Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Koofur Afrika oo lagu maxkamadaynayo burcad dil iyo boob u gaystay dad Soomaali ah

Radio Ergo by Radio Ergo
June 28, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWaxaa kordhaya kiisasaska iyo eedeymaha dadka Soomaaliyeed u gudbinayaan  maxkamadaha waddanka Koofur Afrika,tanoo ah tallaabo aan horay loogu aqoon Soomaalida muhaajiriinta ku ah waddankaas, in mararka dhaca iyo dilka loo geysto aysan kiiskooda u gudbin laamaha ammaanka iyo cadaaladda.

Tani waxay qayb weyn ka noqotay bartilmaameedsiga lagu hayo dadka Soomaalida ah,  hadda ilaa lix gobol oo wadanka ku yaal ayey ka socdaan ugu y araan lix kiis oo dilal loo geystay dadka Soomaalid ah, iyadoona kiiska ugu dambeeyey hadda u u ka socdo magaalada Balakwana oo ku taal gobolka Libonbi, oo hadda la soo taagay 2 nin oo Koonfur Afrikaan ah laguna eedaynayo dilka laba wiil oo Soomaaliya oo la todobaad ka hor lagu dilay faas.

Guddoomiye ku xigeenka jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Libonbo Daahir Hilowle Xasan ayaa ka codsaday Soomaalida inay diwaan geliyaan dhibaatada loo geysto si ay u helaan hannaan sharci oo ay ku heli karaan xuquuq ilaalineed, ayna ula siman yihiin sharciga muwaadiniinta waddanka, wuxuu kaloo ka codsaday maxkamadda in gacan ku dhiiglayaasha la mariyo ciqaabta sharci ee ay istaahilaan.

Magaalada Capetown waxaa iyana ka socda ilaa lix ruux oo Koofur Afrikaan ah oo ku eedaysan inay si  joogto ah dhac ugu geystaan Soomaalida tuulooyinka ku nool, iyadoo loo haysto ilaa 100 fal dembi oo dhac u badan oo ay u geysteen dad Soomaaliyeed.

Maxkamadda gobolka Eastern Cape ayaa iyana dembiile ku xukuntay bishaan June 2deedii iyadoo ninkaani uu kufsi iyo dil u geystay haweenay uurlahayd oo Somaali ah laguna magacaabo  Nasro Maxamed Qammaan 14kii bishii Sebtembar sanadkii 2011kii. Yusuf Qaybdiid oo ah seyga gabadhaas la dilay ayaa yiri “1 nin ka mid ah saddexdii dishey xaaskayga mid ka mid ah ayaa la qabtay, bishaan ayaana lagu xukumay xabsi daa’in, runtii mudnaan gooni ah ayay siiyeen laamaha dembi baaristu kiiskaygaan, inkastoo laba ka mid ah aan weli la qaban”.

Soomaalida ayaa caado u leh inaysan daba gelin haddii denbi loo geysto sida dil ama dhac, tanoo keentay inay noqdaan bartilmaameed. Yusuf Qaybdiid ayaa sheegay in xanuunkii dilka xaaskiisii loo geystay aysan maskaxdiisa ka go’in, ayna dhiirri gelisay tallaabooyinka booliisku qaadeen, dhaqanka Soomaalidu ay kala yimaadeen nidaam la’aantii ka jirtay dhulkoodu ay bartay inaysan manco weyn u arkin in lala socdo laamaha ammaanka markastoo dhib ku gaaro, waana dhib u baahan in Soomaalidu iska dayso ayuuna hadalkiisi ku sii daray Soomaalida ayaa hadda ka daashay aamusnaantii.

Sheikh Siciid Axmed oo ah guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee magaladda Jooj ee gobolka Southern Cape ayaa Ergo u sheegay intii ay daba galkaan sameeyeen dadka Soomaalida ah lagu soo qabtay 30 denbiile oo ku dilay gobolka 14 qof labadii sano ee ugu dambeeyey, kuwaasoo la hor keenay  cadaaladda, iyadoona 30 qof oo u dhashay wadanka oo lagu helay dilalka dadkaan lagu xukumay xabsi daa’in tanoo ah fursad kale oo siisay Soomaalida dhiiri gelin inay la shaqeeyaan booliiska, ayna daba galaan kiisaskoodii oo horay ay uga seexan jireen.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee koonfur Afrika ayaa shegtay in dawladdu u balan qaaday inay ka bixinayso Soomalida kharashaadka iyo gaadiidka inta ay socdaan baaritaannada cidda dembiyada u geysata Soomaalida, sida raadinta dembiilayaasha, qareennada iyo marqaatiyaasha oo runtii ah waxyaabaha mararkii hore caqabadaha ku ahaa dadka.

Cabdinaasir Sheekh Axmed (Saxansaxo)/MR/MH/FM/AM

Previous Post

Barakacayaal ku dhibaateysan tuulooyin ku teedsan Ceelcadde

Next Post

ISBITAALKA KISMAAYO OO DAAWO YARAAN HAYSTO

Related Posts

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 18, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

ISBITAALKA KISMAAYO OO DAAWO YARAAN HAYSTO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-MAY-2026

IDAACADDA 21-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-MAY-2026
May 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo