
Tuulooyinka Baarreey, Banaaneey, Gunbe, Libiga, Jahwen, Cadada, Xasnshooleey iyo Dhay-Gawaan, dadkan tuulooyinkaan ka cararay ayaa isugu jira beeraleey iyo xoolo-dhaqato.
Geeddi Maalin oo ka mid ah odayaasha tuulad Lebiga ayaa Ergo u sheegay in 500 oo qoys oo degganaa tuladaas ay ka carareen fatahaadda, Xaaji Maxamed Qooray oo isaguna ah oday ka tirsan tuulada Dhay- Gawaan ayaa sheegay inay tuuladooda ka barakeen 305 qoys.
Guddoomiyaha Banaanay Maxamed Maxamuud Shaneeye wuxuu Ergo u sheegay in 310 qoys ka barakaceen fatahaadda. Tuulada Jaahweyn waxaa iyadana ka qaxay iyana 100 qoys, siduu sheegay Xasan Cismaan Nuur oo ah guddoomiyaha tuuladaas. Tuulada Cadayda 90 qoys ayaa iyana ka barakacday siduu Ergo u sheegay Muxumad Cabdi Cabdille oo ah guddoomiyaha tuulada. Tuulada Bundo ayaa iyana waxaa ka qaxay 250 siduu sheegay Maxamuud Cabdiraxmaan Timajilic oo ah gudDoomiyaha tuuladaas.
Dadka tuulooyinkaan gaar ahaan kuwooda xoolo dhaqatada ahaa ayaa u kala qaxay degmada Jowhar, Shimbiroow, Dabeyleey, Dhumuley Dhaa’ifo iyo Baraki, halka ay degeen dadka tuulooyinka Baarreey iyo Banaaneey oo ah dad beeraleey ah ay iyagu u qaxeen meelaha taagagga ee ku dhow tuulooyinkooda, gaar ahaan dadka Banaaney oo u qaxay inta u dhaxaysa taagga u dhexeeye Banaaney iyo Kaloobi.
Mid ka mida dadka tuulada Dhaay Gawaan ayaa u sheegay Ergo khasaaraha soo gaaray tuulada dhaay gawaan oo ka mid ah tuulooyinkii laba toddobaad ka hor ay biyaha barakaciyeen “Hadda dadka meel iskuma sheego, raashinkii bakaarka ahaa iyo beerihii waa naga wada khasaareen, dadkiise waa cayntaa, oo cidi kuma dhiman, hadda waxaa noogu daran dadkii oo fara maran oo banana tuban, waxaanan codsanaynaa in gargaar nalala soo gaaro degdegga, iyadoo ay jiraan baahi weyn oo ah dadku meel uu ku hoydo’.
Muusaay cabdulle xaaji waa haweeneey degganeyd tuulada Baareey waxay sheegtay inaay g`odoon yihiin waana meeshii ugu horreeysay ee buqda ay kasoo fakatay “beeraheennii waa wada go’een, tuuladiina biyo ayaa dhex ceegaaga, qoyskeenna toban beerood ayaa biyuhu qaadeen oo ay ku yaalleen, bocor, geley, yaanyo iyo bataato macaan, biyihiina weli waa socdaan oo waxay ka soo burqanayaan meesha la dhaho Buqda,
Waxaana lagu arkayaa suuqyada Jowhar beeraleyda qaar oo kala soo cararay dalagyo aan bislaan halka qaar ay ka buuxsameen biyahii kana soo baxay iyagoo faramaran.
Seynab Cismaan indhooy waa hooyo degganeeyd degaanka jahweyn oo u carartay Caday, ugu danbeeyntiina soo gashay xerada barkacayaasha Cali Kalagooye “Anniga tuulada Jaahweyn ayaa biyo uga qaxay, waxaan tegey deegaanka Caday, kadib biyihii aya iiga daba yimid, iyadiina waan ka soo cararay, haddana xerada barakaca ee Cali Kala Gooye ayaan soo galay oo ay dad hore u barakacay ay ku jiraan”
Si kasta ha ahaatee cabsida laga qabo in biya ay soo galaan Jowrhar ayaa ah mid aan wax laga qaban karin haddii ay biyaha u soo jiheystaan dhanka magaalada balse ku sii socda degaanno dahanka galbeed ee Jowhar. Biyahan ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo kormeerayeen hey’adaha UNka sida UNISEF, UNDP, WFP iyo INTERSOS kuwaa oo socod ku soo maray meelaha ay mashaqada ka taagantay.
Mayan Cabdi/MH/MRS










