
Iyadoo kiisaskii cudurka dabeysha laga helay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay siduu sheegay Dr. Sidiiq Jeylaani Awow oo ah madaxa adeegga bulshadda ee gobolka Bay, wuxuu sheegay inay muhiim u tahay ilmo kasta oo gobolka ku nool inuu helo tallaalka dabeysha haddii kale cudurku sii faafayo, iyadoo cudurka dabeyshuna ka hor tag mooyee uusan lahayn daaweyn.
Madaxa UNICEF ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya Mawliid Cali Xaaji, “Waxaan leenahay waalidka carruurtiinna tallaala, maamulladana deegaannada laga wel welsan yahay ee gobolka Bayna ay xil iska saaraan sidii tallaalka loo gaarsiin lahaa carruurta”
Mawliid ayaa walaac ka muujiyey carruurta ku nool degmooyinka aan hawl wadeennadu gaarin karin, isagoo ka codsaday odayaasha iyo mas`uuliyiinta deegaannadaas ay mas`uuliyad iska saaraan in ilmaha tallaalka loo fasaxo.
Xasan Macallin Axmed Bikolo oo ah gudoomiyaha degmadda Baydhabo ayaa Ergo u sheegay in deegaanno badan oo gobolka ah aysan suurto gal ahayn in la gaarsiiyo tallaalka sababo ammaan dartood,
Sidoo kale gobolka Galgaduud ee gobollada dhexe ayaa iyana ka mid ah goobahay ka socdaan ololaha tallaalka dabeyshu, iyadoo kooxaha tallaalka ka shaqaynaya guri guri u gelayaan xaafadaha degmooyinka, mid ka mid ah horjoogayaasha xaafadaha gaarsiinaya tallaalka ayaa sheegay “Waxaa lay yiraahdaa Xasan Jibriil Cali, horay dhib badan ayaan ku qabnay tallaalka, haddase waxaad mooddaa in dadkii soo fahmayaan, hadda wax dhib ahna maanan arag, waxaan ku kallahnaa xaafadaha 6da subaxnimo, dadkuna waa na soo dhoweeyaan”
Salaado Ibraahim Qaarey oo ah iyana hooyo ku nool degmadda Cadaado ayaa Ergo u sheegtay “ilmahayga waa la tallaalay, dadweynahana waxaan leeyahay tallaalka ku dhowaada si carruurtiinnu aad u hubisaan inay fayo qabaan”
Ololaha gobollada dhexe oo soconaya 3 maalmood ayaa la qorshaynayaa in lagu tallaalo carruur ka badan 9750 kun, siduu Ergo u sheegay madaxa WHO ee hawlaha tallaalka ee degmada Cadaado Ismaaciil Cabdi Xasan.
Tallaalka ayaa sidoo kale hadda ka socda xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab kuna yaal waqooyi bari Kenya.
Dirshe/Barre/MH









