
Dawladdu waxya qorsheyneysa iney dib u dejiso kumanaan kun oo barkacayaal ah oo ku sugan xeryaha barkacayasha ee magaalada Muqdishu, iyadoo qorsheyneysa iney si kumeel gaar u dejiso meel aan u dheereyn magaalada Muqdisho. Waa waqti fog muddad ay qaadaneyso in dadkaas dib loogu celiyo meelahoodii hore oo ay hore uga soo kicitimeen. Raadiyo Ergo wuxuu sahan ku sameeyay aragtida qaar ka mid ah barakacayaasha . Weriyaha raadiyo Ergo Cabdulqadir Mohamed Cabdulle ayaa wuxuu wareysatay bishii Abriil 2013 si loo ogaato waxay dadku ka og yihiin qorshan.
Wareysigiina sidan ayuu u dhacy:
Wareysiga 1aa.
Magaca: Xassan Ibraahim Maxame, deggan jaamacadaha gaar ahaan jaamacadda Gahayr wuxuuna qoyskiisu ka kooban yahay 7 qofood.
S. Ma la socotaa qorshaha dawladda ee dib u dejinta?
Xasan: Qorshaha dowladda waxyaalo aan meelaha ka maqmaqley maahane wax intaa noola imaaday oo laguna dhahay waaniila raraa oo waxaa liina gaynaa meelihii aad ka timaadeen ama magaalada hareeraheeda qof na tiri malaha.
S. Maxaad jeclaan lahayd inaad ogaatid?
Xassan: Waxaan jeclaan lahaa in aan ka ogaado haddii nala raraayo oo waddankayne nagula celinaayo waxaan jeclaan lahaaa wixii aan ku noolaan lahayn mese wixii nagu filan ilaa intii aan beerahayna ka samaysanayno kolayna xoola nooma jiraan halkaase.
S. Maxaa welwel ah ee maskaxdaada ku jira lana xiriira dib u dejinta?
Xasan: Waxaa wel wel ah oo maskaxdeyda ku jira haddii aan kuu sheego haddii niila raro oo waddankii niigula celiyo ma wax idinku filanna niila siin doona mase meelahaasi ayaa niigula firdhindoonaa xamar duleedkiisa haddii niigula firdhiyo ayaa niigala soo laabandoonaa inta meesha niila geeyo wel welkaasi ayaa nagu jira.
S. Ma jeclaan lahayd inaad dib ugu laabato halkii aad awal ka timid iyo gurigaagii? Mase
Ma waxaad iska rabi lahayd inaad ku negaato xeryaha barakaca?
Xassan: Waxaan jecel nahay in aan ku noolaado xerada barakaca sababta oo ah meeshii aan ka nimid nabadgelyo kama jirto oo waxaan ka nimid Bakool haddana nabad kama jirto Bakool marka waxaan jeclaan lahaa in aan iskaga noolaado xerada barakaca.
S. Haddii aad aadid gurigaagii hore, maxaa kaalmo ah oo aad jeclaan lahayd inaad ka heshid dawladda, hey`adaha gargaarka si aad noloshaadii dib ugu habeysadtid?
Xassan: Koleey inta qoyskayga ka kooban yahay ayagaba waa ujeedaan wixii nagu filan ama ku nagaan karno way ujeedaan marka iyagaba arki karo marka wixii bilo aan ku moodi karno haddii ay nasiinayaan waan jeclaan lahaa.
Wareysiga 2aad
Magagac: Xaawa Caliyow Nuurow oo deggan degmada Hoadan xero ku taalla, waa qoys ka kooban 4 carruur ah iyo hooyo iyo aabe.
S. Ma la socotaa qorshaha dawladda ee dib u dejinta?
Xaawa: Wax aan ka ognahay malaha waayo wax na dhahay oo wax noosheegay malaha oo dowladda ka socda ama hay’ad ka socda oo na dhahay arrintan.
S. Maxaad jeclaan lahayd inaad ogaatid?
Xaawa: Dib u dajinta haddii nala raro oo nala noqo oo hay’adda gar gaarka naqaado in meel nagula daadiyo sida qashin qubka diyaar uma nihin.
S. Maxaa welwel ah ee maskaxdaada ku jira lana xiriira dib u dejinta?
Xaawa: Maskaxdayna waxaa ku jira wax ma niila siindoona mase meel aaya niigula daadidoonaa taasi ayaa ka welwel sanahay oo maskaxdayda kujira hadda.
S. Ma jeclaan lahayd inaad dib ugu laabato halkii aad awal ka timid iyo gurigaagii? Mase waxaad iska rabi lahayd inaad ku negaato xeryaha barakaca?
Xaawa: Xerada aan ku noolahay wax laygu siiyo malaha marka haddii laygaynayo oo wax laygu siinayo meeshii aan ka imid waan rabi lahaa haddiiba aan helayo gar gaar laygu siinayo.
S. Haddii aad aadid aadid gurigaagii hore, maxaa kaalmo ah oo aad jeclaan lahayd inaad ka heshid dawladda, hey`adaha gargaarka si aad noloshaadii dib ugu habeysadtid?
Xaawa : In ay noo awoodaan ayaan u baahanay in ay nasiiyaan hay’adaha gar gaarka iyo dowladda in ay nasiiyaan marka taasi ayaan rabi lahayn.
Wareysiga 3aad
Magaca :Safiyo Xaaji oo deggan xero barakac oo ku taalla degmada Boondheere waana hooyo haysata carruur agoon ah oo ka kooban 5.
S. Ma la socotaa qorshaha dowladda ee dib u dejinta?
Safiyo Xaaji: Waa la sheegayay, wax noo yimaaday majirto, marka dadka kaamka deggan waxay iska aadaan shaqooyin subixii, marka waan iska quusannay mana jirto cid wax noo sheegtay oo dowladda ah.
S. Maxaad jeclaan lahayd inaad ogaatid?
Safiya : Waxaan rabaa in meesha aan fadhiyo oo aan degganahay laygu ogaado oo laygu haayo, taasi ayaan rabaa in aan ka ogaado.
S. Maxaa welwel ah ee maskaxdaada ku jira lana xiriira dib u dejinta?
Safiyo: See lagu noolaanaa ayaan ku fikirayaa, carruurta agoonta ayaan ka fikirayaa roob ayaa da`aya, waxaan ka fikirnaa nolosha reerka iyo roobka hadda da`ayo, waayo waxaan haysan baco, marka taasi ayaan ka welwelsanahay.
S. Ma jeclaan lahayd inaad dib ugu laabato halkii aad awal ka timid iyo gurigaagii? Mase waxaad iska rabi lahayd inaad ku negaato xeryaha barakaca?
Safiya :Meeshaan in laygu nooleeyo taasi ayaan rabi lahaa.
S. Haddii aad aaddid gurigaagii hore, maxaa kaalmo ah oo aad jeclaan lahayd inaad ka
heshid dowladda iyo hay`adaha gargaarka, si aad noloshaadii dib ugu habeysatid?
Safiya: Haddii ay isiinayaan gaari aan ilmahayga ugu xamaasho oo raashin isiinayaan waan aadaa ilmahayga waa ogaan waxaan ahay agoonleey.
Wareysiga 4aad
Magaca : Maxamed Cabdi wuxuu deggan yahay degmada Wardhiigleey/Warta Nabadda qoyskiisa wuxuu ka koobanyahay 9 qofood, wuxu ka soo barakacay magaalada Marka, wuxuuna degan yahay xaruntii warshaddii dharka ee Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Siinaay.
S. Mala socotaa qorshaha dowladda ee dib u dejinta?
Maxamed Cabdi: Kolley qorshahaasi dowladda Soomaaliya ayuu u yaallaa cidkasta oo meel degganna dowladda Soomaaliya ayaa laga rabaa inay meel dajiso oo looga baahan yahay damaanadqaad inay u samayso.
S. Maxaad jeclaan lahayd inaad ogaatid?
Maxamed Cabdi: Waxaan jeclaan lahaa inaan ka ogaado sida ay dowladdu ugu talagashay barakacayaasha ama hay`adaha siday rabaan.
S. Maxaa welwel ah ee maskaxdaada ku jira lana xiriira dib u dejinta?
Maxamed Cabdi: Waxaa welwel ah oo maskaxdayda ku jira wax dadka meesha jooga uu yahay dad dhibaataysan ilaa iyo haddana aysan dib u dejinta na soo gaarin, waxaa kaloo aan walaac xooggan ka qabnaa in booliis meesha aan degannahay ay na amrayaan in aan meesha ka guurno, taasi ayaan ka walaacsannahay.
S. Ma jeclaan lahayd inaad dib ugu laabato halkii aad awal ka timid iyo gurigaagii? Mase
waxaad iska rabi lahayd inaad ku negaato xeryaha barakaca?
Maxamed Cabdi: Meeshaan ka soo guurnay waxaan ku ahayn xoolo dhaqato, haddii xoolihii naga ba`een waxaan diyaar u nahay meeshii dowladdu noogu talagashay iyo weliba hay`adaha samafalka,
S. Haddii aad aaddid gurigaagii hore, maxaa kaalmo ah oo aad jeclaan lahayd inaad ka heshid dawladda iyo hey`adaha gargaarka si aad noloshaadii dib ugu habeysadtid?
Maxamed Cabdi: Waxaan jeclaan lahaa meeshii noogula talagalay, aniga oo dhaqankaygu yahay xoolo dhaqato sidii aan hore kuugu sheegay.
Wareysiga 5aad
Magaca: Ibraahim Yarow Ibraahim Yaasiin oo deggan degmada Wardhiigleey dhabarka dambe ee dugsigii sare ee 15ka May oo qoyskiisa ka koobanyahay 6 qofood, wuxuuna ka shaqeeeyaa qodidda godka khashinka.
S. Ma la socotaa qorshaha dowladda ee dib u dejinta?
Ibraahim: Wax aan kala socodo ma jirto cid noo timaaddayna majirto oo na su`aashay.
S. Maxaad jeclaan lahayd inaad ogaatid?
Ibraahim: Qorshahaasi waxaan rabi lahaa in la ii yimaado oo wax layga waydiiyo oo la i kormeero, dadka wax dhiibayana ii yimaadaan sidaasi ayaan rabi lahaa.
S. Maxaa welwel ah ee maskaxdaada ku jira lana xiriira dib u dejinta?
Ibraahim: Arrinta dib u dejinta wax welwel ah iguma hayso, waxaa welwel igu ah inaan helo baco iyo gargaar taasi ayaan ka welwelaa marwalba, aniga marka taasi ayaa maskaxda ku hayaa.
S. Ma jeclaan lahayd inaad dib ugu laabato halkii aad awal ka timid iyo gurigaagii? Mase waxaad iska rabi lahayd inaad ku negaato xeryaha barakaca?
Ibraahim: Xerada ayaan aniga jeclahay inaan ku noolaado, waxaan ku laabto ma haysto, marka waxaan codsanayaa gargaar, waxaana joogayaa xerda barakaca ee aan ku noolahay hadda.
S. Haddii aad aaddid gurigaagii hore, maxaa kaalmo ah oo aad jeclaan lahayd inaad ka heshid dowladda iyo hay`adaha gargaarka si aad noloshaadii dib ugu habeysadtid?
Ibaraahim: Haddii aan aniga laabto waxaan rabi lahaa wax ku filan awlaaddeyda iyo aniga, marka wax nagu filan ayaan rabi lahaa in aan helno, marka wax noo imaaday oo noo sheegay malaha aniga iyo awlaaddeyda ayaa isku dhibban oo waan baahannahay, laakiin haddii aan helayno wax nagu filan waan rabnaa.
Dhammaad.









