Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

SOMALILAND OO QORSHEYNEYSA IN CARRUURTA AAN POLIO KA TALLAANEYN LOO OGGLAAN DUGSIYADA – WARAYSI

admin by admin
August 2, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blankDr Axmed Jaamac; Ilaahay uun baa horta cudur cidhib tiri kara laakiin  waxay noqon kartaa cidhib tirka marka la leeyahay in dadka aqoontooda wacyigelineed kor loo soo qaado  oo la fahamsiiyo dhibtaadada  uu cudurkaasi uu keeno  markay arkaan dhibtaada uu keeno ayey ka gaashaaman karaan  siday uga hortagilahaayeen cuduradaasi la cidhibtirayo.
Su’aal:  haddiiba la yidhaahdo cudur waa la cidhib tiray maxaa sababa in uu soo noq noqdo?
Dr Axmed: waxaa sababa waxa   dhaca hadaan soo qaato Somaliland cudurka dabaysha  lix sannadood  laguma arag cudurka sababtuna waxay ahayd talaalka oo si caadi ah oo joogto ah  u socday  , waxa dhacday  in uu ka dilaacay xamar oo xamar lagu arkay  oo muddadii bishii Luulyo laga soo tallaalay ayaanu ka baqannay in uu  noo soo gudbo oo dadku Somaliland iyo Somaliya waa laysku  socdaa  oo xuduuddu way isku furan yihiin dadku ama baayac mushtari ha ahaadaan ama qoysasku  tiiyoo aanu taa ka baqayno  oo aanu dhagaha taagayno ayaa Laascaanood laga helay mid  kale  booliyo malaaytis qofkaasi tallaal ma qaadan sidaasi   ayuu ayuu ku saameeyay sidaasi  ayaa nagu kalliftay in  markaa aanu imaka dib u bilawno  talaalkii.
Su’aal: Inta badan talaal la’aanta ayaa keenta baa la yidhaahdaa  in ay xanunadu soo noq noqdaan haddana  waxa jirta  in goobo tallaalka laga fuliyey lagu arko cudurka dabaysha  sabab?
Dr Axmed: Waxa weeyaan kolay dee hooyada iyo aabuhu sidayu fahamsan yihiin cudurrada ayey carruurtoodada talaalka  wada geeyaan waxa dhacda qoysas na diida oo na yidhaahda lama  talaalayo ama  in uu ninkii tagay  markaa gabadha ugu timaado aroornimada  guriga ee aad ku tidhaahdo ilamaha keen ha la tallaalee, aabahood ayaa yidhi carruutayda  hayga talaalin taasina mushkilad ayey nagu haysaa.
Su’aal: hore waxaad u soo sheegtay in dalka  Somaliya ee aynu jaarka nahay  dhacdooyin  Polio-da laga helay imise dal oo waddamada jaarka ah ayuu ka jiraa baad isleedahay ?
Dr Axmed: dee waxa uu ka jiraa Nageria waa lagu sheegay Kenya waa lagu sheegay  Yemen waa lagu sheegay waxa jira dhacdo inta uu  Nageria ka soo duulay Cadan tagay , marka uu cadan tagay  Cadan ayuu ku dhacay , inta uu inaga inooga yimi  qoladan xoolaha qaada ayuu hadana Burco  ku dhacay,  taasna walaahi dhibaato badan ayaa naga soo martay, ta ugu badana waxa weeye hooyada iyo aabaha ilamaha dhalay diida yaal ah  ayaa jira,  imaka waxa jirta in ay wasaaraddu  go’aan ka gaadhi doonto  oo laga soo saari doono qoraal baarlamaankana laga ansixin doono markaa aan laga yeeli dooni qof tallaal.
 Su’aal: Qoraalkaasi  markaa ma siyaasad ayuu noqon doonaa lagu dhiqi doono talaalka ?
Dr Axmed : kolay  Policy-ga wasaaraddu  ayuu  ku jiraa oo waxa jirta in la gaadhi doono ilamaha aan  kaadhka talaalka sidani in aan iskuulka la qorin  marka uu Primary-ga imanaayo lagu xidho kaadhkii talaalka ma haysataa haddii uu haysto la qoro haddii aanu haysana aan la qorin.
Su’aal: ugu horayn haddii aynu dib ugu soo noqono  dadka qaar  ayaa waxay isweydiinayaa waa maxay Polio? Maxaad isleedahay  way tahay Polio ?
.
Dr Axmed: Polio waa cudur ku dhac caruurta shanta sanno ka yar waxaana keena Virus  Viruskaasi waxa uu ilmaha ku keenaa dhibaato curyaannimo ah  oo gacanta iyo lugta ayaa bakhtida   oo awooddeedii ka lumaan  , markaa wax  kale oo lagu daweeyaa ma jiree talaal ayuun baa  lagaga hor tagi  karaa  haddii uu ilmuhu curyaan  noqdona  dee dhibaatadii waxay ku soo noqonysaa waalidka sidii uu u daryeeli lahaa sidii uu qaadi lahaa  sidii u xanaanayn lahaa dhibaatadu taas ayey keeneysaa,  markaa malaa waxa ka haboonaan lahayd hooyado taas iyada oo arkaysa in malaa ilmaheeda ay laba dhibcood oo ay ilmaheeda kaga badbaadiso cudurka dabaysha  inay siiso.
 Tusaale ahaan  hadaan soo qaato carruurtu markay gaadhaan Pre- school child-ka  markay Intermediate ka ahaadaan ama Elementary ahaadaan  kubad ayey  ciyaaraan inanka  dabashu ku dhacday dharka  iyo kaba ayey u dhiibtaan carruurta kale  isaguna halkaasi ayuu fadhiyaa.
 Su’aal: sidee layskugu gudbiyaa  xanuunka Polio-ada ?
Dr Axmed: Xanuunkan Polio-da saxaarada ayaa marka ugu horaysa  uu ku gudbaa ay tahay  xantafta qofka yar ee buka  ayuu ku gudbaa  markaa labada ugu muhiimsani waa saxarada iyo xantafta  ilmaha kale ku dhacaysa  ayaa ugu muhiimsan , matalan haddii uu ilamaha yari uu Polio qabo oo uu aqal joogo booga ayey ku wada fadhiisanayaan , saxaradu dee gacanta way soo  gaadhaysaa  gacantiina ilmihii ayaa waxa lagu  siinayaa markaa calaamadahaasi xumaad ayuuu yeelanayaa fatiik ayuu noqonayaa ,daal ,  kala daadsan ayuu noqonayaa  marka dambe waxa soo baxaysa xubnaha dareenka dhaq dhaqaajiya xubnihiisa  ayaa soo  diciifaya marka dambe waxaad arkaysaa  gacantiisiiba ilmihii uu soo qaadi kariwaayo  ama marka aad soo qaado ay baldhaq noqonayso  markaa dawo kale ma laha ee Fisiyaratrobi yar ayaa loo sameeyaa  oo duugitaan marka dambena sidaasi ayuu ilmihii ku noqdaa curyaan.
Su’aal: Dr Axmed waxaynu la wada soconaa in ilmaha shan jir ka yar  uun laga tallaalo xanuunka Polio taa macnaheedu ma waxa weeyaan ilmo shan jir ka weyn kuma dhici karo  xanuunkani ?
Dr Axmed: wallaahi kalmadaasi waa kalmad aad u adag way dhici kartaa  dee ilmo lix jir ah ba in uu ilaahay ku keeno  laakiin hadafka ugu weyni ilmaha shanjir ka ah ayuu ku kooban yahay marka la eegayo saynis ahaan ama aqoon ahaa  ee looga bartay shanta sanno ayuu ku kooban yahay  waxii ka weyn kuma dhici karo.
Su’aal: Dhawaan Somaliland waxay iclaamisay in olole lagu qaadayo  ololahaasi mid noocee ah ayuu noqonayaa?
Dr Axmed:  Waxii shaqaale wasaaradda caafimaadka oo dhan heegan ayaa la gelieyey . Heegan kaasi waxa loo geliyey  ilmo kasta oo Somaliland ah oo jooga Somaliland sidii loo gaadhsiin lahaa hadafakayaguna waxa uu ahaa  waanu is qaybinay oo miyi iyo magaalo ayaanu isku kala qaybinay  xataa  haddii aanu baabuur tagaynin  dameero la kaxaysto ama awr la kaxaysto  qoloda buuraha daggan oo kale  la gaadho oo loo tago  taasina waxay keeni kartaa  shaqaale ahaan awooda ama ay wasaaradda caafimaadku u leedahay.
in ay gaadho Somalilad oo dhan  taa haddi la gaadhi
Nimcoayaan/MR
Previous Post

HARGEYSA: KAALINTA ISBITAALKA HAWEENKA EE CIGAAL (WAREYSI)

Next Post

ISBITAALKA AFMADOW OO DAAWO LA`AAN U XIRIMI RABA

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

ISBITAALKA AFMADOW OO DAAWO LA`AAN U XIRIMI RABA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo