
Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Kismaayo dhakhtar Cabdisamad Abuukar Xaaji ayaa raadiyaha Ergo u sheegay iney joogsadeen dhamaan adeegyadii iyo howlihii caafimaad ee qeybta TB-da ee isbitaalka sababo la xariira daawooyinkii oo ka dhaamaday isbitaalka.
Agaasimaha Isbitaalka Kismaayo ayaa intaa ku daray in Hayádda Global Fund iyo hayáddo kale oo isbitaalka dhanka daawada iyo qarashaadka ka taageri jiray ay joojiyeen teegeeradoodii inta maamulkii Shabaab uu ka jiray magaalada iyagoo ka jawaabaya mabnuucid ay shabaabkii dul dhigeen hayádaha Qaramada Midoobey ee gobolka ka howlgalayay.
Xarunta qeybta TB-da ee Isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa bixin jirtay adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah oo ay ka faaíideysan jireen dadka ku nool magaalada. Carruur iyo haween ayaa ugu badnaa bukaan-socotada isbitaalka dawooyinka ka heli jiray.
Agaasimaha Isbitaalka Kismaayo Dhakhtar Cabdisamad Abuukar Xaaji ayaa Ergo u sheegay iney magaalada ka jirto xarun bixisa baaritaanka iyo daweynta TB-da oo ay leedahay hayádda gargaarka ee Muslim Aid. Laakiin xaruntaas ayaa lagu daweeya bukaanada qaaxada laga helo candhuuftooda oo keliya sababtoo ah xaruntu ma leh raajada lagu baaro TB-da.
Wuxuu agaasimaha isbitaalka intaa ku daray in bukaanada kale ee qaba TB-da kuwooda awooda ay kasoo iibsadaan dawooyinka farmashiyayaasha sida gaarka loo leeyahay, kuwo kalena ay ba u dhintaan cudurka.
Dhakhtar Cabdisamad Abuukar Xaaji wuxuu sheegay in cudurka TB-da ay weli ka jirto deegaanka, ayna ka mid tahay xanuunnada ugu badan ee soo ridanaya dhallinyarada. Wuxuu tilmaamay in xanuunku aad ugu badan yahay dhallinyarada 25 sano jirka ah, si gaar ah kuwo sigaarka caba, khaad-kana cuna sababtoo ah jeermiska dhaliya xanuunka TB-da aad ayuu ugu dhex faafi ogyahay.
Inkastoo magaalada ay haatan gacanta ugu jirto jabhada Raas-Kambooni, ciidamo dowladda ka tirsan iyo askar Kenyaan ah oo si wadajir ah kala wareegay maamulkii Shabaab, Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Kismaayo dhakhtar Cabdisamad Abuukar Xaaji wuxuu sheegay in aysan jirin taageero dhaqaale oo ay ka helaan ciidamada is-garabsanaya ee magaalada la wareegtay.
Dhakhtarku wuxuu sheegay in saddex fuusto oo shidaal ah ay bil weliba ka helaan maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada ka jira, laakiin taasi ma daboosha baahiyaha dhanka korantada ee Isbitaalka ka jira. Qeybaha qaliinka iyo qolalka ay jiiftaan bukaanada waa mugdi. Agaasimaha Isbitaalka Kismaayo ayaa ugu baaqay shirkadaha koronto ee gaarka loo leeyahay in koronto tabarucaad ah ay geliyaan isbitaalka si gaar ah qeybaha qaliinka iyo kuwo la jiifiyo bukaanada.
Khadar Maxamuud Xareed/MR/AM










