
In ka badan 13 tuulo oo ka mid ah gobolladaas ayaana haatan ololahan laga bilaabay iyadoo ay ka faa`iideysanayaan 2,300 oo qof oo carruur ay u badan yihiin, waxaana fulinaya hay`adda waxbarashada ee Iftiin oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska.
Ololahan ayaa socon doona muddo 60 cisho ah, waxaa la shaqaaleeyay macallimiin dadka wax baraya maalmaha fasaxa ah sida khamiista iyo jimcaha, iyadoo ay dadku isugu imaanayaan meel barxado ah.
Cabdullaahi Sheekh Xasan Muxumad oo ah agaasimaha daladda Iftiin ee gobollada dhexe ayaa sheegay in ololahan loogu talagalay in lagu horumariyo dadka reer miyiga ah oo aan fursado u helin waxbarashada iskuullada.
Cabdi Ciise Muxumad oo ka mid ah dhalinyarada ka faa`iideysatay ololahan oo kale sanadkii hore isla markaana ku nool tuulada Dhagaxdheer oo ka tirsna gobolka Galgaduud ayaa ka warbixinaya sida ay noloshiisa u baddashaya fursaddaas “Waxaa la yiri aqoon la`aani waa iftiin la`aan, muddo 2 bilood ah ayaan ololahan wax ka bartay sanadkii hore, haddana mugdigii wan ka baxay oo waan qori karaa waana aqrisan karaa farta Soomaaliga.” Ayuu yiri Cabdi.
“Ololahan sanadkii hore waxaan ka fulinnay gobolka Galgaduud keliya, balse hadda waxaan ku darnay laba gobol oo kale, waxaan rajeyneynaa inaan mustaqbalka ku ballaarinno dalka.” Ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh.
Waa sanadkii 2-aad oo hay`adda waxbarashada ee Iftiin ay gobollada dhexe ka fuliso ololahan hormarinta reer miyiga oo lagu barayo qorista iyo aqrinta farta Soomaaliga iyo xisaasbaadka aasaasiga ah.
Maxamuud Diirshe/FM








