Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

WEJIGII LABAAD EE TALLAALKA CUDURKA DABEYSHA OO PUNTLAND KA BILAABMAY

Radio Ergo by Radio Ergo
July 3, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Tallaalka oo waqtigaan la siinayo dadka waaweyn/Sawir/Cabdiraxmaan Xaaji

Wejigii labaad ee tallaalka cudurka dabeysha ayaa ka furmay deegaannada Puntland, waxaana la qorsheeyay inay ka faa`iideystaan in ka badan 250,000 oo carruur ah iyo dad waaweyn isugu jira, kuwaasoo ku sugan saddexda gobol ee Nugaal, Bari iyo Sanaag.

Wasaaradda caafimaadka ee maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u fulinaysa iyadoo taageero ballaaran ka helaysa hay`adaha QM ee WHO iyo UNICEF.

Dr. Cabdirisaaq Ducaale oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa Ergo u sheegay “Dufcadii hore ee tallaalka ahayd ee la fuliyey waxaa ka faa`iideystay in ka badan 245,000 Kun oo carruur ah, waxaa jirta dhib badan oo ay shaqaalah tallaalku qabeen, takhaatiir waaweyn iyo madaxda wasaaradda ayaa guryaha xitaa galay si ay dadka uga dhaadhiciyaan in tallaalku muhiim yahay.” Ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan tallaabooyin badan oo fududeynaya in xanuunka fayrayska dabeysha uu ku soo fido deegaannada Puntland isagoo intaas ku sii daray in isu socodka dadka ee deegaannada kala geddisan ee dalka uu aad u badan yahay, wasiirka ayaa sheegay inay dadaal dheer u gelayaan in dadkoo dhan la tallaalo.

“Kiisaska dabaysha waxaa lagu arkay Bay iyo Banaadir, wuxuuna soo ritay dad dhowr ah, tallaalka ayaa ah waddada keliy ee looga hortegi karo, reer Puntland waxaan ka codsanaynaa inay carruurtooda uga faa`iideeyaan tallaalka dabaysha waa fursad weyn oo ka hortag ah, waana mid tayo leh, daawo ma leh balse waa laga hortegi karaa.”Sidaa waxaa yiri Dr. Ghulam Rabani Popal oo ah wakiilka Hay,adda WHO ee Soomaaliya.

Deegaannada Puntland ma jirto ilaa hadda kiisas cudurka dabeysha ah oo lagu arkay, balse waxaa jira taxadar weyn oo looga hortegayo in xanuunku uu ku soo faafo deegaannadan. ilaa 41 qof oo ku sugan koonfurta Soomaaliya ayaa cudurkaasi haleelay sida ay shaacisay wasaaradda horumarinta adeegga bulshada ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/FM

Previous Post

MAXAA KA MID AH DHAQANKA MIYIGA SOOMAALIDA?

Next Post

MASHRUUC NALAYN AH OO LAGA HIRGELIYAY XEROOYINKA BARAKACAYAASHA EE MUQDISHO

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

MASHRUUC NALAYN AH OO LAGA HIRGELIYAY XEROOYINKA BARAKACAYAASHA EE MUQDISHO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo