Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

200 Qoys oo dib ugu barakacay garoowe kadib markii dab baab’iyey kaam ajuuran oo ay degganaayeen

Radio Ergo by Radio Ergo
June 13, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Dambaska ka haray cooshadihii gubtey/Sawir/Cabdiraxmaan/Ergo

Afar carruur ah oo da,doodu ka yartahay 8 sano  isku qoys ah ayaa ku geeriyooday, waxaana ku gubtay 225 guri oo kuwa cooshadaha ka sameysan ah kadib dab xooggan oo ka kacay xerada Kaam Ajuuraan ee magaalada Garoowe, xeradaan oo ay ku nool yihiin dad ka soo barakacay abaaraha iyo colaadaha gobollada koonfureed ee dalka, dabka ayaa ku qasbay 200 oo qoys inay dib usii barakacaan.

Aadan Mukhtaar oo ku jira guddiga kaamka oo la hadlay raadiyo Ergo ayaa wuxuu sheegay “Booliskii ayaa na soo gaaray dabku wuxuu kacay goor barqo ah 9:30,  ma garan karno wuxuu ka bilowday balse waa naloo soo gurmaday, wax kastana way dhammaadeen oo waad u jeeddaan dab damiskii ayaa weli howsha ku jira dadkii oo dhanna way ka qeyb qaateen howshaan masiibada ah ee meesha ka dhacday, arrin ka timid xag Rabbi”.

Nuuraani Siciid oo ah Aabbaha dhalay carruurta isku qoyska ah ee dabka ku gubtay ayaa isna raadiyo Ergo u sheegay inay ka maqnaayeen guriga oo ay magaalada u shaqo tageen” Saddex gabdhood iyo wiil ayey ahaayeen, waxaan aruurinayaa meydkoodii hadda oo aad u jeeddaan, guriga ayaa ku xirnaa aniga shaqo ayaan ku maqnaa hooyadoodna iskuul dhammaantood way dhinteen”, ayuu yiri Nuuraani.

Gaadiidka dab damiska iyo laamaha booliska ee Garoowe ayaa si dhaqso ah u gaaray goobta dabku ka kacay, iyagoo qeyb weyn ka qaatay in la bad baadiyo guryihii kale ee dadka barakacayasha, sidoo kale booliska ayaa baaris ku sameeyey sababta keentay in dabkaasi koco balse wax natiijo ah ilaa hadda lagama soo saarin, waxaana jira dabayl xagaa daran xilli uu Kaam ajuuraan ku yaallo meel bannaan ah oo ka tirsan Garoowe.

“ Howsha dab damiska horey ayaan ka ka bilownay aad ayaan ugu dadaalnay inaan badbaadinno meelaha kale ee kaamka ka mid ah ee uusan dabku gaarin, waa arrin adag oo xaalad cusub iyo nolol adag ku ah dadka barakacayaasha ah ee halkaan deggan, ganacsatada, maamulka, hay,adaha iyo dadka rayidka ah waxaan ka codsanaynaa in ay dadkan u gargaaraan” ayuu yiri Qaasim Cabdi oo ah xoghayaha dowladda hoose ee Garoowe.

Dhowr jeer oo hore ayaa maamulka iyo hay,adaha taageera barakacayaasha waxay digniin ku aaddan dhibaatooyinka dabka ee waqtiga xagaaga ay u jeediyeen dadka deggan Kamamka, 200 oo qoys in ka badan ayaa haatan barakacay oo dulsaar ku ah dadka dariska la ah guryahoodii gubtay  kuwa kalena waxay la nool yihiin dadka deggan xeryaha Jowle ee duleedka Bari ee Garoowe.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji.

Previous Post

OLOLAHA TALLAALKA CUDURKA DABEYSHA OO MAANTA MUQDISHO KA BILAABMAYA

Next Post

MASHAARIIC DIB USOO KABASHADA SOOMAALIYA OO LAGU DHAWAAQAY

Related Posts

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

July 31, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

July 23, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar

July 14, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Next Post
MASHAARIIC DIB USOO KABASHADA SOOMAALIYA OO LAGU DHAWAAQAY

MASHAARIIC DIB USOO KABASHADA SOOMAALIYA OO LAGU DHAWAAQAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-JUL-2026

IDAACADDA 30-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-JUL-2026
July 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-JUL-2026
July 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-JUL-2026
July 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-JUL-2026
July 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-JUL-2026
July 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo