
“Go’aanka waxaynu u qaadanay si aynu u badbaadinno deegaanka iyo dhirta la xaalufinayo,” ayey marwo Shukri Baandare u sheegtay Ergo. dhismaha tuulooyinka cusub ayaa ku soo kordhayay Somaliland sanadahan dambe, taas oo Wasiiradda Deegaanka iyo Hormarinta Reer Miyiga ay ku sheegtay inay siyaasadaysan yihiin, oo qabaa’il walba doonayo in tuulo walbo la dhigo sanaadiiq lagu codeeyo.
Marwo Shukri Baandare ayaa sheegtay in tuulooyinka cusub ee la dhisayo halis ku tahay nolosha iyo mustaqbalka dadka iyo xoolo dhaqatada Somaliland.
Si kastaba, qaar ka mid ah bulshada ayaa ka welwelsan in go’aanka lagu mamnuucayo tuulooyin cusub ay ciriiri iyo culeys ku keeni doonto magaalooyinka. Caaqil Farxaan Xuseen oo ka mid ah madax dhaqameedyada gobolka Sanaag ayaa Ergo u sheegay in isu soo celinta dadka kala durkay ay isdul saar iyo ciriiri dhanka ganacsiga iyo nolosha dadka ah ay ka dhalan doonto.
Soomaalidu tuulooyinka isla ma dagaan, oo qabiil walba tuulo gaar ah ayuu dagaa laakiin Wasiiradda Deegaanka Somaliland ayaa aamisan go’aanka lagu mamnuucayo dhismaha iyo abuurista tuulooyin cusub ay keeni doonto in dadku wada dagaan tuulooyinka horey u jiray islamarkaasna is dhex galaan.
Nimcoayaan/ MR









