Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

20 SANO KADIB BIYO GELIN LAGU SAMAYNAYO KISMAAYO

Radio Ergo by Radio Ergo
September 4, 2013
in Wararkii u Danbeeyay
0
20 SANO KADIB BIYO GELIN LAGU SAMAYNAYO KISMAAYO
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blankShirkadaan oo lagu magacaabo shirkada biyo gelinta magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay xaafadaha kala duwan ee magaalada ka fulin doonta mashruuc biyo gelin ah gaar ahaana biyaha nadiifta ah ee ay dadku istcmaalaan, waxaan shirkadaan magaalada ka hirgeliyay ganacsato Soomaaliyeed oo isu tagay,
Magaalada Kismaayo wixii ka dambeeyay bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa ka taagnaa dhibaatooyin dadka heystay dhanka helitaanka biyaha nadiifta ah, ayadoo xaafado badan oo ka tirsan magaalada ay dadku istcimaalaan biyo dhanaan ah oo aan caafimaad ahaan wanaagsaneyn, xilliyo bandanna sabab u ahaa inuu shuban dilaaco.
Shaafi Raabi Kaahin waa guddoomiyaha ganacsatada Soomaaliyeed ee ku shirkoobay mashruucaan biyo gelinta ah ee laga hirgelinaayo magaalada Kismaayo, wuxuuna isagoo raadiyo Ergo la hadlay uu faah faahin ka bixiyay ujeedada ay u aas aaseen shirkada biyaha ee Kismaayo “Runtii muddo dheer baan ku fekeraynay, waxaana muhiimaddeenu ahayd in 22kii sano ee la soo dhaafay aysan haysan dadka deegaankani biyo la cabo oo nadiif ah, biyaha la cabana waa kuwo maraakiib lagu keeno, waxaana dhib nagu haysay dhulkaan oo biyo badan leh, webiyo maraan in haddana aan biyo soo dhoofsano, waxaana farxad noo ah in mashruucaan ay dadka magaladu ka faa’iidaystaan inay helaan biyo nadiif ah, annagoo og guryo badan in looga guuray biyo la’aan, iyo dhinaca wanaajinta saxadda oo ah qayb muhiim u ah nolosha”
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka qeyb galay munaasabaddii furitaanka masharuuca beyo gelinta Kismayo ayaa shegay in hirgelinta mashruucani uu ku soo aaday xilli baahi badan oo dhanka biyaha ah ay ka jirtay magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda “Waxaan qirayaa in mashruucaan uu wax u soo kordhin karo magalada, wakhtigii dawladda biyaha magaladu Goobweyn ayey ka imaan jireen, markii hanaankaasi burburayna qof kasta ceel ayuu gurigiisa ka qotay, tanoo aysan lahayn hab ay ku kala soocmi karaan bulaacadaha oo iyana guryaha hoostooda laga qodo, waana sababtaas waxyaabaha cudurka daacuunka muddadii burburka magalada Kismaayo aadka uga jira”
Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool magaalada Kismaayo oo iyaguna ka hadlay dareenkooda ku aadan mashruucaan biyo gelinta Kismaayo ayaa soo dhaweeyay in xilligani magaalada laga hirgeliyo shirkad biyo gelineyd oo guryaha magaalada oo dhan beebabka biyo gelineysa “runtii aad baan ugu baahan nahay inaan ka helno biyo caafimaad qaba, waana mashruucii ugu wanaagsanaa ee wayahan aan aragno, iyadoona aan filayno in muuqaalka dadka iyo caafimaadkoodaba wax ka beddeli donto”
Biyaha laga isticmaalo hadda Kismaayo ayaa ah ceelal gacanta lagu qoday oo aad u dhanaan, dadkuna waxay kuu wada sheegayaan in nolol ahaan dadka magaladu ay aad uga liitaan dhinaca biyaha, cabitaanka, qubayska iyo dhar dhaqiddaba saamayn ayey ku leeyihiin biyaha hadda la isticmaalo, aragtiyo kala geddisan oo Ergo ku waydiisay dadka magalada ayeyna ku sheegeen jawaabo isku mid ah, taasoo ah inay tahay qayb ka mid ah laf dhabarta nolosha dadka Kismaayo.
Khadar/MH/MRS
Previous Post

DADKA DANYARTA AH OO DHIBAATO KU QABA KIROOYINKA GURYAHA MUQDISHO OO SARE U KACAYA

Next Post

BOQOLAAL QOYS OO MAR KALE KU BARAKACAY FATAHAADDA WEBIGA SHABEELLE EE JOWHAR

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
BOQOLAAL QOYS OO MAR KALE KU BARAKACAY FATAHAADDA WEBIGA SHABEELLE EE JOWHAR

BOQOLAAL QOYS OO MAR KALE KU BARAKACAY FATAHAADDA WEBIGA SHABEELLE EE JOWHAR

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo