Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

MUQDISHO: KONTAN IYO AFAR QOF OO DHAAWAC AH OO KISMAAYO LAGA KEENAY

Radio Ergo by Radio Ergo
July 2, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankLabo diyaaradood oo ay Qaramada Midoobay leedahay iyo mid rakaab oo gaar loo leeyahay ayaa xalay Muqdisho keenay kontan iyo afar qof oo ku dhaawacmay dagaaladii saddexda maalmood socday ee Kismaayo ka dhacay toddobaadkii hore. Tiro gawaarida gargaarka deg deg ah ayaa gudaha u galay qeybta ay diyaarada istaagaan ee gudaha garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho si ay isbitaalada ugula deg-degaan dad u badan haween iyo caruur oo dhaawacyo halis ah ay kasoo gaareen dagaaladii Kismaayo.

Dhaawacyada la keenay Muqdisho ayaa u badan dad qaba jajab lafaha ah, qaar madaxa ay xabado uga jiraan, kuwo xubno jirkooda ka mid ah waayay iyo dad miyir la’a oo dhamaantood ku waxyeeloobay dagaaladii Kismaayo ka dhacay toddobaadkii hore. Weriyaha raadiyoow Ergo ee Muqdisho Yusuf Axmed Kaynaan ayaa sheegay in dhawaacyada Muqdisho la keenay ay ka muuqday dhiig bax, oo aysan helin daryeel ku filan intii ay Kismaayo yaaleen.

Lixdan qof ee kusoo dhaawacmay dagaalada Kismaayo ayaa lakala jiifiyay isbitaalka Madiina oo si gaar ah loo leeyahay iyo isbitaalka Xalane oo ay maamulaan saraakiisha caafimaadka ee howlka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Agaasimaha isbitaalka magaalada Kismaayo dhakhtar Cabdisamad Abuukar Xaaji ayaa raadiyow Ergo u sheegay in isbitaalka magaalada Kismaayo ay weli jiifaan lixdan qof oo kusoo dhaawacantay dagaalada magaalada ka dhacay islamarkaasna isbitaalku uusan laheyn awood ku filan baahiyada caafimaad iyo dawo ee ay qabaan dadkaas.

Dhakhtar Cabdisamad Abuukar Xaaji wuxuu intaa ku daray in isbitaalka ay daawo soo gaarsiiyeen hay’adda caafimaadka aduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO iyo hay’adda gargaarka ee ICRC, inkastoo dawooyinkaas ay hadda gabaabsi yihiin. Afhayeenka Raíisul Wasaaraha Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa raadiyow Ergo u sheegay in dowladda Soomaaliya ay dirtay saddexda diyaaradood ee dhaawacyada kasoo qaaday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Yusuf Axmed Kaynaan/MR

Previous Post

KOOFUR AFRIKA: DOWLADDA OO GUNNOOYIN SIINAYSA QAXOOTIGA SOOMAALIYEED

Next Post

MAXAA KA MID AH DHAQANKA MIYIGA SOOMAALIDA?

Related Posts

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 18, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Next Post
MAXAA KA MID AH DHAQANKA MIYIGA SOOMAALIDA?

MAXAA KA MID AH DHAQANKA MIYIGA SOOMAALIDA?

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-MAY-2026

IDAACADDA 21-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo