soo daawasho taga dad badan oo isugu jiro kuwo jecel fiirsashada ciyaarta iyo kuwa la tababarayo oo doonaya inaay ka mid noqdaan kooxda ciyaarta Kabdhoodka.
Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud waa wiil dhallinyaro ku dhex jiray ciyaarta kabdhoodka muddo halsano ah wuxuu sheegay in ciyaartan ay faa`iido u tahay dadka deggan gobalka shabeellada Dhexe maadaama ay u badan yihiin beeraleey leysagana dhiciyo xayawaanaadka beeraha cuna iyo tuugada oo laysaga waabsho.
Ma jiraan wax ku taageera kooxda ciyaarta waxayna qaab ahaan u eg tahay sida ciyaarta kubbada cagta, waxayna kaga duwan yihiin ciyaartooyda ma jiraan wax dagaal ah oo ka dhaca marka ay kala badiyaan kooxaha ciyaaraya kabdhoodka loo yaqaan
Maxamuud Cadaay isna wuxuu ka mid yahay dadka ciyaara Kabdhoodka wuxuuna sheegay inuu ku dhex jiray ciyaartan mudo shan iyo labaatan sano ah waxa uuna intaa raacshay inay tahay caado dhaqan ay ka awoow soo samayn jireen, dadka waayeelka ahi waxay ka dhigtaan ciyaar ay maskaxda ku nasiyaan.
Maryan Cabdi/MRS/MH









