Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

OLOLAHA TALLAALKA CUDURKA DABEYSHA OO MAANTA MUQDISHO KA BILAABMAYA

Radio Ergo by Radio Ergo
June 12, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWaxaa maanta gobolka Banaadir ka bilaabmaya ololaha tallaalka cudurka dabeysha oo dhammaan dadka laga tallaalayo. Dr Cabdikariim Caseyr Cali oo ah khabiir cudurka dabeysha ku takhasusay isla markaana ah la taliyaha waaxda caafimaadka ee wasaaradda adeegga bulshada dowladda Soomaaliya ayaan ka wareysannay qorshaha tallaalkaas iyo ujeeddada laga leeyahay.

S: Marka hore faahfaahin naga sii sida uu ku socdo qorshaha tallaalka dabeysha?

J: Qorshaha wuxuu bilaabmayaa maanta oo bishu 12ka Juun tahay wuxuuna socon doonaa ilaa 18ka, waxaa loogu talogalay in dhammaan degmooyinka gobolka laga fuliyo. Markii hore waxaa la tallaali jiray carruurta 5ta sano ka yar, balse hadda dadka waaweyn xitaa waa la tallaalayaa.

S: Gobolka Banaadir mooyaane xaggee kale uu tallaalku ka bilaabmayaa maanta?

J: Gobolka Banaadir keliya ayuu ka bilaabmayaa maanta, waxaa si horudhac ah lagu bilaabay madaxda dalka, sida madaxweynaha iyo raysal wasaaraha oo dhibcaha tallaalka cudurka dabeysha la siiyay, si dhiirri gelin ay dadka ugu noqoto.

S: Markii hore carruurta keliya ayaa dabeysha laga tallaali jiray, maxaa imika keenay in dadka waaweyn la tallaalo?

J: Waxaa la arkay carruur 12jir ah oo cudurku ku dhacay, marka carruurta yaryar wuu ka tegay oo waxaan aragnay in dadka waaweyn uu ku dhici karo. Dalka Congo dad waaweyn buu ku dhacay cudurka dabeysha, qaarkoodna way u dhinteen.

S: Hadduu maanta tallaalku ka bilaabmayo gobolka Banaadir, sidee baad u qorsheyseen howshiisa?

J: Kooxo 1,000 kor u dhaafaya ayaa fulinaya howsha tallaalka, dhammaan dadka waaweyn iyo yaryarba waa la tallaalayaa.

S: Ma is leedahay muddada 6da maalmood ah waa lagu dhammeyn karaa tallaalka gobolka, tiro intee la`ek baase idin qorsheysan in la tallaalo?

J: Ma dhihi karo dadkoo dhan waa la wada tallaalayaa, laakiin intiiba uu jiro qof aan la tallaalin cudurkuna wuu sii jiri karaa.

S: Magaalada Muqdisho marar badan ayaa tallaalka cudurka dabeysha laga fuliyay, carruurtii hore loo tallaalay mala tallaalayaa, mise kuwa aan hore u qaadan baa xoogga la saarayaa?

J: Labadaba waa la tallaalayaa, haddii lagu celceliyo tallaalka qofka difaaciisa unbaa kordhaya mooyee wax dhib ah uma keeneyso.

S: Maxaa caqabado ah oo aad is leedihiin waad kala kulmi kartaan howsha tallaalka?

J: Caqabado badan ayaa jiri kara. Dadka qaar ayaa loo sheeko xumeeyay oo aaminsan in qofka tallaalka qaata uusan ilmo dhaleynin, waxay is weydiiyaan maxaa keenay in tallaalka guryaha naloogu keeno waatii loo doonan jiray goobaha caafimaadka. Balse inta uu jiro qof aan tallaalka qaadan wuu sii jirayaa cudurka. Dhibaatada ugu badan waxay ka jirtaa bartamaha iyo koofurta dalka, Puntland iyo Somaliland hannaan wanaagsan ayay leeyihiin oo carruurta lagu gaari karo. Markaad eegto gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe way yaraaneysaa tirada la tallaalayo caqabado jira awgood. Waxaan la kulannay culumada oo aan u sheegnay inay soo saaraan fatwo ku saabsan waxa ay diinta ka qabto tallaalka maaddaama tallaalku yahay xalaal, waxaase jirta caqabad ah inay culumada laftigoodu kala qeybsan yihiin.

S: Sow ma wanaagsaneyn in wacyi gelinta bulshada lasii bilaabo intaan tallaalku bilaaban, hadda maxay soo kordhineysaa ayay kula tahay inaad culimada la kulantaan?

J: Wacyi gelinta way socotaa, madaxda dowladda sababta tallaalka ay u qaateen waxay ka mid tahay in bulshada lagu wacyi geliyo inaan keligood la tallaaleynin. Waxaa kale oo jira wacyigelinno ka socda raadiyeyaasha iyo TVyada, laakiin qofka inuu wacyigelinta ku dhaqmo waqti ayay qaadaneysaa.

S: Maxaa idiinka qorsheysan sidii tallaalka lagu gaarsiin lahaa goobaha aysan dowladdu maamulin, sida gobollada Bay, Bakol, Shabeellooyinka iyo Jubbooyinka, goobahaas oo helitaanka adeegyada caafimaadka ay adag yihiin?

J: Qorshaha way ku jiraan gobolladaas, mar walbase meesha uu ka bilowday cudurka ayaa habboon in la xoojiyo. 12 kiis oo cudurka dabeysha ayaa Soomaaliya laga helay, Xamar keliya 10kiis ayaa laga helay, marka waxaa dhici karta in cudurku uu ka fido Muqdisho, waxaa jooga Muqdisho barakacayaal badan oo xaaladdooda caafimaad aysan wanaagsaneyn, marka si uusan cudurka uga sii gudbin muhiimadda ayaan siineynaa.

S: Goormaa kiisaskan la helay, xaggeese laga kala helay?

J:  10ka kiis ee magaalada Muqdisho waxaa laga helay degmada Deyniile 2kiis baa laga helay, Xamar jajab 2kiis, Madiino 1kiis, Heliwaa 1kiis, Hodan 2kiis, Xamarweyne 1kiis, Dharkenley 1kiis, 2da kiis ee kalena waxaa laga helay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

S: Maxaad ka rajeyneysaa ololahan tallaalka, maxaase farriin ah oo aad gaarsiineysaa bulshada?

J: Ilaahay idinkii waxaan rajeynayaa in dadku oggolaadaan tallaalka oo dad badan laga tallaali doono gudaha Xamar, maaddaama madaxdii dowladda ay bilaabeen oo la siiyay tallaalka. Farriinta aan dadka gaarsiinayo waa in waalidka keliya uusan ku filneyn in ilmihiisa uu tallaalo, balse deriskaaga  hadduusan ilmihiisa tallaalin kuwaagana khatar ayay ugu jiraan in cudurka dabeyshu ku dhaco, waxaan ku boorrin lahaa dadka inay hubiyaan in deriskoodana ay tallaaleen carruurtooda.

MH/FM/AM

Previous Post

NAAFO KA FAA`IIDEYSTAY FURSADO SHAQO ABUUR

Next Post

200 Qoys oo dib ugu barakacay garoowe kadib markii dab baab’iyey kaam ajuuran oo ay degganaayeen

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

200 Qoys oo dib ugu barakacay garoowe kadib markii dab baab’iyey kaam ajuuran oo ay degganaayeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo