Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

MAXAA KA MID AH DHAQANKA MIYIGA SOOMAALIDA?

Radio Ergo by Radio Ergo
July 2, 2013
in Arrimaha Bulshada
1
MAXAA KA MID AH DHAQANKA MIYIGA SOOMAALIDA?

Photo | Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Xaliimo oo caano ruxeysa/Sawir/Burhaan Cadeysay

Soomaalidu waxay leeyihiin dhaqan ilaaliya jiritaanka Soomaalinimada in kasatoo aad arkayso xaalado beddalaya dhaqanka reer miyiga iyo kan magalada oo aan hore loo aqoon.

Inkasatoo is beddel  dhaqanka ku yimid  nolosha  reer miyaga ee dhanka isticmaalka weelal dhaqameedka, kan aqal Soomaaliga iwm, hadana waxaa jira meelo uu dhulka Soomaalilada kaga sii harsan yahay laguna arkayo xillayada barwaaqada ah iyadoo lagu canamaalayo.

Haddaba mar aan socdaal ku tagey dhawaan deegaanka Gosol , Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug waxaan la kulamay dad reer miyi ah  oo wali nolol maalmood kooda u isticmaala weelashii hiddaha iyo dhaqanka ee ay sameeyaan gabdhaha & hooyooyinka Soomaliyed ee  miyga ku dhaqan.

Waxa indhahaagu markiiba soo jiidanaya aqal Soomaaliga ay dhistaan haweenka miyiga jooga, haamo Ciir lagu lullaayo, dhiilo si qurux badan loo tolay iwm. Xaliimo C/laahi waa hooyo ku jirta da’ada 60aadka waxaana la kulmay goor barqa ah iyadoo aqal Soomaali hortiis ku Lulaysay Haan Ciir-ah si canaha  subag looga dhaliyo.

inkasta iyada qudheedu ay haan bir ah oo malahayga  ay farsameeyeen dadka birta tuma e Soomaalida hi haddana waxay indhahaygu soo jiiteen dhiil si qurux badan loo tolay oo ay xaliimo gacanta ku haysay waxayna  idaacadda Ergo uga warrantay  tolista  iyo isticmaalka dhiilaha iyo hees howleedkooda  marka ciirta lagu lulo ama la tolayo weelka Qabadah, iyadoo marka hore ku bilaabaysa hees howleedka hanta, “Hayaay dhig-dhiga dhabar yar, waagii dharaarowyee. Awr dhaadhacdaan doonay, ma fayoobidaa ma ogi, ma furkaa lagaa dhuuqay, gubad iyo galgalin seexo, geel jire ku qooraansay laba qaar laguu kala goo. Hayaay bullooy ii bax, Yaan subagga ley dhidineey, yaan soo bax ley oraneey. Qarqaro qabaal buuxi, laba qaalin kula buubee.”

“Waaxan ka tolay geedka Qabada loo yaqaan Qabada marka hore waa lagubaa ka dibna waa la jaraa, markii la jaraa la dhila , baa la qallajiyaa  ka dibna waa la qooyaa markii la qooyo baa la tidcaa, ka dibna waxaa la unkaa weelka Soomaalidu tiraahdo weel salkaa laga unkaa, mudac baa inta la qaato baa la tolaa kadina waxa lagu dhigaa lugdheer iyo ganuunad, oo ah qarka qoorta weelka si uu isku qabsado weelka iyo  daboolkiisa,” ayey tiri Xaliimo oo iiga sheekeynaysay habka ay ku samaysay dhiishaas quruxda badan.

Xaliimo ayaa waxay dhaliishay weelasha ay isticmaalaan haweenka ku nool  magaalooyinka, iyadoo sheegtay in halka dhiisha ay ka isticmaali lahaayeen in haweenka magaaladu bac caano ku qaataan.

Cawil Maxamed Yuusuf waa 40 jir isku diyaarinaya inuu dhawaan Arroos galo waxan la kulmay isagoo hortaagan aqal Soomaali si wanaagsan looga dhisay meel ka yara baxsan aqalka hooyadiis xaliimo gurigeeda waxuna idaacadda Ergo uga warramay inta shay ee uu ka kooban yahay aqal Soomaaliga uu dhistay iyo sida Awrta loogu raro.

“ Aqalkaan miyiga ee aad arkeysaan qarashkiisu waa ku dhowaad $5000 wuxuuna ka kooban yahay ilaa kow iyo toban raro laga sameeyo cows oo kala ah darin, feerood, derin feerood, derin museed, laba raar oo  guro-ku tuur iyo mid dhex ka saar ah iyi laba daraf oo dibadda ah, waxaa kaloo ku dhisan dhigaha Qabada iyo loolka,  waxa kaloo jira udbo ka kooban ilaa 16 udub iyo xargo kala duwan markii laguurayo waxa la saaraa 3 rati ama 3 awr oo waaweyn markii laguurayo carruurta iyo waayeelka  ayaa la saaraa”. Ayuu yiri Cawil.

Burhaan/MR/FM/AM

Previous Post

MUQDISHO: KONTAN IYO AFAR QOF OO DHAAWAC AH OO KISMAAYO LAGA KEENAY

Next Post

WEJIGII LABAAD EE TALLAALKA CUDURKA DABEYSHA OO PUNTLAND KA BILAABMAY

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

WEJIGII LABAAD EE TALLAALKA CUDURKA DABEYSHA OO PUNTLAND KA BILAABMAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo