Kufsiga haweenka ayaa hoos u dhacay deegaannada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee sanadkan sida ay sheegtay Wasaarada Arrimaha haweenka Puntland. Agaasimaha Waaxda Shaqaaqooyinka ee Wasaarada Arrimaha Haweenka ee Puntland Khadra Axmed Maxamed ayaa raadiyo Ergo u sheegtay in qiimmeyn iyo isku cel-celis ay wasaarada sameysay lagu ogaaday in kiisaska kufsiga haweenka ay hoos ugu dhaceen boqolkiiba toddobaatan sanadkan.
Marwo Khadra Axmed Maxamed ayaa sheegtay kiisaska kufsiga haweenka ee deegaannada Puntland labadii sano ee la soo dhaafay uu ahaa sagaashan boqolkiiba. Kufsiga ayaa hoos ugu dhacay wacyiga iyo baraaruga bulshada ee la xariira badbaada iyo ilaalinta sharafta haweenka awgeed.
Laakiin jirdilka, garaaca iyo handadaadda haweenka loo geysto ayaa kordhay gudaha xeryaha ay ku nool yihiin dadka deegaannadooda kasoo barakacay sanadkan. Si kastaba, Gudoomiyaha Daladda Haweenka deegaanada Puntland Xaliimo Maxamed Faarax ayaa raadiyo Ergo u sheegtay in kufsiga weli aan xal waara laga gaarin. Daladda Haweena deegaanada Puntland ayaa diiwaangalisay kufsiga haween ka badan 20 oo da’dooda u dhaxeyso 17 ilaa 20 sano sanadkan gudahiisa.
Weriyaha Ergo ee Garoowe oo booqatay isbitaalka magaalada ayaa aragtay gabar yar oo wiilal shan ah ay kufsi u geystaan sanadkan gudahiisa. Gabadhan ayaa ka mid ah qoysaska deegaannadooda kasoo barakacay ee ku nool xeryaha magaalada ku yaal. Rag ku eedeysan kufsiga ayay ciidamada booliska ay xireen. Laakiin Raxmo Maxamed oo ah hooyada gabadha la kufsaday ayaa u welwelsan nolosha gabadheeda haddii la soo daayo ragga kufsaday gabadheeda oo ku hanjabay inay dili doonaan.
Haweenka u dooda hablaha lama dhacsana habka maxkamadaha u gooyaan kiisaska la xariira kufsiga oo ay adag tahay in loo helo dad marag noqda. Dhaqanka Soomaalida oo awoodda gacanta ugu rida odayaasha dhaqanka ayaa sidoo kale caqabad ku noqda mararka qaar in haweenka la kufsado helaan xaqooda, iyadoo isticmaala xeer jabjab mag la kala qaato, laguna siidaayo kuwo eedeysan kufsiga.
Xaliimasacdiyo/MR









