Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dadka ku nool xeryaha qaxootiga ee dhadhaab oo ka codsanaya madaxda soomaaliya inay soo booqdaan

Radio Ergo by Radio Ergo
May 9, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQaxootiga  ku nool xeryaha Dhadhaab ee gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa aragtiyo isu dhow ka dhiibtay wixii ka soo baxay shirkii dhowaan London ka dhacay ee malaayiinka Dollar loogu yaboohay dib u dhiska Soomaaliya, iyagoona dhinaca kale ka codsaday madaxda dawladda Soomaaliya bal inay soo booqdaan xeryahaan si ay u ogaadaan xaaladaha dhabta ah ee ay ku nool yihiin kumaanka qof ee qaxootiga ku ah xeryahaan muddada dheer.

“Waxaan u aragnaa shirkaas mid muhiim u ah dadka, dadka qaxootiga ah ayaana hadda u bahan nabad iyo dibu dhis uu helo wadankoodii,  waxaanse dowladda Soomaliya ku dhaliilaynaa inaysan weli soo booqan xeryaha buux dhaafay ee nus milyanka Soomaalidu ku nool yihiin.” Sidaa waxaa yiri Mustafe Cawli, oo ku nool xerada qaxootiga Xagardheer.

Mawliid Cabdi Xasan waxaan ku noolaa xeryaha ilaa 1992dii oo aan soo qaxay, runtiina intaas oo dhan waxaan sugayey in waddanku nabad helo si aan fursad ugu helo inaan dib ugu noqdo, shirkaan London waa shirkii ugu muhiimsanaa ee Soomaaliya loo qabto, dawladda Ingiriisku aqoon bay u leedahay Soomaaliya, shirkana wax badan baan ka rajaynayaa, dawladda Ingiriiskana waxaan ku dhiiri gelin lahaa dibu heshiisiin intaas ka balaaran inay u qabato Soomaalida.

Annaga weli dowladihii la soo dhisay midna weli uma imaan dadka qaxootiga ah ee Dhadhaab ku nool oo runtii ah dadka keliya ee qaba baahida rasmiga ah ee ku aaddan inay dib ugu noqdaan dhulkoodii.

Cabdishakuur Mire Farax 23 jir ayaan ahay,  anigoon waxba garanayn ayaan soo galay xeryaha sanadkii 1992,  waxaan dhameeyey dugsi sare, waxanan diyaar u ahay inaan dalkayga ka shaqeeyo, dhalinyarada ku nool xeryuhu waxay aad u jecelyahay inay arkaan dowlad Soomaaliyeed oo shaqeyneysa,

Abshir Muuse Ibraahim oo ku nool Xagardheer, shirka London umadda Soomaaliyeed dan weyn baa ugu jirta, gaar ahaan inta qaxootiga ku ah daafaha caalamka ayuu rajo gelinayaa, iyagoona rajaynaya in dawladdoodii dhisanto si ay uga baxaan in ka badan 20 sano oo qaxootinimo ah.
Guud ahaan afkaarta dadka qaxootiga ah ee ku aadan shirkii London ayaa u badan rajo ah inay u soo dhowaatay fursad u saamixi karta inay kaga baxaan sanado badan oo nolol adag oo qaxootinimo ah ay ku jireen, welise ay ka horayso jid dheer oo u bahan wax ka qabad, sida in wadanku helo nabad buuxda, dibu dhis kaabayaashii noloshada dadka iyo dhaqaalaha, iyo dawladda oo awooddeeda gaarsiisa dhammaan xudduudaha waddanka tanoo ah fursadda dhabta ah ee la taaban karo iyagana u horseedi karta inay dib ugu noqdaan dhulkoodii.

Xeryaha buux dhaafay ee ku yaal deegaanka Dhadhaab ee gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa waxay hoy u yihin qaxooti u badan Soomaali tiradooduna tahay in ka badan nu malyuun qof, iyagoona halkas u qaba dhibaatooyin nololeed, waxaa adag dhinacyada caafimaadka, hoyga, ammaanka iyo aasaasiyaadka nolosha, waxayna ku nool yihiin buux dhaafay, qaxootigaan ayaa quud darraynaya inay mar uun arkaan dhulkoodii oo nabad ah si ay dib ugu noqdaan.
FL/MH

 

Previous Post

XIRNAANSHAHA WADDOOYINKA MUQDISHO OO SAAMEEYAY XOOGSATADA

Next Post

SAADAASHA ROOBKA EE TODDOBAADKA

Related Posts

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Next Post
SAADAASHA HAWADA IYO ROOBABKA SOOMAALIYA

SAADAASHA ROOBKA EE TODDOBAADKA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-JUN-2026

IDAACADDA 26-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-JUN-2026
June 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUN-2026
June 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUN-2026
June 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo