Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

NAAFO KA FAA`IIDEYSTAY FURSADO SHAQO ABUUR

Radio Ergo by Radio Ergo
June 12, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank120 qof oo naafo ah kuna nool magaalada Muqdisho ayaa ka faa`iideystay fursado shaqo abuur ah oo ay u sameysay hay`adda African educational  trust ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska.

Fursadahan shaqo abuur ayaa naafada loo soo marsiiyay machadka horumarinta naafada Soomaaliyeed, iyadoo xirfadaha la barayo ay ka mid yihiin cilaan-saarka, harqaanka, iyo cilad bixinta moobaylada.

Cabdulla Xuseen oo ah madaxa machadkan ayaa Ergo u sheegay inay rajeynayaan in muddo 3sano ay 2,700 oo naafo ah ay xirfado ay ku shaqeystaan baraan, iyagoo gacan ka helaya hay`adda Africa educational trust.

“Dadka naafada ah badankood ma heystaan shaqo, mana moodaan xitaa inay shaqeysan karaan. Waxaan rajeynayaa hadda in mustaqbalkooda ay horumarin doonto shaqo abuurkan. Waxaan ku dhiirri gelinayaa qof walboo naafo ah inuu ka faa`iideysto fursadahaan.” Ayuu yiri Cabdulla.

Dadkan naafada ah ayaa isugu jira kuwo dhega l`, indho la`, qaar gacmaha ama lugaha ka go`an kuwaasoo ay waxyeelladu kasoo gaartay dagaalladii dalka ka dhacay, sida uu Cabdulla sheegay.

Naafada ayaa qaarkood mooda inaysan shaqeysan Karin oo aysan dadka la mid ahayn, Luul Osman oo baraneysay xirfadda harqaanka ayaa sheegtay in markii hore aysan qaban jirin wax shaqo ah oo ay guriga iska joogtay, balse hadda xirfaddan ay heshay ay niyadeeda wanaajineyso isla markaana ay ku faraxsantahay. “Waxaan hadda noqonayaa qof shaqeysanaya oo dadka kale la mid ah, waxaan ka helo shaqadaan waxaan ku caawin doonaa waalidkey oo ah qoys dan yar.” Ayay tiri Luul.

Xasan Macallin oo ah aabbe leh 4carruur ah, wuxuuna la`yahay lugta midi goo dagaalladii dalka uu ku beelay, wuxuu sheegay inuusan hore u shaqeyn jirin isla markaana ay ku adkeyd helidda nolol maalmeedka qoyskiisa, waxaana hadda la baray xirfadda harqaanka. “Nolosheyda hadda wax weyn ba iska beddelay wax baan bartay hadda, waxaan rabaa inaan meel yar furto oo aan ku shaqeyso kadibna carruurteyda ayaan ugu xamaalayaa.”

Cabdulla Xuseen ayaa sheegay in tiradan fursadda ka faa`iideystay ay yihiin tiro yar, balse ay rajeynayaan inay dad badan wax bari doonaan mustaqbalka. Wuxuuna ugu baaqay dadka naafada ah inay niyaddooda ka saaraan inaysan dadka la sinneyn, oo ay machadka yimaadaan isla markaana ay ka faa`iideystaan fursaddan shaqo abuurka ah ee lacag la`aanta ah.

Cabdulqaadir Cabdulle/FM/AM

Previous Post

DHALINYARADU MAXAY KA BARAN KARTAA SYL?

Next Post

OLOLAHA TALLAALKA CUDURKA DABEYSHA OO MAANTA MUQDISHO KA BILAABMAYA

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

OLOLAHA TALLAALKA CUDURKA DABEYSHA OO MAANTA MUQDISHO KA BILAABMAYA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo