
Khadiija Ciise Faracadde oo maamulka gobolka Banaadir u qaabilsan mashruuca tiiraanyo bixinta ayaa sheegtay in barnaamijkaani yahay mid ku cusub Muqdisho, ay keentayna aasaaskiisa markii la arkay dhibka maskax iyo muruq ee dhalinyarada Soomaaliyeed ku reebeen dagalladii muddada dheer socday, kanoo ah in dhalinyarada laga daaweeyo murugada iyo kurbada tirada badan, lana fahamsiiyo dhalinta meeshay mushkiladdu ka timid, sidoo kale la soo nooleeyo rajadoodii oo in dhibkaan laga baxayo aan tusinno, taasoo loo marayo in qofka dhibka geystay lagu qanciyo in la cafin karo, kii dhibta loo geystayna lagu samir siiyo in uu qaato dulqaad uu ku cafiyo qofkii dhibka gaarsiiyey, iyadoo dhalinyaradu ka sheekaynayaan dhammaan waxyaabihii dhibka badnaa ee soo maray 22kii sano ee dagaalladu socdeen.
Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Tarsan, ayaa isaguna ugu baaqay bulshada Muqdisho in dadka aan lagu takoorin dhib soo gaartay ama ay geysteen, dadka dhibku dhex marayna iyaga loo kala garqaado oo aan loo sii saarin hab qabiil, sidoo kale wuxu ka hadlay dadka guryaha laga haysto iyo dadka ka haysta inay iyana arrintaani soo gelayso.
Wareeggaan ayaa lagu tababaray 32 qof, oo iyana loo diyaariyey macalin ahaa, loona kala diray degmooyinka gobolka si ay u soo ururiyaan dhalinyartii la siin lahaa duruusta ku saabsan tiiraanyo bixinta, iyadoo dhaqaalaha ku baxayna ay bixisay hay’adda IOM.
Barnaamijkaan ayaa siday sheegayaan hawl wadeennada wada ay markii hore dadku u arkayeen mid aan macquul ahayn, haddase markii ay fahmeen ogaadeen in meesha ugu muhiimsan ee loo bahan yahay in xoogga la saaro ay tahay arrintaan.
Cabdullaahi Cabdulqaadir Xiirey oo ah madaxa urur dhalinyaro oo ka dhisan Muqdisho URSYL ayaa isagu Ergo u sheegay inay tahay muhiim sidii loo abaabuli lahaa dhalnyarada, iyagoo maskaxdooda ugu badan ku bixiya cabsida ka haysata duruufaha dagalladu keeneen, ayna taasi ka jeedisay inay u fekeraan sidii wanaagsanayd ee horumar u keeni lahayd waddanka, waana muhiim ayuu ku daray wacyi gelintaan oo kale in loo qabto.
YK/MH










