Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

TACADIYO AY KA CABANAYAAN XOOGSATADA GAARIGACANLEYDA

Radio Ergo by Radio Ergo
July 26, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
TACADIYO AY KA CABANAYAAN XOOGSATADA GAARIGACANLEYDA

Photo | Mid ka mid ah xoogsatada gaari gacanada Gaalkacayo/Sawir/Burhan/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Mid ka mid ah xoogsatada gaari gacanada Gaalkacayo/Sawir/Burhan/Ergo

Dadka danyarta ah ee xamalka ka shaqeysta gaar ahaan kuwa ku xamaasha gaarigacannada ayaa kala kulma dhibaatooyin dadka ay shaqooyinka u qabtaan, taas oo xadgudub ku ah xaquuqdooda shaqo maadaama ay yihiin dad u nugul in  loogu xadgudbo xaquuqdooda, iyagoo nolosha qoyskooda ku mareeya gaarigacannada ay magaalada dhexdeeda kaga xoogsadaan.

Nuur Cabdiraxmaan Cabdi waa abbe leh  xaas iyo laba carruur ah waana gaarigacanle nolol maalmeedka isaga iyo qoyskiisa ka raadsada xamaalka gaarigacanka, waxuuna raadiyo Ergo uga warramay dhibaatooyinka uu kala kulmo dadka uu ushaqeeyo.

“ Gaarigacan baan ka shaqeeyaa waxna ka raadsadaa, qutul darruurga ilmaheenna dhibaatadiisuna ma yara dadkuna isku mid maahan, qaar baa kaaga baxaya heshiiskii aad ugu qaaday, iyagoona kuu diidaya lacagtii, haddaad la sii hadashana waxaaba suurto gal ah in qori la guula soo baxo, qaarbaa wajiga kuu badalaya waxana kala kulantaa dhib farabadan ,waad garanaysaa gaari gacanku waa shay yar oo alwaaxa oo la saaro alaab culays badan mararka qaarbuu naga gadoomaa isagoo alaabtii saran tahay wixii kugu jabaana waa dushaada”

Nuur ayaa intaas ku daray in mararka qaar dadka wataa baabuurta ay ka jiirsiiyaan gaarigacanka iyagoo aan wax garowsiiyana aan ku siinayn taaso ka midah xadgudubyada loo geysto dadka ka shaqaysta, hawshaan oo badi ka soo jeeda bulshooyinka la tabaryareysto.

Gaalkacayo oo ah magaalo ay saamayn ku leeyihiin kooxaha burcad badeedda ah, iyagoona la arko markay dhex marayaan magalada hab dhaqankooda gurracan ayaa dadka gaarigacannada ka shaqaystaa yihiin kuwo dhibaato kala kulma“ Burcada badeed wadata baabuur aya iga jiirsiiyey gaarigacankaygii iimana aysan joogsan aniga samaystay booliskana uma dacwoono oo waa naftayada ayaan u baqannaa, haddaan heli lahaa xirfad kale oo aan ku xoogsado maalin keliya kuma shaqeeyeen dhibaatada aan ku qabo darted, gaarigacanku waa kiro oo ma lihin maalin kastana waxan baxshaa qeyb ka mid ah  wixii aan soo shaqeeyo” sidaasna waxaa yiri Nuur oo ka cataabaya duruufta adag ee uu ku shaqeeyo.

Xusen Xasan waxa uu kamid yahay gaarigacanalayaasha  ku nool Gaalkacyo wuxuuna idaacadda Ergo uga warramay dhibaatooyinka uu kala kulmo dadka ay shaqooyinka uu u qabto.

“ Dadku iskumid maahan qaarba noo diida wixii aan shaqeysanay, hadda aniga ninbaan u qoday musuqul godkeed markii aan marinaayey Labo Mitir iyo bar ayuu ii diiday lacagtii aan kulahaa taasina xaqmaahan qofkuu shaqeeyey oo aad xaqiisii u diiday”

Dadka loo shaqeeyo waxa ka mid ah Mowliid Xirsi Faarax oo aan kula kulmay isagoo gaarigacan saaraya raashin ay u xamaalayeen waxana uu Idaacadda Ergo u sheegay inay jiraan dad aan si wanaagsan ula dhaqmin dadka ku xamaasha gaarigacanlayaasha lakiin isagu uu kamid yahay dadka mararka qaar u qareema gaarigacanlayaasha si uu ugu dhiciyo xaq uu markaas ku leeyahay qof uu u shaqeeyey.

“Waxaa jira gaarigacanlayaal ku hoos nool shirkadayada waxayna raashinka iwm u xamaalaan dadka wax naga iibsada oo ay ka qaataan lacag waxana qaarkood na soo gaarsiiyaan in loo diiday lacagtoodii ay xaqa u lahaayeen, waxana iskudaynaa inay helaan xaquuqdooda shaqo waana jiraan dad ka inkira”

Xasan Cabdi Guure waa xubin ka midah ururrada u dooda xaquuqul iinsaanka Puntland waxuuna raadiyo Ergo uga warramay xogta ay ka hayaan xadgudubyada noocaas oo kale ah, “waa jirtaa in lagu xadgubo dadka xamaasha iyo carrurta kabaha casaysa waana la raadinnaa xaquuqdooda waana arrin xadgudub ku ah shareecada islaamka, xeerarka caalamiga ah ee xaquuqda aadanaha iyo dhaqanka Soomaaliyeedba, waxanan ugu baqaaya bulshadu inay dhaqanka gurrcan ee qof xoogiisa laga inkirayo la iska daayo”:

Burhan Cadeysay/MH

Previous Post

PUNTLAND OO KA DIGTAY HALISTA CUDURKA DABAYSHA

Next Post

SOMALILAND OO MAMNUUCADAY DHISMAHA TUULOOYIN CUSUB

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
SOMALILAND OO MAMNUUCADAY DHISMAHA TUULOOYIN CUSUB

SOMALILAND OO MAMNUUCADAY DHISMAHA TUULOOYIN CUSUB

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo