Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

KALLUUMAYSATADA XEEBAHA MUDUG IYO NUGAAL OO QAYLO DHAAN KA KEENAY MARAAKIIB JIRIIF KU HAYSA

Radio Ergo by Radio Ergo
May 8, 2013
in Masiibooyinka
0
KALLUUMAYSATADA XEEBAHA MUDUG IYO NUGAAL OO QAYLO DHAAN KA KEENAY MARAAKIIB JIRIIF KU HAYSA

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankXaaluf ballaaran oo ay maraakiib kuwa shisheeyaha ah wadaan  ayaa ka socda deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Mudug iyo Nugaal, sida ay haatan muujinayso cabasho ka soo yeeraysa waxgaradka iyo maamulka deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, kuwaasoo maamulka Puntland ka dalbaday in arrintaas wax laga qabto.

Nabaddoon Jaamac Ciise Xirsi Jiindhe oo raadio Ergo kula hadlay Garoowe wuxuu sheegay in deegaankaasi uu ka soo kabanayo falalkii Burcad badeeddu halkasi ka wadeen muddada dheer, kaasoo soo afjarmay markii ay dagaal mideysan la galeen shacabka, maamulka iyo dowladaha la dagaallama burcad badeedda, waxaase arrintaasi beddelay jariif ay wadaan maraakiib waaweyn oo hubaysan oo aan la aqoon meel laga leeyahay.

“Burcad badeeddu muddo ka badan 4-sano ayey halkaasi joogeen, balse waa laga adkaaday hadda, waxaase jira hadda burcad badeed kale oo beddelay kuwii hore waana kooxo calooshood u shaqeystayaal Soomaali ah oo dalka ku soo hoggaamiya  maraakiib waaweyn oo dalal kale leeyihiin kuwaasoo xaaluf ba`an  wada. Xeebaha Eyl ilaa Garacad ayey arrintaasi ka socotaa,” ayuu yiri Nabaddoon Jiindhe.

Wasiir ku xigeenka dekedaha iyo la dagaallanka burcad badeedda Cabdishakuur Mire Aadan ayaa Ergo u sheegay inay jiraan maraakiibtaani jiriifku, ayse dad ganacsato ah oo reer Puntland lug ku leeyihiin keenista maraakiibtaan jariifka ah xeebaha Puntland, isagoo ka gaabsaday inuu farta ku fiiqo kuway yihiin.

Maamulka iyo waxgaradka degmada Jariiban iyo deegannada hoostaga oo ay ka mid tahay Garacad waxay sheegeen inaysan awood u lahayn inay wax ka qabtaan arrintan, dhowr jeer oo hore ayey cabashooyin gudbiyeen balse haatan waxay wadaan qorshe ay isku kaashanayaan maamulka Puntland iyo dadka deegaankaasi si ka hortag wanaagsan loo sameeyo.

“Ma jiraan cid wax ka qaban karta marka la eego dhanka dadkeenna shacabka ah, maraakiibta NATO waxay qabtaan Burcad badeedda oo dhowr jeer ayaan dacwad u gudbinnay waxayse noo sheegeen inaysan sharci u lahayn inay taas fara gelin ka sameeyaan oo ay shaqadoodu tahay inay qabtaan Burcad badeed wata hub oo doonaya inuu wax afduubto.” sidaasi waxaa Ergo u sheegay Nabaddoon Jiindhe.

Cabdiraxmaan Xaaji/MH/FM

Previous Post

QEYBTA TB-DA EE ISBITAALKA KISMAAYO OO XIRANTAY

Next Post

XIRNAANSHAHA WADDOOYINKA MUQDISHO OO SAAMEEYAY XOOGSATADA

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
XIRNAANSHAHA WADDOOYINKA MUQDISHO OO SAAMEEYAY XOOGSATADA

XIRNAANSHAHA WADDOOYINKA MUQDISHO OO SAAMEEYAY XOOGSATADA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo