Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: qaxootiga oo helaya waxbarasho jaamacadeed iyo xirfaddo oo lacag la’aan ah

Radio Ergo by Radio Ergo
June 18, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Ardayda qaar ka mid ah dugsiyada xeryaha Dhadhaab/Sawir/Farxaan Lafoole

Kumanaan qaxooti Soomaali ah oo ku nool xeryaha Dhadhaab oo ay adag tahay in laga helo waxbarasho jaamacadeed iyo dugsiyo lagu barto xirfado shaqo ayaa ka faa’iideysanaya mashruuc deeq waxbarasho iyo xirfado ah oo xeryaha laga bilaabay.

2450 qof oo ay da’doodu u dhaxeyso 18 ilaa 59 sano ayaa ka faa’iideysan doona mashruucaan oo ay maalgalisay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay oo sanad socon doona.

Muuse Cabdi Xasan oo ku nool xerada Dhagaxleey ee deegaanka Dhadhaab ayaa ka mid ah dad ka badan 1087 qof oo tababar xirfado shaqo ah ka helay mashruuca oo bilowday bishii Jannaayo ee sanadkan. Dadkan oo wayeel u badan isuguna jira haween iyo rag ayaa baranaya farsamada xarqaanka, Cillaan-saarka iyo xirfado kale.

Muuse ayaa ka bartay mashruuca oo ay fulinayso hay’adda qaxootiga u qaabilsan dowladda Denmark farsamada naqshadeynta iyo tolliinka dharka.

Muuse Cabdi Xasan oo 50 sano jir ah oo afartii sano ee lasoo dhaafay kula noolaa qoyskiisa oo ka kooban lix caruur ah iyo hooyadood xeryaha Dhadhaab horey uma helin fursad waxbarasho iyo mid xirfadeed toona. Muuse oo ah gaari-gacanle ka xoogsada xeryaha Dhadhaab ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in ugu dambeyn uu leeyahay xirfad uu ku shaqeynsan karo, oo uu ka heli karo nolol maalmeedka qoyskiisa.

Muuse Cabdi Xasan ayaa ku hanweyn inuu helo xarqaan u gaar ah oo ku shaqeysto si uu uga nasto shaqada dhibta badan ee xamaaliga oo aan mustaqbal dheer usii laheyn. Muuse ayaa sidoo kale Ergo u sheegay inuu hadda ka kaaftoomi karo ku tiirsanaanta gargaarka cunto ee laga sugo hay’adaha gargaarka.

Isaaq Maxamed Garaad oo ah madaxa dhinaca arrimaha nolosha ee xafiiska xeryaha Dhadhaab ee guddiga qaxootiga u qaabilsan dowladda Denmark ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in dad kale oo qaxooti ah oo ku dhow 1500 oo dhameeyay waxbarashada dugsiga sare la siinayo fursado waxbarasho jamaacadeed oo lacag la’aan ah.

Dadkaas ayaa loo diri doonaa jaamacadaha Kenya ku yaal, halka qaarkoodna xarumo waxbarasho looga furayo gudaha xeryaha oo ay wax ku bari doonaan macalimiinta jaamacadaha Kenya ka socda.

Afartan boqolkiiba dadka ku nool xeryaha Dhadhaab ee da’doodu u dhaxeyso 18 ilaa 59 sano ma haystaan wax shaqo ah sababtoo ah ma leh xirfad iyo aqoon ay ku shaqeysan karaan. Si kastaba, konton boqolkiiba dadka ka faa’iideysanaya mashruuca waa haween.

 

Muxyadiin Axmed Roble/AM

Previous Post

FAA’IIDADA WAXBARASHADA EE HAWEENKA

Next Post

GEDO: 120 KUN OO CARRUUR AH OO LAGA TALLAALAY CUDURKA DABAYSHA

Related Posts

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 23, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

GEDO: 120 KUN OO CARRUUR AH OO LAGA TALLAALAY CUDURKA DABAYSHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo