
Waxaan wareysi la yeelannay umuliso sare Khadra Cali Cigaal, oo ah aasaasaha iyo madaxa xarunta caafimaadka Cigaal ee magaalada Hargeysa, oo ah xarun haweenka loogu talagalay. Waxaan marka hore weydiinnay shaqada uu isbitaalku qabto, waxayna Khadra ku jawaabtay:
Khadra: Isbitaalku wuxuu caawiyaa haweenka uurka leh, dhalmada, cudurrada haweenka iyo la talinta haweenka.
Ergo: Imisaa qof ayaa ka howlgala xaruntan?
Khadra: 11 shaqaale ayaa ka howlgala.
Ergo: Maxaa kugu dhaliyay inaad xaruntan furto?
Khadra: Sanadkii 2004tii ayaan imid Hargeysa si aan u soo booqdo aabbahay oo bukay, waxaan ka imid dalka Ingiriiska oo aan kalkaaliso ka ahaa, waxaan maqlay gabar habaryartey dhashay inay dhalmada ku dhimatay, waxaa la ii sheegay in naagtii umulineysay ay caloosha kaga fadhiisatay si ilmaha uu usoo baxo, kadibna makaanka ayaa qarxay wayna dhiig baxday, ilmihii ayaa laga soo jarjaray, sidaas ayayna ku dhimatay, waxaa la waayay wax qalliin ku sameeya oo xaaladdeeda wax ka qabta, wax daba galay malaha gabadha dhimashadeeda, waxaan la yaabay sida nafta bini`aadamka ay raqiis u noqotay, qaladaad badan ayaa ku dhaca cilmi la`aan, sidaas ayaa igu kalliftay inaan furo xaruntan caafimaad.
Ergo: Intii xaruntan aad furtay, ma is leedahay dadku waxbey fahmeen oo xarunta si fiican bay usoo booqdaan uguna qancaan adeegyadiinna?
Khadra: Haa, markii horaba dumar badan baan la tashaday intaan xaruntan furin, waxaan ogaaday in dumarku baqdin badan ay ka qabaan inay dhaqtar u tagaan oo qalliin lagu sameeyo, xaruntan waa xarun guri ku dhex taalla oo dumarku intay yimaadaan ku nastaan, su`aalaha ay qabaan ku weydiiyaan oo ay aaminaan, si fiicanna loola taliyo. Dumarka waaweyn badanaa ma dhageystaan waanooyinkeenna oo waxay yiraahdaan waa dadkii dibadda ka yimid iyo wixii ay sheegi jireen, balse haweenka da`da yar ayaa si wanaagsan u qaata talooyinkeenna.
Ergo: Maxaad inooga sheegi kartaa dhibaatooyinka ugu badan ee ay qabaan haweenka uurka leh ee aad aragtay?
Khadra: Dhibaatada ugu weyn waa nafaqo darro, haweenka qaarkood markii ay yaraayeen laguma dadaalin nafaqadooda, marka ay hooyo noqoneysana waaba mar jirkeedu yahay daciif. Markii ay jirkeeda soo kabi lahayd ee ay is nafaqeyn lahaydna waxay ka walwaleysaa nafaqada ninkeeda iyo carruurteeda. Haweenku inay iska dhalaan maaha, waa inay kala koriyaan carruurta sababtoo ah mas`uuliyad baa ka saaran carruurta wax bariddooda, korintooda iyo edbintooda.
Ergo: Waa maxay habka ugu wanaagsan ee lagu kala korin karo carruurta?
Khadra: Siyaabo badan baa lagu kala korin karaa carruurta, sida daawo ay gabadhu qaadaneyso, ama in gabadha iyo seygeeda ay qorshe sameystaan. Kala korinta carruurtu ma aha wax hadda bilowday ee weligeed baa la sameyn jiray, dadkuna ma aha inay qalad ka fahmaan.
Ergo: Waxaa jirta in naasnuujintu ay ka taagan tahay dhib, ma siisaan haweenka talooyin ku saabsan naasnuujinta?
Khadra: Haa, waxaan heystaa shahaadada (Baby friendly) oo ay bixiso hay`adda QM u qaabilsan carruurta ee UNICEF, waxay bareysaa haweenka farsamooyinka dumarka lagu caawin karo inay badiyaan naasnuujinta. Tani waa dhibaato ka taagan dunida meelo badan oo ka mid ah, sida Hindida oo kale ilmaha naaska ma nuujiyaan, haweenka qaar ayaa u sababeeya inaysan carruurta nuujin inaysan guriga fadhin karin oo ay shaqooyin aadayaan, sidaa darteedna carruurta loo siiyo caano-booraha. Caanaha la qasayo si wanaagsan looma qaso, mararka qaarkood carruurta calooshooda ma qaadan karto caanaha la siiyo, sida kuwo dib loo kululeeyay oo aan loogu talo galin in la kululeeyo ama caano muddo isla yaallay, dhammaan dhibaatooyin raad reeba ayay carruurta ku noqon kartaa.
Ergo: Sideed u kala qiimeysaan marxaladaha kala duwan ee haweenka uurka leh?
Khadra: Gabadha ayay ku xiran tahay, gabdhaha qaarkood way ku xanuunsadaan uurka, halka qaarkoodna ay qurux iyo caafimaad kasii qaadaan. Waxaan baarnaa waxyaabaha ay u baahan yihiin haweenka uurka leh, kadibna waxaan siinnaa waxyaabo caawiya kuwa walaca ku xanuunsada iyo nafaqooyinka ay u baahan yihiin, sidoo kale talooyin baan siinnaa.
Ergo: Inta aad howshaan waddeen, ma dareenteen is beddel ay sameeyeen haweenka?
Khadra: Haa, dumar badan baa marka ay xarunteenna ku umulaan markale inoo soo laabta, qaarkood baa asxaabtooda soo kaxeeya oo usoo tilmaama, aad bey ugu qanceen xarunta.
Ergo: Xaruntiinna ma laha meel qalliin loogu sameeyo haweenka, haddii xaalad deg deg ah ay timaaddo, sideed u maarreysaan?
Khadra: Waxaan u gudbinnaa isbitaallada oo waxaan leennahay bas si toos ah u geeya , si adeegyada ay u baahan tahay loogu qabto.
Nimco-ayaan Maxamuud Ciise/FM/AM









