Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

HAWEENKA BARAKACAYAASHA GAROWE OO KA FAA`IIDEYSANAYA XIRFADAHA GACANTA EE LACAG LA`AAN AH

Radio Ergo by Radio Ergo
May 2, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
HAWEENKA BARAKACAYAASHA GAROWE OO KA FAA`IIDEYSANAYA XIRFADAHA GACANTA EE LACAG LA`AAN AH
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMachadka tababarka xirfadaha gacanta ee SAACOM ee magaalada Garowe ayaa wuxuu siinaya fursado xirfadaha gacanta ah haweenka barakacayaasha ee ku nool Garowe. Machadkan oo la furay sanadkii 2003dii, ayaa waxaa si lacag la`aan ah wax uga barta haween badan oo danyar ah kuwaasoo u badan barakacayaasha ku nool Garowe iyagoo ka faa`iideysta xirfado kala duwan si ay iyagu iskood ugu shaqeystaan wixii halkas ay ka bartaa.

Machadka SAACOM oo xarumo kale ku leh deegaannada, Jalam, Godob jiiraan iyo Dhiganle ayaa waxaa haatan wax ka barta 250 haween ah da`doodu ay ka weyntahay 18sano, kuwaasoo ka faa`iideysta xirfadaha harqaanka, dharkarinta, cunta sameynta, cillaanka iyo qurxinta dumarka, dhar sameynta, iyo qurxinta guryaha.

Caasho Cabdi Xuseen oo ah maamulaha machadkan ayaa Ergo uga warrantay ujeeddada machadka “Waxaan rabnaa in haweenku ay wax bartaan, ugu yaraan xitaa inay bartaan qoraalka far Soomaaliga, inay bartaan xirfao ay ku shaqeystaan.” Ayay tiri Caasha.

Alaabta iyo dharka ay tolaan haweenkan ayaa loo iib geeyaa suuqyada Garowe, sidoo kale haween ka qalin jebiyay machadkan ayaa magaalada ka furtay xarun qurxinta dumarka ah, halka kuwo kalana ay furteen maqaayado ay cuntooyin ku kariyaan, sida ay Caasho sheegtay.

“Waxaan iska joogay guriga, sababtoo ah waalidkey ma awoodin inay iskuul i geeyaan, machadkan ayaan fursad u helay waxaan dhigtaa muddo 2 bilood ah, haddana waxaa farxad ii ah inaan magaceyga qori karo, muddo kaddibna aan abuuranayo shaqo ii gaar ah.” Sidaa waxaa tiri Xaliimo Xuseen Kaahiye, oo ka mid ah barakacayaasha xeryaha Jowle oo ku yaalla duleedka magaalada Garowe, isla markaana SAACOM wax ka barta.

Machadkan SAACOM oo tan iyo intii la furay ay ka qalin jebiyeen 1750 haween ah ayaa waxaa taageera ururrada haweenka ee gobolka Nugaal, iyadoo barnaamijka cuntada QM ee WFP uu haweenkan ku taageero raashiin bille ah oo ka kooban bariis, misir, digir iyo boorash.

Cabdiraxmaan Xaaji/FM/AM

Previous Post

DHALLINYARO KA QEYB QAADANAYA SOO CELINTA MUUQAALKII MAGAALADA MUQDISHO

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA NOOL EE QEYBO KA MID AH DALKA

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

QIIMAHA XOOLAHA NOOL EE QEYBO KA MID AH DALKA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo