Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

KALLUUMAYSATADA BARI IYO SANAAG OO SHEEGAY IN JARIIF AY MARAAKIIB SHISHEEYE KU HAYAAN XEEBAHA

Radio Ergo by Radio Ergo
September 9, 2013
in Masiibooyinka
0
KALLUUMAYSATADA BARI IYO SANAAG OO SHEEGAY IN JARIIF AY MARAAKIIB SHISHEEYE KU HAYAAN XEEBAHA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankKalluumaysatada xeebaha ku dhow degmada Baargaal ee gobolka Bari ilaa degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag ayaa xilligan qaba walaac isku mid ah oo kala soo dersay dhinaca doonyaha iyo maraakiibta jiriifka ee ku jira xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo khayraadka xilligan ka arruursanaya meel berriga u jirta 2 mile, sida ay kalluumaysatadu sheegeen.

Helista kalluunka ayaa yaraatay waxaana qaali noqday qiimaha “Nooca la yiraahdo Kalluun cadka ayaa dadku jecel yihiin waa qaali hadda, noocyo ka mid ah kalluunka oo awal ahaa Sh. So. 20.000 kun ($1 dollar) ayaa hadda ah Sh. So. 40.000 kun ($2 dollar)” ayuu yiri Cismaan oo kalluumaystada ka mid ah.

Xirfadlayda deegaannada ku xeeran xeebaha badweynta Hindiya ilaa Badda Cas ee gobollada Bari iyo Sanaag, waxay tilmaameen in jiriiflayaashu ay beegsanayaan goobaha uu kalluunku ku tarmo, waxay kaloo ugaarsanayaan noocyo ka mid ah kalluunka oo ka caaggan in la dabto.

Maxamed Cabdi Cismaan oo kalluumaysatada Bari ka mid ah ayaa Ergo u sheegay in jiriifku soo dhowaaday “Hadda 40 mile maahee meel berriga u jirta 2 mile oo qura ayey nagula jilaabtaan, waxay la micno tahay jiriifku wuxuu ka socdaa xataa xeebta muuqata ee dadku wada arki karaan.”

“Jiriifka Yeman wuxuu ka daran yahay kan Iiraan, dhowaan waxaa ciidamada badda Puntland ee PMPF ay qabteen doon kuwa jiriifka ah, oo ku soo dhowaatay xeebta, waxaa nooc ka mid ah dabinka kalluunka (shabaagta) oo aduunka laga mamnuucay 1968 iyo doonyo dheereeya.” Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumaysiga Cabdiwaaxid Xirsi Joocar ayaa sidaas u sheegay raadiyo Ergo.

“Sicirka waxaa qaali ka dhigay kalluunkii oo yar, si dhib badanna lagu helo, balse waxaa nooga daran dhalinyaro badan ayaa shaqo waayey oo ka gaabiyey howlihii kalluumaysiga.” Ayuu yiri Maxamed Cabdi oo aan wax ka weydiinnay saamaynta jiriifku ku reebay xeebalayda.

Puntland waxay sheegeen in aysan waxba ka qaban karin howlaha Jiriifka ee badda ka socda, maaddaama xeebtu tahay mid dheer, isla markaasna aanay jirin awood ciidan oo ballaaran “Awood dowladeed ayaa loo baahan yahay, xeebta waa dheertahay ciidamo bandanna ma hayno.” Ayuu yiri agaasime Joocaar.

Hay’adda la dagaallanka Burcad badeedda Puntland ayaa cabsi ka qabta in jiriifku uu mar kale sahlo falal Buracd badeednimo, agaasimaha guud ee hay’addaas Cabdirisaaq Maxamed Dirir oo Ergo u warramay ayaa sheegay in dhalinyaro kalluumaysato ah ay hindiseen falalka burcad badeednimo,iyagoo ka duulayey anficii shaqadooda oo is dhimay, taas ayaa mar kale muuqata maaddaama jiriiflayaashii badda ku soo noqdeen.

“Bulshadeennii ka kalluumaysan jirtay xeebaha ayaa loo xoog sheegtay, waa la dilay oo biyo kulul ayaa lagu shubay, waxaa yimid shirkado waawayn oo jiriif ah, adeegyadii ay kalluunka ku doonan jireen ayaa laga bur buriyey, markaas ayaa burcad badeednimo bilaabatay, haatanna tii ayaa muuqata.” Ayuu yiri Dirir.

Jiriifka waxaa fududeeya habacsanaan is biirsatay oo ay dowlad la’aantu ugu horrayso, balse dadka ku xeel dheer shuruucda badaha ayaa sheegaya in lagu muransan yahay cabirka badda ay ku leedahay Soomaaliya, jiriiflayaasha ayaa ku doodaya in aysan aqoon halka xadka u ah badda Soomaaliya, sida ay sheegeen kalluumaysatada iyo hay’adda la dagaallanka burcad badeedda ee maamulka.

Howlgalka dagaalka kula jira Burcad badeedda xeebaha Soomaaliya iyo Puntland ayaa dhowr jeer ka arrinsaday in wax laga qabto kalluumaysiga sharci darrada ah ee xeebaha ka socda, agaasime Dirir ayaa yiri “ Beesha caalamka wax xaqiiq ah ayay noo sheegeen, waxay caddeeyeen in aysan wax sharci ah u haysan in ay farageliyaan jiriifka, balse ay la dagaallami karaan burcad badeedda oo keliya.” Ayuu yiri dirir.

Warbixin uu dhowaan soo saaray guddiga qaramada midoobey ee xayiraadda saaran Soomaaliya iyo Eretereeya UNMG ayaa lagu sheegay in jiriif ba’an ay xeebaha Soomaaliya ka wadaan 480 doonyo maraakiib ah oo 300 oo ka mid ah laga leeyahay dalka Yemen, 180na laga leeyahay Iiraan iyo weliba maraakiib kale oo ka yimid dalalka Twain, Thailand ilaa China, maamulka oo aan arrintaas wax ka weydiinnay ayaa xaqiijiyey inuu jiro jariifku balse aan la hayn cadadka tirada la sheegay.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/FM

Previous Post

BOQOLAAL QOYS OO MAR KALE KU BARAKACAY FATAHAADDA WEBIGA SHABEELLE EE JOWHAR

Next Post

QIIMAHA MIDHAHA KA SOO BAXA BEERAHA SOOMAALIYA

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

QIIMAHA MIDHAHA KA SOO BAXA BEERAHA SOOMAALIYA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo