
Weriyayaasha Soomaaliyeed ayaa ka gadooday xeer warfaafineed cusub oo golaha wasiirrada ay ansixiyeen toddobaadkii hore. Xeerka cusub oo baarlamaanka la horgeyn doono bisha Sebtember ayaa dowladda siinaya awood ay shaqada uga joojin karto weriyaha tebiya warbixino wax u dhimaya amaanka qaranka.
Sharciga waxaa kale oo uu abuurayaa dhismaha Golaha Saxaafadda Qaranka (GSQ) oo hoos tagaya wasaaradda warfaafinta, maaamuli doonana shaqada wariyayaasha laakiin Cabdinaasir Xersi Iidle oo ka mid ah weriyayaasha Soomaaliyeed ayaa taladaas ku tilmaamay mid dowladdu isku hoos keenayso warbaahinta dalka oo dhan.
“Golahaas wuxuu ahaa inuu noqdo unug warfaafineed oo madaxbanaan dowladdana ku cadaadiya danaha weriyayaasha. Marka waa xadgudub in dowladda uu cadaadin lahaa la hoos geeyo,” sidaas waxaa raadiyoow Ergo u sheegay weriye Cabdinaasir Xersi Iidle oo jooga Muqdisho.
Golaha Saxaafadda Qaranka (GSQ) oo shan iyo toban (15) xubnood ka kooban, sideed xubnood waxay noqon doonaan saraakiil dowladda ka tirsan, halka shan kale ah ay weriyayaal ka yihiin.
Xeerka cusub ee lagu maamuli doono warbaahinta wuxuu weriyayaasha ku qasbayaa iney sheegaan magacyada ila-wareedyada isqariya haddii maxkamad sidaa amarto. Warbaahin walba oo jabisa xeerkaasna waxaa lagala noqon doonaa ruqsadda shaqada.
Cabdinaasir wuxuu sheegay in sharcigan uu halis ku yahay madaxbannaaninada warbaahinta iyo weriyayaasha.
Weriyayaasha Soomaaliyeed ayaa ku doodaya in talo aysan ku laheyn sharciga cusub oo uu yahay mid dowladda ay qoratay oo ay ku doonayso inay ku afduubto warbaahinta madaxa banaan, waxa ayna golaha baarlaamnka weydiisteen in xeerkaas aysan ansixin.
Muhyadin Ahmed Roble/FM/AM









