
Ibraahim Isaaq Geeseey oo ah madaxa qeybta caafimaadka ee ururka Bisha Cas ee gobolka Gedo ayaa raadiyo Ergo u sheegay in xarunta sidoo kale lagu daweyn doono carruurta shanta sano ka yar iyo bukaannada cudurrada shubanka, duumada iyo cudurrada kale ee ku dhaca neef mareenka. Geeseey wuxuu sheegay in xanuunnadaas ay ku badan yihiin bulshada deegaanka, wuxuuna ballanqaaday Geeseey iney ku dadaali doonaan in adeegyada caafimaad iyo daaweynta ay bixiso xaruntan cusub ay joogto noqon doonto oo aysan hakid geli doonin.
Xaruntu waxay sidoo kale waxay daryeel nafaqeyn ah u fidisaa hooyada iyo dhallaanka nafaqada deg-deg ah u baahan. Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Ceelwaaq oo hadda bil uun shaqeynaya ayaa waxaa maalin walba yimaadda 50 qof oo bukaan socod ah. Xaruntan ayaa ah isha caafimaad oo kali ah oo ay heli karaan dadka deegaanka maadaama isbitaalka weyn ee degmada uu dhowrkii sano ee la soo dhaafay u xirnaa daawo la’aan. 20 howlwadeenno caafimaad ah oo mutadawiciin iyo shaqaale isugu jira ayaa ka howlgala xaruntan.
Caasho Maxamed oo ka mid ah hooyooyinka carruurtooda ay nafaqada ka helaan xaruntan ayaa raadiyo Ergo u sheegtay in dadka deegaanka ay qabeen baahi weyn oo dhanka caafimaadka ah, taasoo xaruntan cusub ay dabooshay. Madaxa qeybta caafimaadka ee ururka Bisha Cas ee gobolka Gedo Ibraahim Isaaq Geeseey ayaa sheegay in adeegyada caafimaad iyo daaweynta ay bixiso xaruntan cusub ay joogto noqon doonto oo aysan hakid geli doonin.
Haween badan oo uur leh oo ku nool degmada Ceelwaaq iyo tuulooyinka ku dhow iyo carruurtooda ayaa halisa dhimasho khatar ugu jira waqtiyada dhalmada sababo la xariira adeegyada caafimaad ee ay heli karaan oo aad u yar, una hooseeysa.
Axmed Cumar Saalixi/MR








