Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

KOOFUR AFRIKA: DOWLADDA OO GUNNOOYIN SIINAYSA QAXOOTIGA SOOMAALIYEED

Radio Ergo by Radio Ergo
July 2, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDowladda Koofur Afrika ayaa bilowday inay gunnooyin siiso qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas, taas oo qeyb ka ah fulinta heshiiska caalamiga ah ee daryeelka qaxootiga. Gunnooyinkan dhaqaale ee ay dowlada bixinayso waxaa heliya dadka da’da ah ee aan shaqaysan karin, dadka baahiyaha gaarka ah qaba sida cuuryaanimada iyo cudurada dhimirka iyo carruurta.

Gunnooyinkan oo u dhigma ceyrta lasiiyo Soomaalida ku nool dalalka Yurub, Mareykanka iyo Kanada ayaa dowladda Koofur Afrika bilowday horaantii sanadkan kadib cadaadis uga yimid hay’adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Dadka waayeelka ah ee aan shaqaysan karin da’da awgeed waxay dowladda Koofur Afrika bil weliba siindoontaa boqol iyo labaatan doolar oo uu ku kabto qarashka nolosha iyo kirada uga baxa. Dadka baahiyaha gaarka ah qaba sida cuuryaanimada waxay iyana qaadanayaan boqol iyo sideedan doolar bil weliba, halka carruurta ay xaq u yeelan doonaan labaatan iyo shan doolar bil weliba iyo lacagta dugsiyada iyo buugaagta oo laga bixiyo.

Cabdiqaadir Khaliif Maxamed oo ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Afrika ayaa raadiyow Ergo u sheegay in gunnooyinkaas ay heli doonaan dadka qaxooti ahaan loo aqoonsaday oo keli ah. Cabdiqaadir Khaliif wuxuu intaa ku daray in carruurtana ay qasab tahay inay dugsiyada dhigtaan. Waalidka aan carruurtooda dugsiyada u dirin xaq uma yeelan doonaan gunnooyinka dowladdu ku taageerto qoysaska qaxootiga ah ee ku nool Koofur Afrika.

Mahdi Ibraahim Booloow oo ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee baahiyaha gaarka ah qaba ayaa ka mid ah dadka ka faa’iideysanaya taageerada dhaqaale ee ay dowladda Koofur Afrika bilowday inay u fidiso qaxootiga ku nool dalkaas.
Mahdi Ibraahim oo dhowrkii sano ee ugu dambeeyay ku noolaa magaalada Pretoria ee Koofur Afrika wuxuu raadiyoow Ergo u sheegay in gunnada ay dowladda siiso oo uu helay ilaa Janawari sanadkaan, uuna isaga bixiyo kirada guriga, raashina ku iibsado.

Si kastaba, Soomaali badan oo qaxooti ku ah Koofur Afrika ayaa diidan inayba qaataan lacagta cayrta ah ee dowladda u bilowday dadka qaxootiga ah ee ku nool dalkaas, cabsi ay ka qabaan in la diido codsigooda ah in dal saddexaad la dajiyo. Laakiin weriyaha Ergo ee Koofur Afrika wuxuu sheegayaain in uusan xariir ka dhaxeyn codsashada dal saddexaad oo deegaan ahaan loo geeyo qaxootiga iyo aqbalaada taageerada lacageed ee dowladda bixiso.

Cabdinaasir Sheekh Axmed/MR

Previous Post

ISBITAALKA KISMAAYO OO DAAWO YARAAN HAYSTO

Next Post

MUQDISHO: KONTAN IYO AFAR QOF OO DHAAWAC AH OO KISMAAYO LAGA KEENAY

Related Posts

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 18, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

MUQDISHO: KONTAN IYO AFAR QOF OO DHAAWAC AH OO KISMAAYO LAGA KEENAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-MAY-2026

IDAACADDA 21-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo