
Cabbaas Sheekh Maxamuud oo madax ka ah Jaamacadda cusub ayaa raadiyo Ergo u sheegay in jaamacadda oo waxbarashada lacag la’aan ku bixinaysa ay hadda iska diiwaan geliyeen arday ka badan 22 kulyadaheeda Beeraha iyo Caafimaadka.
Cabbaas Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in diiwaan-gelinta ardayda doonaysa kullyadaha kale aysan weli bilaabin. Jaamacada ayaa $50 oo diiwaan-gelin iyo kaarar aqoonsi loogu samaynaya ardayda.
Jaamacaddan oo abaabulkeeda la waday afartii sanno ee la soo dhaafay ayaa waxaa maal-galiyay ganacsatada iyo Soomaalida deegaanka u dhalatay ee qurbaha ku nool. Maamulaha Jaamacadda Shabeelada Dhexe Cabbaas Sheekh Maxamuud wuxuu kaluu raadiyo Ergo u sheegay in dhaqaalaha ku baxaya jaamacadda afarta sanno ee soo socota la diyaariyay, sidaas darteedna ardayda aan lacag laga qaadi doonin.
20ka bisha Agoosto ee soo socota ayay jaamacaddu howlgelidoontaa iyadoo ay macallimiin Soomaaali iyo ajanabiga ka hawlgeli doomaam. Jaamacada Shabeelada Dhexe waa jaamacadii ugu horeysay ee gobolka Shabeelada Dhexe oo beeraleeydu ku badan yihiin laga furo. Arday ku dhow 200 oo sanad walba ka qalinjabiya lix dugsi sare oo ku taal degmada Jowhar ayaan horey u heli jirin fursado waxbarasho jaamacadeed maadaama deegaanku uusan laheyn jaamacad, iydoo ay ardayda deegaanka Jawhar ay ku adkeyd iney waxbarasho jaamacadeed u aadan goobaha kale ee ka fog-fog.
Maamulaha Jaamacadan cusub Cabbaas Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay inuu ka hanweyn yahay in boqolaal arday ay ka faa’iidaysan doonaan waxbarashada jaamacadeed ee lacag la’aanta ah.
Maryam Sheekh Cabdi/MR/AM








