
Dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Raage Ugaas oo ku yaalla degmada Waaberi waxaa lagu soo kordhiyay qeyba waxbarashada haweenka waaweyn bishii Apriil ee sanadkan, ilaa iyo haatanna waxaa iska soo diwaan geliyay oo wax ka barta haween gaaraya 200, sida maamulka iskuulkaas uu Ergo u sheegay.
Xaliimo Maxamed Shariif oo haweenkaasi ka mid ah waxay kusoo biirtay iskuulka muddo bil kahor, waxayna sharxeysaa waxa iska beddelay nolosheeda “Waxaan bartaa farta Soomaaliga iyo xisaabta, intaas haddaan barto wax weyn bey ii tahay, kadibna waxbarashada caadiga ah ayaan bilaabayaa ilaa aan dugsiga sare dhammeeyo.” Ayay tiri Xaliimo.
Saynab Aadan Cusmaan waxa ugu yar ee ay faa`iidday waxay ku sheegtay inay haatan telefoonkeeda ay dirsan karto, fahmina karto qofka soo wacaya isla markaana ay farriimaha aqrisan karto oo ay qori karto, “Fursad uma helin waxbaarsho markeygii hore oo ilmo korin ayaan ku jiray, balse hadda ayaan usoo jeestay, waxaan ku faraxsanahay in farta Soomaaliga aan hadda bartay, mustaqbalkana inaan xafiisyada shaoq ka helo ayaan rajeynayaa.” Ayay tiri hooyo Seynab.
Guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed Canab Xasan Cilmi ayaa qabta in haweenka wax bartay si weyn looga faa`iiday laguna baxsaday intuu dalka uu burburka ku jiray, “Haweenku mar walba waa macallin, haweenkii wax bartay qoyskoodii ayay u shaqeysanayeen oo ay noloshooda kaabayeen intii dalku dagaallada ay ka socdeen, waxay sidoo kale ka qeyb qaateen badbaadinta iyo nabadda dalka,” Ayay tiri Canab.
Madiina Maxamed Xaji, waa hooyo leh 7 carruur ah, fursad uma helin yaraanteedii inay wax barato, haatanna weli waxaa faraqa ugu jira korinta carruurta, waxay sheegtay inay deriska kala kaashato ogaashaha waxbarashada carruurteeda iyo inay si wacan uga shaqeeyaan shaqo-guriga loo soo diro, “Canuggeyga xitaa hadduusan bil iskuulka aadin ma ogaan karo, waayo anigaba waxba ma garanayo, haddaan wax baran lahaa shaqo iska daaye carruurteyda keliya ayayba anfici lahayd.” Ayay tiri Madiina.
Canab Xasan ayaa sheegtay in ururkoodu uu haatan qorsheynayo inay furan xarumo haweenka wax lagu baro, si sare loogu qaado horumarinta haweenka, “Haween badan marka nolosha qoysaskooda ay iyaga ka fursan weyday dagaalladii dalka oo qoysaskii kala kaxeeyay darteed, waxay ku baraarugeen qiimaha aqoontu leedahay, haweenku waa lafdhabarka bulshada, waxayna qiimo ku leeyihiin inay wax bartaan.” Ayay tiri Canab
Yuusuf Keynaan/FM








