Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

MASHAARIIC DIB USOO KABASHADA SOOMAALIYA OO LAGU DHAWAAQAY

Radio Ergo by Radio Ergo
June 14, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
MASHAARIIC DIB USOO KABASHADA SOOMAALIYA OO LAGU DHAWAAQAY
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blankWaxaa Soomaaliya toddobaadkan dhexdiisa looga dhawaaqay wejiga koowaad ee mashaariic ballaaran oo loogu talo galay dib u soo kabashada Soomaaliya, waxaan mashaariicdaas ka wareysannay Maxamed Iidle Sabriye oo ah ku xigeenka agaasimaha ururka iskaashiga islaamka xafiiskiisa Soomaaliya, waxaan marka hore weydiinnay inuu ka warbixiyo waxa ay yihiin mashaariicdan.
J: Mashaariicdan waa ballaaran yihiin, mana aha hal mashruuc waxayna ku saabsan yihiin dib u kabashada iyo horumarinta Soomaaliya. Dowladda Sacuudiga ayaa ugu deeqday Soomaaliya, waxaana rajeynayaa inay dhaqso u bilowdaan.
S: Imisa weji ayaa mashruucan loo kala qeybiyay?
J: Mashaariicdan waxay u kala qeybsan yihiin ilaa 5 weji, waxaana ka mid ah waxbarashada oo la doonayo in iskuullada dib loo soo nooleeyo, dib loo dhiso, dib loo qalabeeyo oo looga shaqeysiiyo, macallimiintii iyo ardaydii dib loo soo celiyo, ayna ka faa`iideystaan arday ka badan 30,000, in ka badan 30 iskuul ayaa wejiga koowaad ee mashruuca ku jira. Waxaa ku jira dayactir isbitaallo, MCH-yo ama goobo caafimaad oo la dhisayo, la qalabeynayo lagana shaqeysiinayo. Beeraha  iyo xoojinta wax soo saarka ayaa ku jira mashaariicdan oo beeralleyda la siinayo dalagyo ay beertaan iyo qalab ay beeraha ku fashaan, in dadka webiyada agtooda deggan la siiyo doomo ay ugu kala gooshaan deegaannada. Xirfado loo abuurayo dhalinyarada shaqo la`aanta ah. Xanaanada agoonta iyo inay dadku helaan waxyaabaha aasaasiga ah ee ay guryaha ku isticmaalaan si dakhligoodu uu u kordho.
S: Marka la dhiso isbitaallada iyo iskuullada, socodsiinta howlahooda mas`uuliyaddeeda adinka miyay idin saaran tahay mise ced kale ayaad ku wareejineysaan?
J: Xafiiskan waxaa hoos yimaada hay`ado badan oo islaami ah oo 40 ka badan, oo mashaariicyo badan oo Soomaaliya loogu talo galay fulintooda lahaa, iyaga ayaana kala macaamili doonnaa iyo maamullada gobollada iyo degmooyinka.
S: Dad badan ayaa aaminsan in lacagaha iyo deeqaha gargaarka ah ee Soomaaliya loogu talo galo aan loo maamulin sidii loo baahnaa, yaa damaanad qaadaya in meeshii la rabay ay maraan mashaariicdan?
J: Ururka iskaashiga islaamka hormuud ayuu ka yahay arrintaas oo wuu kormeerayaa, wuxuu hubinayaa in dadkii mashaariicdan loogu talogalay ay ka faa`iideystaan.
S: Marka ma xaqiijin kartaa in mashaariicdan si dhab ah loo fulin doono?
J: Waxaan hubin doonnaa in mashaariicdan aysan fashilmin oo intaan dhisno aanan ka tegin, oo aan mar walba la soconno ilaa uu cagihiisa ku istaago, ma ahan wax intaan dhisno aan ka tegeyno.
S: Xaggee laga fulinayaa mashaariicdan?
J: Wejiga koowaad waxaa laga fulinayaa gobollada dhexe iyo koofurta, gobollada kale ee dalkana waa la gaarsiin doonaa insha allah.
S: Lacagaha ku baxaya mashaariicdan waa imisa?
J:  Waa 72,000,000 oo doollarka Mareykanka ah, dowladda Sacuudiga ayaana bixineysa, laakiin waxaa loo kala qeybiyay 3 weji. Wejiga koowaad 24 milyan ayaa loogu talo galay in lagu bilaabo, marka mashaariicdaas lagu guuleysto ayaa wejiga labaadna lagu xijin doonaa.
S: Muddo intee la`ek ayuu wejiga kowaad socon doonaa?
J: Muddo hal sano ah ayaan ugu talo galnay in wejiga koowaad lagu soo afjaro.
S: Yaa soo jeediyay in mashaariicdan la fuliyo?
J: Mashaariicdan waxaa soo jeediyay ururka iskaashiga islaamka, waxaana lagu saleeyay baahiyo ay hay`adaha la shaqeeya xafiisku kasoo gudbiyeen Soomaaliya, intaas laguma ekeysiin waa lasii ballaariyay dalabka, haddana wejiga koowaad ayaa bilaabmaya oo waa lagu guuleystay.
S: Natiijada aad ka fileysaan mashaariicdan waa maxay?
J: Waxaan fileynaa in nolosha ay ku nool yihiin dadka danyarta ah ee Soomaalida ay sidan ka wanaagsanaato, in kaabayaasha nolosha dadka la horumariyo, si looga haqab beelo baahiyihii dhanka iskuullada, caafimaadka iyo wax soo saarka beeraha.

S: Gargaarradii Soomaaliya lasoo gaarsiin jiray waxay u badnaayeen cunto iyo waxyaabo kale, marka maxaad u doorateen mashaariicyo noocan oo kale ah?

J: Waxaan dooneynaa inay dadku cagahooda isu taagaan oo aan tusno inay shaqeysan karaan. Soomaalidu waxay ahaayeen dad shaqeysta oo hanti iyo xoolo leh, waxay ahaayeen dad dadka kale gacan qabta oo wax dhiiba, dagaallada sokeeye ayaa sababay baahiyada ka jira dalka, kaabayaashii nolosha dadka ayaa burburay, marka haddii laga dhiso dhinacyadaas wax weyn ayay tareysaa ayan is leeyahay Soomaaliduna way ka bixi karaan gacan hoorsiga.
Yuusuf Keynaan/FM
Previous Post

200 Qoys oo dib ugu barakacay garoowe kadib markii dab baab’iyey kaam ajuuran oo ay degganaayeen

Next Post

Barakacayaal ku tabaaleysan Jannaale

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Barakacayaal ku tabaaleysan Jannaale

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo