Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

GEDO: 120 KUN OO CARRUUR AH OO LAGA TALLAALAY CUDURKA DABAYSHA

Radio Ergo by Radio Ergo
June 20, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankSaraakiisha iyo Howlwadeennada qeybta caafimaadka hay,adda WHO ee gobolka Gedo ayaa warbixin ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in carruur tiradoodu ay gaareyso 120kun oo carruur ah, da’dooduna ay ka yartahay ilaa toban sano in ay ka talaaleen cudurka Dabeysha shantii maalmood ee la soo dhaafey, ololahayaan ayaa ka fuliyeen degmooyinka Garbahaarrey, Luuq, Ceelwaaq, Doolow, Baladxaawo, Geedweyne iyo weliba dhamaan tuulloyinka hoos yimaad degmooyinkaasi.

Isuduwaha xafiiska Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO xafiiskeeda Gedo Maxamed Sheekh Cali ayaa idaacada Ergo u sheegay in howsha fulinta tallaalka ee gobolka ay qeyb ka tahay ololaha looga hortago cudurka Dabeysha, oo dhowaan la soo sheegay 19 kiisas carruur qabta Dabeysha oo lagu arkey deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cali ayaa intaasi ku darey barnaamijka tallaalka in ay barbar socdaan wacyigelinta hooyooyinka loo sameynayo oo la xariirta nadaafadda, baritaanka cudurka Jadeecada. Maxamed Sheekh Cali wuxuu sidoo kale sheegay in dadka laga wareysanayo cudurka Dabeysha si loo helo xog ku saabsan in cudurkaas dalka ka dhamaaday iyo siday dadku ugu baraarugsanyihiin.

“Caasho Maxamed  oo ah hooya deggan degmada Luuq oo saddex carruur ah oo ay dhashay ka tallaashay Dabeysha ayaa ku boorrisay in hooyooyinku carruurtooda tallaalaan si caarruurtoodu uga nabad-gasho cudurka Dabeysha.

Caasha ayaa intaa ku dartay in dagaallada gobolka ka dhaca iyo barakaca ay sabab u noqdeen in carruurtu si joogto ah u helin tallaalada cudurrada lixda ee dilaaga ah.

Fulinta barnaamijka tallaalka Dabeysha looga hortago ee gobolka Gedo ayaa waxaa iska kaashaday hay’adaha caafimaada adduunka ee WHO iyo  UNICEF. Waxaa mashruuca tallaalka fuliyay shaqaalo si tabarrucaad ah ku shaqeynayay oo gaaraya 500 oo qofood oo ka yimid degmooyinka gobolka.

Waana marki afaraad mudo 6 bilood gudahooda ah oo talaalka cudurka dabeysha ah laga fuliyo inta badan degmooyinka Gobolka Gedo.

Saalixi/MH

Previous Post

Dhadhaab: qaxootiga oo helaya waxbarasho jaamacadeed iyo xirfaddo oo lacag la’aan ah

Next Post

BARAKACAYAAL KU SUGAN MUQDISHO OO KA HADLAY QORSHAHA DOWLADDA EE DIB U DEJINTA

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
BARAKACAYAAL KU SUGAN MUQDISHO OO KA HADLAY QORSHAHA DOWLADDA EE DIB U DEJINTA

BARAKACAYAAL KU SUGAN MUQDISHO OO KA HADLAY QORSHAHA DOWLADDA EE DIB U DEJINTA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo