Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

SHIRKA ECOSOC EE SANADKAN OO LAGAGA HADLAY KAALINTA WARBAAHINTA EE ARRIMAHA BANI`AADANNIMADA

Radio Ergo by Radio Ergo
July 19, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankShirkii sanadlaha ahaa  ee ECOSOC ee lagu qabtay magaalada Geneva  ayaa 15-17 Luulyo 2013 diradda lagu saaray in lagaga hadlo arrimaha baini`aadannimada.

Madasha shirkan oo ay ka soo qaybgaleen waddamo badan oo adduunka ah ayaa waxaa isaguna ka mid ahaa dadkii halkaas lagu casumay Maxamed Xasan Cosmaan oo ah Madaxa idaacadda Star FM oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi.

Haddaba idaacaddan Ergo oo iyadu ka shaqeysa  arrimaha baniaadannimada isla markaasna la ah hawlwadaag idaacadda Star Fm ayaa ka wareysatay Maxamed Xasan oo ku sugan magaalada Jineva wuxuu shirkaasi ahaa:

Maxamed Xasan: “Shirkan wuxuu ku saabsanaa arrimo baniaadannimada sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka mar kasta ka dhaca ee soo noqnoqda, isla markaasna looga tabaabuisheysan lahaa, intaasoo keliyana ma ahayne waxaa looga hadlay arrimo badan oo kala geddisan sida  iskaashiga ka dhaxeyn kara sharikadaha waaweyn ee gaarka ay  iyo Qaramada Midoobay markii ay taagan tahay arrimaha baniaadannimada in isku si looga wada shaqeeyo.”

Maxamed Xasan oo ka jawaabayay arrimaha qaxootiyada ee la soo hadalqaaday wuxuu yiri” Waxaa iyana halkaas lagu soo qaaday oo lagaga hadlay arrimaha qaxootiyada gaar ahaanna kuwa ku sugan dalka Kenya, waxaana aan meeshaas ka caddeynay innagoo xogogaal u ah xeryahaas ay ku jiraan qaxootiga kana shaqeyna ineyan suurto gal ahayn in iminka dib loogu celiyo qaxootiga Soomaaliya dalkoodii iyadoo aan u aragnay ineyan hadda munaasab ahayn markii la eego dhibaatadii ay ka soo caraareen oo aan weli xal waafiya helin.”

Dawladda Kenya ayaa iyaduna ka hadashay dhibaatooyinka amni darro ee halkaas ka  jirta, iyadoona la soo hadal qaaday dhibaatada ay ku qabaan haydaha k shaqeeya xeryahaas oo kalliftay in mar walba la raacsho ciidan ilaala ah, waxayna sheegeem wafdoga Kenya iney dhibaato ku qabaan sii joogitaanka qaxootiga ku sugan dalkeeda.

Raadiyo Ergo: Mar haddii lagu casumay warbaahinta qaar maxaa si gaar ah uga khuseeyay shirkan?

Maxamed Xasan: Warbaahinta waxaa lagula taliyay iney ka qaybqaataan arrimaha baninaadannimada, taasoo keeneysa in dhibaatooyinka ay yareyso, waxaana si gaar ah farta loogu fiiqay iney ka hadlaan arrimaha nabadda lagu gaari karo colaaddana yareyn karo, waxaana laysla gartay in warbaahintu ay ka mid noqon karto waxyaabaha caawini kara yareynta dhibaatooyinka, isla markaasna looga baahan yahay iney u gudbiyaan dadweynaha macluumaadka muhiimka ah ee la rabo in la ogeysiiyo, lagana hadlo dhibaatooyinka ay dadku qabaan si tallaabada ugu habboon dunida uga qaaddo”.

ECOSOC (Economic and Social Council) waxaa la asaasay sanadkii 1946dii,  waxayna sanad walba qabataa shir weyn  ay isugu yimaaddaan dalal badan ee adduunka ah, waxaana madasha sanadkan waxyaabihii lagaga hadlayay ka mid ahaa oo diiradda la saaray  arrimo badan oo ku saabsan hawlaha arrimaha baniaadannimada ee adduunka ka  jira iyo xoojnta iskaashiga ka dhexeeya shariikadaha gaarka ah  iyo Qaramaada Midoobay sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaha baniaadannimada.

MR/AM

Previous Post

WAJIGA LABAAD EE TALLAALKA DABEYSHA OO KA BILOWDAY KISMAAYO

Next Post

WERIYAYAASHA OO DIIDAY XEER CUSUB

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

WERIYAYAASHA OO DIIDAY XEER CUSUB

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-MAY-2026

IDAACADDA 22-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo