Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

MASHRUUC NALAYN AH OO LAGA HIRGELIYAY XEROOYINKA BARAKACAYAASHA EE MUQDISHO

Radio Ergo by Radio Ergo
July 4, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMashruuc ay hir gelisay hay’adda guddiga qaxootiga Denmark ee DRC ayaa ku dhowaad kun qoys oo ka mid ah barakacayaasha deggan gudaha Jaamacaddii hore ee Gahayr  iyo deegaanka Zona-K ee degmada Hodan loogu sameeyey mashruuc nal loogu gelinayo guryaha barakacayasha oo baahi xooggan ay u qabeen dadkani, nalalkaan oo ku shaqaynaya qalabka loo yaqaan Solarka ee dabka ka qaata cadceedda qorraxda siina daaya iftiin fiican ayaa qaar kamid ah barakacayasha oo la hadlay raadiyo Ergo waxay sheegeen in wax badan uu ka baddalay ammaanka xerooyinka ay ku nool yihiin iyo noloshoodaba.

Faadumo Ibraahim oo ka mid ah barakacayaasha deggan gudaha Jaamacaddii hore ee Gahayr ayaa sheegtay  inay qabeen dhibaatooyin ay ugu horreysay in xilliga  habeenkii aysan bannaanka u soo bixi karin  cabsi kooxo burcad ah oo ammaankooda dhibaateeya, taasina ay keeni jirtay inaysan soo aadin musqul haddii ay u baahdaan “Ma jirin habeenkii Iftiin mana u soo bixi jirin bannaanka waayo waxa ay ahayd mugdi, waxaana jiray tuugo soo gala kaamka, haweenkana kufsada ama dhaca” waxaa sidaasi u sheegtay Ergo hooyo Faaduma.

Xilli habeen ah oo aan tegay kaamamka helay mashruuca Nalaynta, ayaa waxaa guud ahaan ka muuqday iftiin suura geliyay in ay ifaan guud ahaan kaamka, qaar ka mida barakacayaasha ayaa sidoo kale sheegay in ay kaga faa iidaystaan in ay ku adeegtaan xilliyada habeenkii sida ay u sheegtay Ergo Aasho Maxamed “Waxaan helnay iftiin waxaa hadda noo ifo gurigga aan deganahay waxaan ku aqrisanaa buugta waana ku adeeganaa” waxaa tiri Caasho.

Caasha Qadar waa hooyo deggan deegaanka ZoneK waxa ayna sheegtay in ay qabeen walaac xooggan oo ku baahay kaamka xilli uu jiray mugdi dadkuna ay ka baqayaan kooxaha ammaanka barakacayaasha dhibaateeya laakiin markii ay heleen iftiinka xaalku  uu yahay mid aad u wanaagsan.

Farxiyo Xasan waa hooyo leh 3 carruur ah xilli ay saacaddu ahayd 9:00 fiidnimo kula kulmay goob ay ka dhaansanaysay biyo waxaan waydiiyay xilligan waxa ku kalifay  waxa ayna sheegtay in maalintii ay ka badin wayday carruurta iyo hawsha kale ee guriga, laakiin hadda oo ay heleen iftiin kaamka ay xilli walba ku adeegato, waxayna intaasi ku dartay in xilli hore ee subixii ah ay ku dubato canjeelada.

Marka aad marayso gudaha kaamamka, waxaad arkaysaa dhalinyaro iyo carruur badan oo ku ciyaara iftiinka, kuwaasoo ka mid ah dadka deggan xeryaha barakacayaasha, waxayna ciyaarayeen ciyaar kubadda cagta iyo ciyaaro kale,  waxayna ku dhawaaqayeen erayo ciyaareed waxaana qaar ka mid ah ay u sheegeen raadiyo Ergo in ay ku ciyaaraan xilliga hore ee habeenkii.

Mashruucan Nalaynta ayaa waxaa fuliyay hay`ad samafal oo ka shaqaysa magaalada Muqdisho DRC sida ay u sheegtay Ergo mid kamida horjoogayaasha kaamaka laga hergeliyay, Caasho Xareed.
Abdulkadir

Previous Post

WEJIGII LABAAD EE TALLAALKA CUDURKA DABEYSHA OO PUNTLAND KA BILAABMAY

Next Post

DADKA OO FAHMAY FAA`IIDADA TALLAALKA SAFNA UGU JIRA QAADASHADIISA

Related Posts

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 18, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

DADKA OO FAHMAY FAA`IIDADA TALLAALKA SAFNA UGU JIRA QAADASHADIISA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-MAY-2026

IDAACADDA 21-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo