Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

DADKA DANYARTA AH OO DHIBAATO KU QABA KIROOYINKA GURYAHA MUQDISHO OO SARE U KACAYA

Radio Ergo by Radio Ergo
September 4, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Iyadoo dhismaha guryuhu xawli ku socdaan ayeysan hadana wax ka tarin qiimo kororka irooyinka/Sawir/kaydka/Cabdulqaadir Cabdulle/Ergo

Maxamed Carab: Tani waxaan aamin sanahay in ay keeneen dadka ka yimid dibadda ee loo yaqaan Diaspora (Qurba-joog)

Xilligan Muqdisho waxay ka duwantahay sidii lagu yaqiin sanada ka hor oo astaan u ahayd colaadaha iyo dagaallada.  Xilligan magaalada waa ay dhismaysaa waxa ayna ka soo bogsanaysaa boogihii colaadda waxaase dhanka kala jira  dhibaatooyin si siman  u saamaysay dadka deggan guryaha kiradaha waxaa jira  qiimo koror guryaha ah waxaana xilligan dhismaha ka kooban 5 qol la kireeyaa lacag dhan 400 ilaa 500$ walibana ay sii dheertay lacag hormaris ah.
Maxamed Carab waa macalin waxa uu degganyahay guri kiro ah  sanado ka hor waxa uu ku degganaa lacag dhan 50$ xilligaas, xilliganse xaalku sidaasi wuu ka duwan yahay “Wallaahi arrinta kirada waa mid aad qaali u ah waana mid saamayn xooggan ku leh dadka danyarta ah ee aan lahayn guryo.
Haddaba waxa keenaya arrintan ayaan weeydiinnay Maxamed wuxuuna ku jawaabay:
Tani waxa aan aamin sanahay in ay keeneemn dadka ka yimid dibadda ee loo yaqaan Diyaasbaraha.
Cabdikariim Laala waa ruux aanan haysan shaqo kaafisa,  degganna kiro waxaana saamayn ku yeelatay qiima kororka ka jira magaalada wuxuuna radiyaha Ergo u sheegay xilliga ay soo bilaabatay arrintan”Arintan waxa ay soo bilaabatay dhamaadkii sanadkii 2011 dabayaaqadeedii waana mid mar qura la dareemay”ayuu yiri  Cabdikariim Laala.
Maxamed Carab ayaa u sheegay Ergo in hadda kirada guriga looga dhigay lacag ku dhow 100$ uuna hormariyay afar bilood  sida uu leeyahay “Waxaan ku degay sanada ka hor lacag jaban laakiin xilligan waxa ay gaartay heerkii ugu sarreeyay waana mid leh xanuun aan yarayn ” ayuu yiri Maxamed.
“Qiima kororka ma ahan degmooyinka oo dhan laakiin waa meela gaar sida degmooyinka xeebta ku teedsan sida Xama-weyne, Xamar Jajab, Waaberi, Wadajir iyo Hodon oo iyana ku dhaw Wadada Maka Almukarama” waxaa yiri Maxamed Carab.
Qaar ka mida dadka ayaa ii sheegay in ay kala duwan yihiin hannaanka kirada  oo loo kala qaado Fillo nusboos iyo dabaq sidaasina ay tahay sida lagu kala qiimeeyo kiraynta waxaa sii dheer in ay adag tahay in qofka laga kireeyo halqol. Cabdirashiid waxa kaluu sheegay in ay adag tahay in qofka laga kireeyo hal qol, lana dalbayo in uu guriga guud ahaan kiraysto kadibna uu sii kiraysto haddii uu rabo.
Cabdirashiid Xayle waxa uu muddo dheer degganaa degmada Hodon  waxaase hadda ku dhacay  geeddi oo waxaa laga bixiyay gurigii uu degganaa dhaqaale “Aniga waxaan degganaa Hodon laakiin hadda waan ka guuray arrimahan jira awgeed waxaana degay Silligga Amerikaanka ee degmada Madiina.”ayuu yiri Xayle
Xayle lacagta uu ku shaqeeyo  iyo midda uu kirada ku bixiyo maaha kuwo isu dheelli tiran sida uu u sheegay raadiyo Ergo “waxaan ku shaqeeyaa lacag dahn 150$ kiradana waa ay ka daba dhawdahay marka sidaasi waa midda keentay in aan iskaga guuro meeshii aan degganaa’ayuu yiri Xayle.
Amiin Yuusuf khasaaro waa qoraa` Soomaaliyeed  oo ku nool magaalada Muqdisho  waxa uu ishsha ku hayaa waxa socda wuxuuna u sheegay raadiyo Ergo waxa ka socda magaalada “Tani waa mid aan weli dhicin waxaana socda barakacin dadka dabaqadaha dhexe ah waxayna hadda degayaan  goobaha barakacayaasha ay ku noolaayeen” Amiin ayaa sidaasi u yiri, wuxuuna Amiin intaas raacshay oo yiri” kuwaasi oo noloshooda ay ahayd mid dabaqadda dhexa tahay balse kirada ay badday  sarkaca guryaha.”
Qoraaga ayaa hadalkiisa ku soo koobay oo yiri “Dowladda Soomaaliya waxaa looga baahanyahay in ay la timaaddo hannaan lagu xallinayo mashaakilkan waayo dadka u shaqeeyo dowladda Soomaaliya mushaarka ay qaataan iyo guryaha kiradaha waa mid kala fog.”
Cabdirashiid Xayle waxa uu hadda aaminsan yahay nabadda ka jirta  in ay keentay in dad badan ay ku soo laabteen Muqdisho, taasina ay keentay iney  hadda dad badan banaanka u saartay imaatinkoodaas.
Inta bdan dadkan ayaa ii sheegay qiima kororka iyo horomaris lacagaha ay sabab u yihiin dadka guryaha kireeyo oo loo yaqaan dullaaleyda sida uu qabo qoraha Amiin Yuusf khasaaro “Waxa socda waxaa gadaal kariixaya dadka guryaha kireeya waa dullaalka waxayna dadka bareen in ay lacago ay hormarinayaan.”
Cabdulqaadir Aadan waa dullaal caan ka ah degmooyinka ay dadku ka muujiyeen walaaca wuxuuna qabaa in ay iyaga ahaan dadka wax qaaliyeeyay laakiin ay yihiin dadka guryaha leh.
Yalaxow waa dullaal waxa uu ka dhex sahqeeyaa qofka kira raadiska ah iyo kiraystaha waxaana meeshaasi uu ka helaa lacag uu ka qaato laba dhinac kiraystaha iyo loo kireeyaha “Ma ahan anaga waxa qaaliyeeyay guryaha laakiin dadka ayaa xaq u leh guryahooda iyaga ayay ku xiran tahay sidaasi waxaa ku dooday Yalaxow”
Nin oday ah oo magaciise ka gaabsaday kana yimid dalka Swedan ayaa ii sheegay in uu damcay in uu gato guri booska kowaad ka ah waddada Maka Al mukara laakiin loog aaray lacag 1milyan $, taasi  oo uu ku sheegay in guriga Swedan  ee kan la midka ah uu joogo 100,000$ waxaase arrimahaan oo dhan looga baahan yahay in dowladda Soomaaliya ay la timaado jaangoyn  si loo yareeyo saamaynta xun oo ay arrintan bulshada ku yeelanesa.
Cabdulqadir M/MRS
Previous Post

BIYO LA’AAN KA JIRTA GOBOLADA DHEXE

Next Post

20 SANO KADIB BIYO GELIN LAGU SAMAYNAYO KISMAAYO

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
20 SANO KADIB BIYO GELIN LAGU SAMAYNAYO KISMAAYO

20 SANO KADIB BIYO GELIN LAGU SAMAYNAYO KISMAAYO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo