Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

ISBITAALKA KISMAAYO OO DAAWO YARAAN HAYSTO

Radio Ergo by Radio Ergo
July 1, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankKhasaaraha ugu badan ee dagaalada ka socday magaalo xeebeedka Kismaayo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa gaaray dadka rayidka ah ee ku nool magaalada. Hubka ay isku ridayeen maleeshiyada ku dagaallamay magaalada ayaa ku dhacay guryo dad rayid ah ku nool yihiin oo sababay dhimashada dad ka badan toban qof oo shacab ah.

Hoobiye ku dhacay guri ku yaal xaafada Siinaay ee magaalada Kismaayo ayaa dilay labadii waalid ee qoys deganaa guriga, halka saddex ka mid ah carruurtooda uu gaarsiiyay dhaawacyo halis ah sida uu soo sheegayo weriyaha raadiyow Ergo ee magaalada Kismaayo.

Agaasimaha isbitaalka magaalada Kismaayo dhakhtar Cabdisamad Abuukar Xaaji ayaa raadiyow Ergo u xaqiijiyay in sideed qof oo dhaawac ahaan loo keenay isbitaalka ay iyana geeriyoodeen. Cabdisamad Abuukar Xaaji wuxuu intaa ku daray in dhaawacyo ka badan lixdan qof oo haween iyo carruur u badan isbitaalka la keenay saddexdii maalmood ee uu dagaalka socday.

Isbitaalka magaalada Kismaayo ma leh qolal ku filan oo dhaawacyada iyo bukaanada kale la jiifiyo sidaas darteed dadka ku dhaawacmay dagaalada ayaa lagu dabiibayaa dermooyin iyo sariiro la hoos dhigay geedo banaanka isbitaalka ku yaal. Agaasimaha isbitaalka magaalada Kismaayo dhakhtar Cabdisamad Abuukar Xaaji ayaa sheegay in isbitaalku ku filnaan karin baahiyada caafimaad iyo dawo ee ay qabaan lixdanka qof ee kusoo dhaawacmay dagaalada magaalada ka dhacay. Dhakhtar Cabdisamad Abuukar Xaaji wuxuu intaa ku daray in isbitaalka uusan haysan qalab ay ugu horayso raajo oo muhiim u ah wakhtigaan daaweynta dhaawacyadda iyo daawo ku filan oo lagula tacaalo dhaawacyada jiifa, oo xitaa ay gabaabsi ka yihiin dawooyinka horey u yaalay.

Isbitaalka magaalada Kismaayo oo ka mid ah xarumihii dowlada ee burburka kasoo gaaray  dagaaladii sokeeye ee dabo-socday dhicistii dowladdii dhexe ayaan helin wax dayactir ah labaatankii sano ee lasoo dhaafay. Agaasimaha isbitaalka magaalada Kismaayo dhakhtar Cabdisamad Abuukar Xaaji ayaa ugu baaqay hay’adaha gargaarka iyo dadka Soomaaliyeed ba inay gargaar dawo iyo qalab caafimaad ah si deg deg ula soo gaaraan isbitaalka si loo badbaadiyo nolosha dhaawacyada isbitaalka jiifa.

Khadar Maxamuud Xareed/MR/MH

Previous Post

Koofur Afrika oo lagu maxkamadaynayo burcad dil iyo boob u gaystay dad Soomaali ah

Next Post

KOOFUR AFRIKA: DOWLADDA OO GUNNOOYIN SIINAYSA QAXOOTIGA SOOMAALIYEED

Related Posts

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 18, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

KOOFUR AFRIKA: DOWLADDA OO GUNNOOYIN SIINAYSA QAXOOTIGA SOOMAALIYEED

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-MAY-2026

IDAACADDA 21-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo