
“Mar walba magaalada ayaan xilli hore u aadi jiray qaraab, gaar ahaan suuqa bakaaraha oo aan shaqooyin xoogsi ah kasoo qaban jiray, laakiin maalmihii la soo dhaafay waxaa saamayn nagu yeeshay xirnaanshaha waddooyinka, hadda xaafadda dhexdeeda ayaan dhar dhaqid u aadaa, kamana helo wax nolosha carruurteyda ku filan.” Sidaa waxaa tiri Khadiija Xasan Mannaan, oo ah hooyo leh 5carruur ah oo deggan kaam ku yaalla degmada Hodan, gaar ahaan gudaha jaamacaddii hore ee Gahayr.
Dowladda Soomaaliya ayaa 30kii bishii Abriil xirtay waddada Makka Almukarramah oo isku xirta madaxtooyada iyo gegidda dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde iyo dhammaad waddooyinka iyo isgoysyada soo gala, sida waddada Dabka, waddada Ceelgaabta, Isgoysyada Banaadir, Taleex, KM4, Soobe iyo Tree piano. Xiridda waddooyinkan ayay dowladdu ku sheegtay inay uga hortageyso weerarro laga cabsi qabo in ururka Alshabaab ay ka geystaan gudaha magaalada.
Sheekh Nuur oo ku xoogsada gaari gacan ayaa sheegay in meelihii uu ka shaqeysna jiray ay xiran yihiin, haatanna uusan wax shaqo ah heynin, inkastoo ay sugayaan xaas iyo carruur.
Dadweynaha oo su weyn ugu tiirsan gawaarida bulshada ee loo yaqaanno (BL) ayaa sidoo kale ay saameyn ku yeelatay xirnaanshaha waddooyinkaas, iyadoo xaafadaha qaar aan la isugu gudbi Karin, halka BL-yada qaarkoodna ay wareeg dheer usoo galaan xaafadaha qaar.
Cabdulqaadir Cabdulle/FM










