Ururka haweenka gobolka Waqooyi bari ee Kenya ayaa soo dhoweeyay hadalkii madaxweynaha uu ku sheegay in daryeelka dhalmada haweenka laga dhigay lacag la`aan dhammaan isbitaallada dowladda ee dalka laga bilaabo 1da Junn sanadkan.
Sahra Cali Shuuriye oo ah madaxa ururka haweenka ee maendeleo ya wanawake ee gobolka Waqooyi bari ayaa sheegtay inay jiraan haween badan oo tabar yar oo aan iska bixin Karin lacagta dhalmada ee isbitaalka oo ku dhala umuliso xaafadeedyada, balse haatan taas laga reysanayo.
“Waan uga mahad celineynaa madaxweynaha hadalkaan farxadda ah, haweenka miyiga dhib weyn ayay ku qabeen helitaanka adeegyada daryeelka dhalmada, qaarkood ayaa u dhintay daryeel la`aan, sababtoo ah ma heystaan lacag ay ku yimaadaan isbitaalka guud ee degmada Gaarissa.” Ayay tiri Sahra.
Tirakoob adeegyada caafimaad oo guud ahaan dalka Kenya laga sameeyay sanadkii 2010kii ayaa lagu sheegay in gobolka Waqooyi bari Kenya uu yahay gobolka ay ka dhacdo dhimashada ugu badan ee dhalmada la xiriirta. Warbixinta ayaa muujisay in 100,000 ee dhalmo ay inta u dhaxeysay 1,000 ilaa 1,200 oo haween ay xilliga dhalmada ugu dhintaan gobolka Waqooyi bari.
“Taas waxaa sababtay isbitaallada way ku yaryihiin gobolka, dadka gobolka qaarkood waa reer guuraa oo isbitaal ma haleelayaan, qaarkoodna maba oga muhiimadda uu isbitaalku leeyahay, waxaa kaloo sabab u ah gudniinka fircooniga.” Ayay markale tiri Sahra.
Si loo yareeyo dhimashada ka dhalata dhalmada, Sahra ayaa ugu baaqday haweenka Waqooyi bari inay joojiyaan ku dhalidda guryaha oo ay sheegtay inay haliso badan oo caafimaad ay uga iman karto dhimashana ay ka dhalan karto.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ballanqaadkiisan uu sameeyay mar uu ka hadlayay munaasabadda maalinta ay Kenya xornimada qaadatay ee 1da Juun wuxuu ka mid yahay ballanqaadyadii uu dadka Kenyaanka ah u sameeyay intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada madaxtinimada uu ku guuleystay xisbigiisa Jubilee bishii Maarso sanadkan.
Samsam Cabdikariin/FM/AM












